Total Pageviews

Saturday, February 10, 2018

Afkaaga Hayso "Faarax Galooley"

Faarax Galooley "AUH" wuxuu aqoonyahay soomaaliyeed lahaa xikmad garasho,wuxuu xubin kasoo noqday baarlamaankii dawladihii rayidka ahaa ee Aadan cadde iyo Cabdirashiid.
Markii dawladii kacaanku qabsaty xukunkii soomaaliya ayuu faarax Galooley tegay "Af-gooye" afkana sharooto ku xidhay .
Waxaa arinkii loo sheegay Madaxayne Maxamed S.Barre ilahay ha naxariiste ,kadib wuxuu amray in loo yeedho Galooley ,wuxuu codsaday in loo waydiiyo in loo fasaxo inuu wixii afkiisa kasoo baxa uu ku hadlikaro .
Markii loo keenay madaxwaynihii wuxuu waydiiyey sababta uu afka iskaga xidhay!?
Wuxuu ku jawaabay faarax Galooley "Afkaaga Hayso ama Af-wayne Raac ama Afgooye aad" intaa waxaan ahayn waan garan waayey.
Kadib waxaa loo fasaxay inuu xor u yahay aragtidiisa .




No comments:

Post a Comment

Qoraalada xiisaha leh

Magacyada Lab iyo dhedig lix kamid ah ugaadha