Total Pageviews

Sunday, February 18, 2018

Yaa guulo badan Kooxaha Barcelona iyo Chelsea kahor ciyaarta xiisaha leh ee todobaadkan


Laga soo bilaabo sanadkii 2000 kii  kooxaha Barcelona iyo Chelsea waxaa dhexmaray ciyaaro xiise badan kuwaas oo natiijooyin kala duwan kasoo baxeen aan soo qaado natiijoouinkii lagu kala badiyey ,maadaama weegan gudihiisa ciyaar xiiso leh dhexmaraysa labadaas kooxood
1.       5. April 2000 waxaa ciyaar xiiso leh garoonka kooxda Chelsea ,ciyaartaas waxaa sadex iyo hal ku badisay Chelsea ciyaartaas o ahayd is aragii hore  (3:1).

2.        18. April 2000 Lugtii labaad ee ciyaartaas waxay kadhacaday garoonka Barcelona waxaana ciyaartaas shan iyo hal ku badisay Barcelona (5:1)

3.        23. February 2005  ciyaar kadhacday garoonka kooxda Barcelona kadhacday ciyaar u dhexeysa labada kooxood ciyaarta waxaa labo iyo hal ku badisay Barcelona (2:1).

4.       8. March 2005  lugtii labaad  ee ciyaarta waxaa ku badisay Chelsea ciyaartaas oo kusoo dhamaatay (4:2) .

5.       22. February 2006  ciyaar kadhacday garoonka Chelsea ku badisay Barcelona labo iyo hal (1:2)

6.       7. March 2006 lugtii labad ee ciyaartaas waxay kusoo dhamaatay hal iyo hal (1:1).

7.       18. October 2006  ciyaar isla sanadkan waxaa hal iyo eber ku badisay Chelsea ciyaar ka dhacday garoonka Chelsea . (1:0)

8.       31. October 2006  ciyaartii lugta labaad waxay kusoo dhamaatay labo iyo labo (2:2).

9.       28. April 2009 ciyaar xiiso lahayd oo semifinal ahayd oo kadhacday garoonka Barcelona kusoo dhamaatay  eber iyo eber (0:0).

10.   6. May 2009 ciyaarta lugtii labaad oo ahayd ciyaar aad iyo aad u xiiso badnayd oo kadhacday garoonka Chelsea Barcelona ayaa ku badisay hal iyo eber goolkaas uu kadhaliyey Iniesta daqiiqadi 90aad goolkaas uu caawiyey messi .


1
1  .April 2012 ciyaar semifinal ahayd oo kadhacday garoonka Chelsea kusoo dhamaatay hal iyo eber ay ku badisay Chelsea (1:0) goolkaas uu dhaliyey Didier Drogba .

1.   24. April 2012  ciyaarii ugu dambaysay ee labada kooxood waxay kadhacday garoonka berceloan ee camp New taas oo kusoo dhammaatay labo iyo labo (2:2). Halkaas oo barceloan looga reebay tartanka champion league waana sanadkii ugu horraysay ay Chelsea qaaday koobka kooxa yuru .

   

      BY Abshir jama salah

Friday, February 16, 2018

Muxuu ku salaysanyahay mudaharaadka Oromada?


Hailemariam Desalegn wuxuu ku dhawaaqay iscasilaadiisa uu kaga dagayo xilka uu u hayo wadanka qoomiyadaha badan ee Ethopia , Hailemariam Desalegn waa nin aqoonyahan ah kaas oo kasoo jeeda qoomiyada walleeto oo degta koonfurta wadankaas kana mid ah shucuubta koonfureed “dhabuubta”,wuxuu mar soo noqday madaxwaynaha kilinkaas wuxuuna xilkaas ka degay markii ay ku kaceen qoomiyadiisa kadib wuxuu noqday lataliyaha raysalwasaarihii hore malez kadibna wuxuu noqday ku xigeenkiisi kadib wuxuu dhaxlay xilkaas markuu dhintay malex,wuxuu xilkaa hayey laga soo bilaabo 2012-2018.
Sababaha uu xilkaas ku banneeye wuxuu sheegay inuu xal ku raadinayo ,laakiin wararka hoose waxay sheegayaan in xilkaas loo wado nin mucaarad ah oo kasoo jeeda qoomiyada ugu badan ethopia ee Oromada .

