Total Pageviews

Friday, May 31, 2019

Mustafa kemal Atatürk Mid ka mid ahaa Madaxdii Ugu Sharta Badneyd ee soo marey Dalka Muslimka gaar ahaan Dalka Türkiga Ninkaas oo Gacan Weyn ka Geystey Bur-Burkii ku Yimid Dawladdii Cismaaniyiinta.


Mustafa Kemal Atatürk waxaa uu ahaa Madaxweynahii ugu horeeyey ee Jamhuuriyadda Türkiga uu yeesho waxaana Bishii may 19,keedii Sanadkii 1881,kii uu ku dhashey meel la yiraahdo Salonica isagoo geeriyoodey Bishii November 10,keedii Sanadkii 1938,kii waqtigaas oo Da'diisu aheyd 57 jir.
Atatürk isagoo nin dhalinyaro ah ayuu sanadkii 1902 ka baxay dugsi ama iskuul dhinaca Malitariga ah waxuuna inyar ka dib bilaabey dhaq dhaqaaqiisa dhinaca siyaasadda isagoo si qarsoodi ah uga mid boqdey kooxo mucaarid ku ahaa dawladdii wadankaas ka talinaysey. Muddo ka dib Mustafa Kemal Atatürk & rag kale oo ay jaal ahaayeen ayaa u hawl galey sidii ay jilbaha dhulka ugu dhigi lahaayeen dawladdii islaamka ee Cismaaniyiinta ee Türkiga & meelo badan oo caalamka Islaamka ah ka talineysey waxaana ragaasi ay garab ka raadiyeen dawladdii reer galbeedka.
Hadaba Reer Galbeedku mu'aamaraad bay muddo dheer wadeen oo ay kaga tashanaayeen sidii ay u dumin lahaayeen dawladdii Islaamka ee Cismaaniyiinta oo markaas ahayd dawladdii Islaamka ugu dambaysay ee ka jirtay arlada, ugu dambayntiina mu'aamaradkii wey dhigeen. Shirqoolkaas ay wadeen waxaa hogaaminaayey ninkan la yiraahdo Mustafa Kemal Atatürk oo ay iyagu soo taba-bareen ahna nin turkish ah. Inqilaabkani wuxuu dhacay kadib markii uu heshiis la galay Reer Galbeedka isagoo uu soo diray ninkii la oran jiray (Ismet Inonu) heshiiskaasi waa heshiiska loo yaqaan Lausanne Agreement (Lausanne waa magaalo dalka Switzerland ka tirsan).
Heshiiska waxaa uu dhacey Bishii November sannadkii 1922,kii illaa Bishii January Sanadkii 1923,kii waxaana wada galey qoladii wax inqilaabaysay ee Türkida aheyd & wasiirkii arimaha dibada Ingiriiska.
Hore ayaa marka horeba loo eryay khilafadii Islaamiga ahayd uu madaxda u ahaa Suldaan Cabdi Xamiid Bishii April 27,keedii Sanadkii 1909,kii laakiin laguma dhawaqin in la baabi'iyay khilaafadii Islaamiga ahayd ee nin kale ayuunbay ku badaleen oo aan ahayn mid wax qabanaaya. Hashiiskii lala galay ninkaas la oran jirey Mustafa kemal Atatürk wuxuu ka koobnaa 4 qodob oo hadii uu jirgaliyo oo fulo arinkaasi waxey Reer Galbeedka dawladdiisa u balan qaadeen iney dhinac kasta ka taageeri doonaan waxaana ka mid ahaa qodobadaas kuwan:
Inaad khilaafa Islaamka (maamul Islaam ku dhisan) baabi'iso oo aanaan maqal kitaab & Sunah ayaa wax lagu Xukumayaa Inuu ka hortago oo dumiyo wax alle wixii kasta ee laysku dayo in lagu soo celiyo khilaafadii islaamka ahayd
Inuu qaato qanuunka reer galbeed
Inuu tirtiro waxyaabaha cibaadada Ilaahey ee dadku Alle ku caabudaan sida: Soonka, Salaada, Xajka, Sakada iwm
4 taa shardi markaad qaadato ee aad fuliso ayaanu ogolnahay inaanu taageero dhamaystiran ku siino, wuxuuna ninkaasi qaatay 4,tii shardi. Bishii March Sanadkii 1924,kii ayaa inqilaab lagu sameeyay dawladdii islaamiga ahayd ee Türkiga, waxaana lagu dhawaaqay oo cadeeyay fikrada maanta loo yaqaano Jamhuuriyada Turkiga. Figrada Jamhuuriga ah maalintaas baa la bilaabay waa waqti haatan 80 sanno ka badan laga joogo.
Markii u horeesayba Maxaakiimtii Sharciga & Awqaaftii Islaamka ahayd buu baa bi'iyey hogaamiyahii turkiga Mustafa Kemal Atatürk waxaana markaa kadib gaar ahaan sanadkii 1825,kii soo saaray qanuun a mamnuucaaya dhaqanka islaamka dhamaantii sida: Gabadhu inay xijaab qaadato, ninku inuu koofiyada, Cumaamada islaamka xirto & wixii dadka islaamka dhaqan u ahaa oo dhan, waxaana la amray inay dadku qaataan dhaqanka reer galbeedka leh ee shirkadaha reer galbeedku sameeyaan kana tago tan islaamku qaato ee cad. Hadana wuxuu soo saaray qanuun sheegaaya inay dadku joojiyaan Salaanta Islaamka (Asalaamu Calaykum) salaantuna markaas noqoto in hey hello ama madaxa uun laysku yara fooraariyo oo koofiyada intaad madaxa ka yara qaado tiraah hey, oo ah salaanta gaaladu isku salaanto.
Sanadkii 1928,kii ayuu hadana hogaamiyahii turkiga Mustafa Kemal Atatürk qanuun kale soo saaray oo sheegaaya inay mamnuuc tahay in la dhigo shareecada Islaamiga ah. Islamarkiiba hadana wuxuu soo saaray qanuun sheegaaya inay mamnuuc tahay in Qur'aanka la bartaa, wuxuu soo saaray inay mamnuuc tahay in afka carabiga lagu adimo salaadda Wuxuu soo saaray in Raga & Dumarku dhaxalka ka simanyihiin. Wuxuu soo saaray inay mamnuuc tahay inuu ninku dhawr dumara guursado oo mid kaliya uun loo ogalyahay. Wuxuu hadana soo saaray in luuqada turkiga oo xuruuftu sida Carabiga midigta ka soo bilaami jirtay in la badalo oo lagu dhigo Laatiini ka soo bilaabanta xaga bidixda. Wuxuu soo saaray qanuun kale oo sheegaaya in maalinta jimcaha ay mamnuuc tahay in la nasto oo Jimcahu yahay maalin shaqo badalkeeduna yahay in la nasto maalinta Axada. Wuxuu hadana soo saaray inay mamnuuc tahay in xajka la tago.
Walaal intaas ayaan ku Hakinayaa qeybtii koowaad Qormadan ka hadleysa Mustafa Kemal Atatürk Mid ka mid ahaa Madaxdii Ugu Sharta Badneyd ee soo marey Dalka Muslimka gaar ahaan Dalka Türkiga Ninkaas oo Gacan Weyn ka Geystey Bur-Burkii ku Yimid Dawladdii Cismaaniyiinta. La'soco qeybta labaad oo aad u xiiso badan Insha allah.
Fadlan walaal adigoo mahadsan share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan Qormadan.
waxaa qoray Sheekh Mustafa Xaaji Ismail


