Sannadkii 2013 ayaan muwaadin soomaaliyeed kula kulmay magaalo madaxda gobolka sool ee laascaanood ,waxaa la xidhay sannadkii 1977kii dagaalkii u dhexeeyey soomaaliya iyo itoobiya ,markaa eegto muuqaalkiisa waxaa ka dareemaysaa saamaynta uu ku yeeshay xabsigaas ,wuxuu aaminsanaa in wali dalka ay kataliso dawladii maxamed siyaad barre ee kacaanka markuu maqlo laanta waxyaalahan lasheegayo wuu kula yaabayaa ,dhanka kale hadii aad su’aal waydiiso wuxuu ku dhahayaa xabsi waa soo dhamaystay ma waxaaa rabtaa inaa mar kale I xidhi ,waxaa la waydiiyey inuu sheego meeshuu askarinimada kasoo galay ama deegaankiisi wuxuu sheegay in uu ahaa oo ka xasuusta taleex ,markii la raadiyey eheladiisi waxaa la helay walaalihii iyo qaraabadiisi ,mida aad saamaynta u yeelatay waxay ahayd in markii lawaayey waqtiga intaas leeg laga samray kadib uu xaaskiisi dumaalay walaalkii ,maalinkuu dagaalka aaday xaaskiisu waxay u haysay labo caruur ah kadib waxay walaalkii u dhashay sided “8” caruur ah kale .
No comments:
Post a Comment