Qoomiyada oromadu waxay dalbanayaan labo qodob oo muhiim ah si ay u joojiyaan mudaharaadka ay wadaan

-Mid waa in lasiiyo raysalwaraaha wadankaas yagoo diidan xilka ay hayaan ee madaxwaynaha maadaama uu madaxwanuhu awood badan ku lahayn dastuurka dalkaas.

-Qodobka labaad waxay rabaan in luuqada wadankaas tan koowaad laga dhigo luuqada oromada yadoo Meesha laga saarayo luuqada amxaarada .

Saturday, February 10, 2018

Afkaaga Hayso "Faarax Galooley"

Faarax Galooley "AUH" wuxuu aqoonyahay soomaaliyeed lahaa xikmad garasho,wuxuu xubin kasoo noqday baarlamaankii dawladihii rayidka ahaa ee Aadan cadde iyo Cabdirashiid.
Markii dawladii kacaanku qabsaty xukunkii soomaaliya ayuu faarax Galooley tegay "Af-gooye" afkana sharooto ku xidhay .
Waxaa arinkii loo sheegay Madaxayne Maxamed S.Barre ilahay ha naxariiste ,kadib wuxuu amray in loo yeedho Galooley ,wuxuu codsaday in loo waydiiyo in loo fasaxo inuu wixii afkiisa kasoo baxa uu ku hadlikaro .
Markii loo keenay madaxwaynihii wuxuu waydiiyey sababta uu afka iskaga xidhay!?
Wuxuu ku jawaabay faarax Galooley "Afkaaga Hayso ama Af-wayne Raac ama Afgooye aad" intaa waxaan ahayn waan garan waayey.
Kadib waxaa loo fasaxay inuu xor u yahay aragtidiisa .




Friday, February 9, 2018

GENEALOGICAL TABLE OF SOMALI CLANS



linkigan hoose riix si aad u akhrisi ama u dejis

https://www.ecoi.net/en/file/local/1413573/bsvec1_unhcr2000.pdf




Magacyada Lab iyo dhedig lix kamid ah ugaadha

1:sagaarada labkeeda waxaa layidhaahda "Atoor" dhedigeedana "Yac", in kuweeda yar-yar loo yaqaan "Biiq" , in sagaardu badanaa labo labo isuraacdo, in sagaaradu dhasho kaliishi.



2:cawsha labkeeda waxaa layidhaahdaa "Jaxeedh" dhedigeedana loo yaqaan "Masaal", in koox cawl oo wada socota loo yaqaan "Goosin cawl ah" .

3:Garanuugta keeda lab waxaa layidhaahdaa "Liig" dhedigeedana loo yaqaan "Tingey", liiggu markuu yaryahay waxaa ladhahaa "Warrad",in koox garanuuga oo wada socota loo yaqaan "Dan" garnuuga, in garanuugta layidhi sida dumarka ayey caado leedahay .

3:labka Deerada waxaa ladhahaa "Deer" dhedigana loo yaqaan "Deero", in koox deerooyin ah oo wada socda loo yaqaan "Wadar" deero ah, in deeradu tahay tan ugu xeelada badan ugaadha.

4:Goodirka labkiisa waxaa loo yaqaan "Daaraad" ama "Labo- qolle",Dhediga goodirka waxaa loo yaqaan "Caarrey" ama "Adeeryo", in koox goodiro ah oo wada socota loo yaqaan "Urur" goodira, in goodirku ku noolyahay badanaa buuraha iyo dur durada.

5:Biciidka labkiisa waxaa loo yaqaan "Saryan" dhedigiisana "Biciid", In koox biciida oo meel.wada joogta loo yaqaan "Yahaab Qamaamaley", inuu yahay biciidku kan ugu fulaysan ugaadha uguna dhega nugul ,In biciidka yar-yar loo yaqaan "Sawaro",In biciidkuu sahamiyo uuna hayaamo,in biciidku uu wadaduu aroortii qaadu uu dib u raaco baqdin awgeed.

6:Igorayada labkeeda in ladhaho "Hal-dhaa" dhedigeedana " Goraya cawl", In dhasha gorayada loo yaqaan " Hal-garac" meesha ay dhigtana loo yaqaan "Goofka" , In marka koox dhallaana oo gorayo ah oo mar wada kacday loo yaqaan "Fil",In koox gorayo ah oo meel wada joogta loo yaqaan "Gawar" gorayo ah.
_______________


















By Abshir jama salah
FG:Fadlan wixii gefa ama khaladaada ee kujira waa sixikartaa adoo mahadsan.