Wednesday, May 29, 2019

Wuxuu ahaa wiilkii Fasalka ugu xariifsanaa "Sheeko xiiso leh"

Wiil iyo gabadh u dhashay dalka maraykanka ayaa isku fasal ahaan jiray ,wiilku wuxuu ahaa ameerikanka madowga ah halka gabadhuna ay ahayd kuwa cadaanka ah, markay dhammeeyey dugsigii sare wiilku wuxuu noqday ardaygii ugu sarreeyey fasalka ,nasiib darro halkuu jaamacad ka gali lahaa wuu ka dhacay halka gabadhii ay jaamacadii halkii kasii waday .
Wiilkii wuxuu ku biiray kuwa dadka dhaca oo tuugta ah ,gabadhii waxay dhammaysay jaamacadii kadib waxay ka noqotay gobolkii garsoore maxkamadeed ,maalinkii danbe ayaa wiilkii oo danbi lagu soo qabtay lakeenay maxkamadii ay gabadhu ka ahayd garsooraha ,wiilkii markuu arkay gabadhii wuu gartay kadib oohin ayuu is hayn waayey ,gabadhuna way garatay ,kadibna wuxuu ka codsaday inay maanta badbaadiso oo wax u qabato ,intay eegtay ayey afar sanoo xadhig ah ku xukuntay kuna tiri sharciga lama dhaafayo adaa galay danbiga.
Gabadhii waxaa laga waraysatya Tvga waxayna sheegtay inuu ahaan jiray wiilka ugu xariifsan fasalka a y wada dhigan jireen.


