Total Pageviews

Friday, February 16, 2018

Muxuu ku salaysanyahay mudaharaadka Oromada?


Hailemariam Desalegn wuxuu ku dhawaaqay iscasilaadiisa uu kaga dagayo xilka uu u hayo wadanka qoomiyadaha badan ee Ethopia , Hailemariam Desalegn waa nin aqoonyahan ah kaas oo kasoo jeeda qoomiyada walleeto oo degta koonfurta wadankaas kana mid ah shucuubta koonfureed “dhabuubta”,wuxuu mar soo noqday madaxwaynaha kilinkaas wuxuuna xilkaas ka degay markii ay ku kaceen qoomiyadiisa kadib wuxuu noqday lataliyaha raysalwasaarihii hore malez kadibna wuxuu noqday ku xigeenkiisi kadib wuxuu dhaxlay xilkaas markuu dhintay malex,wuxuu xilkaa hayey laga soo bilaabo 2012-2018.
Sababaha uu xilkaas ku banneeye wuxuu sheegay inuu xal ku raadinayo ,laakiin wararka hoose waxay sheegayaan in xilkaas loo wado nin mucaarad ah oo kasoo jeeda qoomiyada ugu badan ethopia ee Oromada .

Qoomiyada oromadu waxay dalbanayaan labo qodob oo muhiim ah si ay u joojiyaan mudaharaadka ay wadaan

-Mid waa in lasiiyo raysalwaraaha wadankaas yagoo diidan xilka ay hayaan ee madaxwaynaha maadaama uu madaxwanuhu awood badan ku lahayn dastuurka dalkaas.

-Qodobka labaad waxay rabaan in luuqada wadankaas tan koowaad laga dhigo luuqada oromada yadoo Meesha laga saarayo luuqada amxaarada .

No comments:

Post a Comment

Qoraalada xiisaha leh

Magacyada Lab iyo dhedig lix kamid ah ugaadha