Tuesday, February 6, 2018

Baro oo Baahi 11 Kamida Noolayaasha Qur'aanka Kariimkka Lagu Xusay

1:Kaneecada -tusaale ahaan aayada 26aad ee Suuratul -baqra
2:Duqsiga -tusaale ahaan aayada 73aad ee suuratul -Xajj
3:Qudhaanjada -tusaale ahaan aayada 18aad ee suuratu Namal
4:Shinnida -tusaale ahaan aayada 68aad ee suuratu Naxli
5:Caarada -tusaale ahaan aayada 41aad ee suuratul Cankabuut
6:Eyga -tusaale ahaan aayada 18aad ee suuratul Kahaf
7:Hud-hudka -tusaale ahaan aayada 20aad ee suuratu Namal
7:Yeyda -tusaale ahaan aayada 14aad ee suuratu Yuusuf
8:Nibiriga ama xuutka- tusaale ahaan aayada 63aad ee suuratul Kahaf iyo aayada 142 ee suurati Saafaat
9:Maroodiga -tusaale ahaan aayada 1aad ee suuraul fiil
10:Fardaha iyo dameeraha-tusaale ahaan aayada 8aad ee suuratu Naxal



Sunday, February 4, 2018

Taariikh Nololeedkii Alle ha unaxariiste Garaad Cali Buraalle


Alle ha u naxariistee Garaad Cali Buraale Xasan oo Xalay Alle wayne ku oofsaday magaalada Laascanood ee xarunta gobolka Sool Wuxuu ku dhashey  Meel la dhaho BAARAAN , oo ah halka ay hadda tahay magaalada Kalabaydh oo Laascaanood kaga began dhanka Koonfureed 35 Km  sanadkii 1931 .
Aabihii Waxaa la odhan jira Buraale Xasan Shiil  , Hooyadiina waxaa lagu garan ogaa Xooshey Geesood .
Garaadku Waxaa ay waalidkii soo barbaariyeen illa uu ka 18  jirsaday , Waxaana uu ku soo barbaaray Miyiga Koonfurta magaalada Laascaanood  . Sanadkii 1950 Bishii Dicember Waxaa uu Garaad Cali Buraale Xasan uu galay waddanka Jabuuti isaga oo aan da’diisu gaadhin 20  jir , Waxaana uu halkaasi kula kulmey Nin lagu magacaabi jiray Faarax Ciise oo lagu naanaysi jiray ‘Qaaje’ oo ka mida ahaa Saraakiishii Soomaaliiyeed ee ka qayb galay dagaalkii 2 aad ee aduunka isla markaana la guddoonsiiyey billad Sharaf geesinimo xilligaa , Waxaa wehliyey Garaad xilligaa uu galay magaalada Jabuuti Nin kale ay isku meel ka wada tageen isla markaana ka wada mid noqdeen Ciidamada.
Kulankii iyo is barasho ka dib waxaa uu Faarax Ciise ‘Qaaje’ uu toodbaad ka dib ku daray Garaad ka  Ciidamada Isticmaarka ee Faransiis ee halkaa ku sugnaa . Waxaana uu ka mid ahaa Ciidamada Police ee Faransiiska ee Waddankaa Jabuuti muddo 26 sano ah .
1975 Waxaa ay ku wargeliyeen Garaadka Hogaankii ugu sarreeeyey ee Ciidamada Faransiiska in marka Calanka xorriyada la siinayo waddanka Jabuuti  inuu u diyaar garoobo qabashada xilka loo magcaabi doono oo ah Hogaaanka ugu saareeya ee Ciidamada Jabuuti.