waxaa qoray abshir jama 
-Political analyst 

Monday, May 27, 2019

Magacyada Bisada Iyo Sheeko Xiiso Badan "Dhaxalkii Cabdiqaadir Oromo "AHUN"-- Akhris wacan

Nin sabool ah oo aan Alle ugu deeqin afarta maal adduunyo midna, ayaa beer-falashada ka doorbiday ugaarsi, ayaandarro wax-daaqa oo digooda gurigiisa uma soo hoydaan. 
Nolol-maalmeed qoyskiisu wuxuu ku tiirsanaa ugaarsi iyo qaraabka miraha dabeeciga ah. Foof tagga hiirta waabari wuxuu dhigi jirey dabino wuxuunateedin jirey geedaha manka iyo ubaxa leh ee ugaadhu aroorta hore sanka la soo raacdo. Dabinada maalin waxaa ugu dhici jiray sagaar, maalinna cowl, maalinna waxba kuma dhici jirin oo waa ku hungoobi jirey. Si uu usoo kormeero dabinadii saakay la dhigay, goor duhurkii ah ayuu dhalandhoolay:dabinkii kowaad waa ku hungoobey oo ugaadh sooma ag joogsan, dabinkii labaadna ugaadhii waa ka sastay o siriqda aasan bey dareentay, dabinkii seddaxaadna tafaasha laanta oo tooxa laga badiyey darteed xarigii waa fakaday oo geedka ayuu sare ugu shareermey. Waa maalin madow waxay ahayd arbaca bil u dambeys fool adag oo gabraartii waa ku hungoobey, xaaskii oodabka sii shiday iyo carruurtii oo gaajo la ildaranwuxuu ula laabtay gacmo maran iyo niyad-jab.Maalintii xigtay dabinkii kowaad waxaa ugu dhacay xayawaan uusan weligi hore u arkin, waa xayawaan aad u yar balse qurxoon isla markaanaso’ iyo saan midna aan lahayn. Ugaarsadihii wuxuu go’aansaday inuu magaalada u iib geeyo xayawaankaan qurxoon. Afarta addin ayuu ka xiray wuxuuna u qaaday dhanka magaalada, intiiuu sii socday qofkii ka horyimaadba wuxuu weydiinaayey magaca xayawaankan.Qof baa ka horyimid oo wuxuu ku yiri, waxaa la yiraahdaa MUKULAAL, qof kale ayaa ku yiri waxaa la yiraah BISAD, qof kale ayaa ku yiri waxaa la yiraah YAANYUUR, qof kale ayaa ku yiri waxaa la yiraah DINAD, qof kale ayaa ku yiri BASHO, qof kale ayaa ku yiri waxaa la yiraah CURRE, qof kale ayaa ku yiri waxaa la yiraah SHAAMBI, qof kale ayaa ku yiri waxaa la yiraah DURMAD, ilaa magacyo toban gaarey ayaa loogu sheegay. Ugaarsadihii aad buu u farxay wuxuuna is yiri maanta waxaad heshay xayawaankii adduunka ugu qaalisanaa oo toban magac leh, maanta ayaad faqri baxday oo gorofta cayrta tuurtay.Markuu tegay suuuqii magaalada dadkii ayaa soowada eegay, taasina si weyn bey u farxad gelisayoo wuxuu is-yiri dadka kusoo wada eegay macnaheedu waxaa weeye qiimaha iyo wanaagga xayawaankaani leeyahay. Mar labaad ayaa farxadi qalbigiisa buuxisay, is hadal hoosena wuxuu naftiisa kula sheekeystay maanta ayaa Guulle ku gargaaray oo aad gaawaha u culatay: horweyn geel ah, giir lo’aad, ari goohaya iyo ido gorod madow. Ayaandarro Soomaalidu war ma qarisee, runtii ayaa loo sheegay oo iyadoo la qoslayo waxaa lagu yiri “war bahalka aad suuqa keentay lama iibiyo waayo harag iyo hilib toona maleh ee miyaad waallan tahay maxaad mukulaal beec ah suuqa ukeentay. Ugaarsadihii oo aad u niyadxun ayaa mukulaashii meel ku tuuray wuxuuna yiri waa bahal magacyo badan oo aan manaafacaad lahayn. Meel xun ka bax, intii aan suuqa u soo siday jaaqdeedii iyo cidiyaheedii ayaa wax walbaiiga daran.



