Dabayaaqadii 1973 abaarihii 5:00 pm saacada geeska africa ayaa
gabar somaliyeed oo ganacsato ah nooca loo yaqaan shaar-shaari (gadisley)oo xuduudka kenya iyo somalia
ka talaabaysa dhanka magaalada balad-xaawo baa waxaa naaska ka taabtay askari
kenyan ah kadibna gabadhii ayadoo ooynaysa ayay waxay u timi taliyihii
ciidamada xuduuda markaas xukumayay oo la oran jiray siigo dheere. kadib
taliyihii wuxuu amar ku bixiyey in xuduudka la xiro qof kenyan ahna uusan usoo
gudbi karin dhanka somaliya wuxuuna sidoo kale iclaamiyey dagaal ka dhan ah
keenya asagoo ka xanaaqsanaa sidee nin sanka dhuudhi ah gabar somaliyed jirkeda
u taaban karaaa xaaladii markii ay meel xun gaartay ayaa madaxweynihii kenya
wafti somaliya u diray arinka dhexdhexaadiya asagoo ka baqanaya in ciidanka
somalia dagaal ku qaadaan wxayna la kulmeen madaxweynihii hore ee somalia.
Jalle siyaad bare illahay ha u naxariisteeh wuxuuna ugu jawaabay anigu xuduudka
kama taliyo ee siiga dheere arinkaas kala xaaajoooda. Waxay qaadatay asbuucyo
in la qanciyo taliye siiga dheere waxayna kenya xaal ka bixisay falkii
askarigoodu sameeyey hadaba akhriste maanta waxaa ceel cado oo 60 km u jirta
beled xaawo lagu laynayaa maato somaliyeed oo waxba galabsan waxaana laynaya
sanka dhuudhi mana jirto cid ka dhiidhinaysa ama u damqanaysa haday tahay
dawlada somalia ama maamulka jubaland mana haysano ciidamo qaata canshuurta dad
weynaha sharaftoodana difaaca
W/Q Mohamed Aden Hussein
No comments:
Post a Comment