Balse , Garaadku Waa uu iska diiday in uu qabto xilkaasi , Waxaana uu noqday hawl gab ah madaama muddo badan uu ka shaqaynayey Ciidamada . Mudadaa ka dib  Garaadka Waxaa uu ka bilaabay ganacsiyo kala duwan  Magaaloyinka Muqdisho  Arabsiyo iyo   Hargeisa .
1986 dii Dawlada Millitary ga ee Soomaaliyeed waxaa ay guddoonsiisay abaal marin Billad Maar  ah oo lagu guddoonsiiyey guulo uu ka gaadhay ganacsigiisa iyo waliba u hogaansan sharciyo ganacsiyeed oo ay dawlada Soomaaliyeed ee xilligaasi soo rogtay isla markaana ku abaal marisay siduu u uga soo baxay Fulinta Sharciyadaasi .
Garaadku Wuxuu  uu guursaday  Shan Xaas , oo midi ay kala tageen , Waxaa uu Alle ku arsaaqay Garaadka 35 Caruur marka laga reebo inta dhimata kuwaa oo  isugu jira Wiilal iyo Hablo , (14 Wiilal & 21 Waa Hablo) .
Taranta Garaad Cali Buraale Xasan marka la isku daro Caruurtiisa iyo Waxa ay sii dhaleen waxaa ay ka badan yihiin 100 Caruur ah .
C/Raxmaan Maxamed Axmed Nuur oo ka mid ahaa Dadkii ay mudada dheer wada noolaayeen oo ka hadlaya Garaadka ayaa yidhi :
‘Waxaa uu ahaa addoon Alle , Cibaado badan , Naxariis badan , Xarago badan deeqsi ah , Hawlkar ah , Xishood badan iyo waliba Nabadoon ka shaqeeya heshiisiinta Beelaha Waxaa kaloo uu ku caan baxay Samafalka Waalidkii  iyadoo xilliyadii uu ka shaqayn Jirey Jabuuti uu sanadkii hal bil uu fasaxa ugu Imaan jiray Waalidkii , oo ku noolaa magaalada Domc ee  gobolka Cayn , Waxaana uu ugu lugayn jiray Buuhoodle iyo Burco Maadaam xilligaasi aaney jiray gaadiid lagu safro   ‘ .
Sidoo kale , Garaadku wuxuu dhisay goobo Waxbarasho oo ay ka mid tahay Xarunta Agoonta ee magaalada Laascaanood waxaana uu dhisay 1997 , halkaa oo ay maanta wax ka bartaan 300 oo caruur agoon ah . Sidoo kale waxaa uu goobo waxbarasho oo isuggu jira  Malcaamado iwm , kuwaa oo uuka hirgeliyey maglooyin ku yaalla gobolka Sool .
1999 July 29 Waxaa ay Beesha uu ka dashey Garaad Cali Buraale Xasan  (Cabdi Garaad ) ay u boqratay  inuu u noqdao Isimka  ay ka amar qaadato Beesha , Waxaana lagu caano shubay Magaalada Dharkayn-Geenyo oo ku taalla koonfurta gobolka Sool  . Waxaana ka soo qayb galaya Caan shurka Marxuumka -Alle ha u naxariistee- dhamaan Isimada dhaqanka ee gobollada SSC , oo uu ka mid ahaa Garaad C/Qani , Garaad Saleebaan Garaad Maxamed , Garaad Abshir Saalax-Alle ha u naxariistee- , Garaad Ismaaciil  Garaad Ducaale , Garaad Soofe iwm .
Garaadka Waxaa uu ku noolaa magaalada Laascaanood Sanadihii ugu danbeeyey , Waxaan uu ku geeriyooday magaalada Laascaanood 03-02-2018 abaaro 2:08 Pm , Isaga oo Tukanaya Salaatu-Layl , Shahaadana ku dhawaaqaya .
Fiiro Gaara :Ururinta Taarikhdan Waxaa laga diyaariyey : C/Raxmaan Maxamed Axmed Nuur