ABSHIR JAMA




Wednesday, May 22, 2019

Sadex jeer buu ilmeeyey Sayidku:-

Sayid maxamed "Ahun" wuxuu ahaa nin aad u calool adag oo geesi ah ,waxaa layiri intuu hogaaminayey daraawiish sadex jeer baa indhihiisa ilmo lagu arkay,

*Maryamo Sheekh :-waxay ahayd xaaskiisa oo uu aad u jeclaa oo uu gabayadiisa ku yiri "ilaahayow maryama noogu salah maalig baa tahaye " ,maalinka ay dhimatay wuu ilmeeyey

*khaliif sheekh abdulle :- wuxuu ahaa walaalkiis oo uu aad u jeclaa maalinkuu dhintay wuu ilmeeyey.

*Raage Daamey "Indho-ceel" :- wuxuu ah mid kamid ah ragguu daraawiish ugu jeclaa waana ninkii talyaaniga kullayey buule barde ee bartamaha soomaaliya oo ilaa hada meeshaas caantahay laguna magacaabo .
-
Dhaxalkii -Abwaan Awjaamac cumar ciise
Qalinka :Abshir jaamac saalax.


Richard Phillips


Richard Phillips  wuxuu ku dhashay state-ka Michigan waxaa la xidhay sannadkii 1971-kii yadoo xukun si khaldan ugu dhacay markaas ay da’diisu ahayd 27 sano jir, wuxuu xorriyadiisa dib u helay 46 sano kadib sagoo 73 sano jir ah,waxaa loo xukumay in kasiiyo mag-dhaw ah $1.5 million dollar taas uu u dhiganta in sanadkasta oo noloshiisa ah oo ku qaatay lagu qiimeeyey $32,587.2 “32 oo kun oo dollar “ marka saacad ahaan loo eego waxay u dhigantaa in saacad kasta ay u dhiganto ama lagu qiimeeyey $3.72 dollar  wuxuu soo baxay aduun aan ahayn kii uu yaqaanay ,wuxuu lumiyey wixii ugu qaalisanaa naftiisa ee ahaa waqtigiisi aan soo noqonayn ,wuxuu lumiyey dhallinyaro macaan aan dib u helay.


waxaa qoray Abshir jaamac Saalax


Sunday, May 19, 2019

Tacsi

Innaa Lilaahi wa inaa ilahay raajicuun waxaan tacsi u diryaa dhammaan eheladii iyo qaraabadii iyo tolkii uu ka geeriyooday Rabbi ha u naxariisto caaqilkii guud ee beesha Aadan cali Nuur marxuun Faarax muuse dhiil waxaan Rabbi uga baryayaa inuu qabriga u waasiciyo samir iyo iimaan kasii dhammaan qoyskiisi ,tolka guud iyo dhammaan ummada soomaaliyeed meelkas ay joogaan .


AAMIN AAAMIN 




ABSHIR JAAMAC SAALAX 




Saturday, May 11, 2019

Taariikh nololeedka Xaaji Cabdi-Waraabe


Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf oo ku magac dheeraa "Cabdi-Waraabe" oo ugu da' waynaa golaha guurtida Somaaliland, da'diisana lagu sheegay in ay ahayd 121 sano ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Xaaji Cabdi-Waraabe oo ahaa nin si wayn loogu xasuusto arrimaha dib u heshiisiinta, samataliska iyo isu soo dhawaynta bulshada, taariikh dheerna ku dhex lahaa, ayaa wuxuu sanadkii 1898-dii ku dhashay miyiga magaalada Hargaysa ,wuxuu uu ku barbaaray miyaga, wuxuuna sheegay in 1940-kii loo doortay caaqilnimada beeshiisa, ayadoo xilligaas qofka caaqilka loo doranayo dhinacyo badan laga eegi jiray sida kartidiisa iyo nabaddoonimadiisa.
Mar uu ka hadlay sababta loogu bixiyey naanaysta "Waraabe" ayaa waxa uu sheegay in asagoo kuray ah oo geel la jooga geelii laga dhacay, dabadeedna uu ka hari waayey raggii geela ka dhacay ilaa markii dambe uu ka soo dhiciyey ayagoo markii ay ka yaabeen hal adaygiisana ku yidhi waar kani waa "Waraabe".
Waxyaabaha lagu xasuusto taariikhda Xaaji Cabdi-Waraabe ee caanka noqday looguna aqoonsaday inuu ahaa nin nabadeed waxaa kamid ahaa in asagoo dhalin yaro ah rag ay tol ahaayeen ku tirtirsiyeen in uu u soo aaro aabihii oo ninkii dilay uu isaguna soo dilo. Waxaa markii la diray la socday nin kale oo ay ilama adeer yihiin oo la doonayey inuu hawshaa la soo fuliyo.
Cabdi-Waraabe iyo ninkii la socday ayaa iyaga oo qori sita waxay martiyeen ninkii ay doonayeen in ay qudha ka jaraan.
Ninka ay maaganaayeen markaa ma garanayn, hase yeeshee markii ay martiyeen si gobannimo leh ayuu u sooryeeyey oo u soo dhaweeyey. Markii uu u loogay ee ay raashinkii cuneen ayaa waxaa isa soo qabsaday roob weyn oo mahiigaan ah. Ninkii ay martida u ahaayeen ayaa aqalkii ubadkiisu ku jireen geliyey oo meel uga banneeyey. Roobkii oo da'aya ayay is waraystaan, balse mar dambe ayaa aqalkii ku darrooray, markaas ayaa ninkii saan ay caruurtiisu ku hurdeen intuu ka toosiyey raggii martida u ahaa uga dhigay darroorintii.
Roobkii qaad waagiina beri, markii ay quraacdeen oo ay doonayeen in ay ka tagaan ayaa ninkii la socday Cabdi-Waraabe ku boorriyay inuu ninka toogto oo aabihii u aaro. Waxaa se lama filaan ku noqotay jawaabtii Cabdi-Waraabe. Wuxuu ugu hal celiyey "ma ninka in tiix biyo ahi i gaadho ii quudhi waayey ayaan xabad u quudhaa"?
Go'aankaas uu qaatay Cabdi-Waraabe ayaa horseeday in sidaas gabadh lagu siiyo reerkii ay colaaddu ka dhaxaysayna ay sidaas ku heshiiyaan.
Waxayna arrintaas u suurto galisay in asagoo yar uu beeshiisa caaqil u noqdo, iyo in uu hormuud u noqdo dadka nabadda ka shaqeeya.



Monday, May 6, 2019

Waxaad jeceshahay lama helo, nafteydaay

Waxaad jeceshahay lama helo, nafteydaay Wax ku jecelna diidaye Ma ogtahay jannada udug Nimaan jirib u soo marin Sahal lama dhex joojee Haddaad jamato geed adag Oonad heyn wax kuu jara Jebin mayso gacantuye Hooris: Haku daalin, jeedaal Indho sooma jiidaan Qalbi kaa janjeeraa 2) Lugtaa jeeni dhaaftaa nafteydaay Wey jabtaaye ma ogtahay webi soo jirfaday iyo Badda jow leh ma ogtahay Caga lama dhex joojee Haddaad jamato cadawgaa Iyo ruux ku jidh neceb Hadhka kuuma jiidee 3) Waxaad ceyn ku jiid tiri nafteydaay Owrka samada joogee Ma ogtahay jannada udug Nimaan jirib u soo marin Sahal lama dhex joojee Nebi Khadar jidkuu maray Adoon jaase u laheyn Ayaad jiidh is leedee Biyo nolosha jira iyo Ceelkuu dul joogsaday Malaa jabaqsan meyside Erayadii Cabdi Qays.

Qoraalada xiisaha leh

Magacyada Lab iyo dhedig lix kamid ah ugaadha