xigasho Horufadhi media 

Hees qaraami oo macaan


halkan ka daawo hees ay kuwada luuqeeyaan xasan aadan iyo saharo axmed

Friday, February 2, 2018

MAQAAL :MIYAAN QIIMO BEELAY

Dabayaaqadii 1973 abaarihii 5:00 pm saacada geeska africa ayaa gabar somaliyeed oo ganacsato ah nooca loo yaqaan shaar-shaari (gadisley)oo xuduudka kenya iyo somalia ka talaabaysa dhanka magaalada balad-xaawo baa waxaa naaska ka taabtay askari kenyan ah kadibna gabadhii ayadoo ooynaysa ayay waxay u timi taliyihii ciidamada xuduuda markaas xukumayay oo la oran jiray siigo dheere. kadib taliyihii wuxuu amar ku bixiyey in xuduudka la xiro qof kenyan ahna uusan usoo gudbi karin dhanka somaliya wuxuuna sidoo kale iclaamiyey dagaal ka dhan ah keenya asagoo ka xanaaqsanaa sidee nin sanka dhuudhi ah gabar somaliyed jirkeda u taaban karaaa xaaladii markii ay meel xun gaartay ayaa madaxweynihii kenya wafti somaliya u diray arinka dhexdhexaadiya asagoo ka baqanaya in ciidanka somalia dagaal ku qaadaan wxayna la kulmeen madaxweynihii hore ee somalia. Jalle siyaad bare illahay ha u naxariisteeh wuxuuna ugu jawaabay anigu xuduudka kama taliyo ee siiga dheere arinkaas kala xaaajoooda. Waxay qaadatay asbuucyo in la qanciyo taliye siiga dheere waxayna kenya xaal ka bixisay falkii askarigoodu sameeyey hadaba akhriste maanta waxaa ceel cado oo 60 km u jirta beled xaawo lagu laynayaa maato somaliyeed oo waxba galabsan waxaana laynaya sanka dhuudhi mana jirto cid ka dhiidhinaysa ama u damqanaysa haday tahay dawlada somalia ama maamulka jubaland mana haysano ciidamo qaata canshuurta dad weynaha sharaftoodana difaaca

W/Q Mohamed Aden Hussein


maxaa laga fahamay hadalkii sanbalooshe uu ka yiri arrinkii qalbi dhagax

Waraysi dheer ay la yeelataya VOA qayba soomaaliga  taliyihii hore ee nabad sugida soomaaliya sanbalooshe waraysigaas oo dhinacyo badan taabanayey hadaba mar wax laga waydiiyey qabashadii iyo dhiibistii qalbi dhagax wuu diiday in uu sifiican uga jawaabo suaashaas laakiin waxaa hadalkiisa kasoo baxayey in uu wax ka ogaa ama uu ku lahaa gacanta ugu wayn waayo wuxuu yiri “arrimo amni ayaa loo dhiibay dawladuna way ku saxnayd “ ayuu hadalkiisa ku daray .

Mar wax laga waydiiyey booqashadii madaxwaynaha ee maamulada galmudug iyo Puntland wuxu socodkaas ku tilmaamay mid waqti lumis ah sago iska indho saabayey horumaradii laga gaadhay wuxuu ka qiray heshiiskii ahlu sunna iyo maamulka galmudug .

Mar wax laga waydiiyey doorashadii lagag adkaaday booska xildhibananimo ee hirshabeellle wuxuu sheegay in dawlada dhexe ku bixisay lacago badan baqdina y iga qabaan ani iyo inaan mucaaradnimo horleh kala hor imaado.



Thursday, February 1, 2018

Dhacdo aan hilmaamay 2013

Sannadkii 2013 ayaan muwaadin soomaaliyeed kula kulmay magaalo madaxda gobolka sool ee laascaanood ,waxaa la xidhay sannadkii 1977kii dagaalkii u dhexeeyey soomaaliya iyo itoobiya ,markaa eegto muuqaalkiisa waxaa ka dareemaysaa saamaynta uu ku yeeshay xabsigaas ,wuxuu aaminsanaa in wali dalka ay kataliso dawladii maxamed siyaad barre ee kacaanka markuu maqlo laanta waxyaalahan lasheegayo wuu kula yaabayaa ,dhanka kale hadii aad su’aal waydiiso wuxuu ku dhahayaa xabsi waa soo dhamaystay ma waxaaa rabtaa inaa mar kale I xidhi ,waxaa la waydiiyey inuu sheego meeshuu askarinimada kasoo galay ama deegaankiisi wuxuu sheegay in uu ahaa oo ka xasuusta taleex ,markii la raadiyey eheladiisi waxaa la helay walaalihii iyo qaraabadiisi ,mida aad saamaynta u yeelatay waxay ahayd in markii lawaayey waqtiga intaas leeg laga samray kadib uu xaaskiisi dumaalay walaalkii ,maalinkuu dagaalka aaday xaaskiisu waxay u haysay labo caruur ah kadib waxay walaalkii u dhashay sided “8” caruur ah kale .

Qoraalada xiisaha leh

Magacyada Lab iyo dhedig lix kamid ah ugaadha