Total Pageviews

Saturday, May 11, 2019

Taariikh nololeedka Xaaji Cabdi-Waraabe


Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf oo ku magac dheeraa "Cabdi-Waraabe" oo ugu da' waynaa golaha guurtida Somaaliland, da'diisana lagu sheegay in ay ahayd 121 sano ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Xaaji Cabdi-Waraabe oo ahaa nin si wayn loogu xasuusto arrimaha dib u heshiisiinta, samataliska iyo isu soo dhawaynta bulshada, taariikh dheerna ku dhex lahaa, ayaa wuxuu sanadkii 1898-dii ku dhashay miyiga magaalada Hargaysa ,wuxuu uu ku barbaaray miyaga, wuxuuna sheegay in 1940-kii loo doortay caaqilnimada beeshiisa, ayadoo xilligaas qofka caaqilka loo doranayo dhinacyo badan laga eegi jiray sida kartidiisa iyo nabaddoonimadiisa.
Mar uu ka hadlay sababta loogu bixiyey naanaysta "Waraabe" ayaa waxa uu sheegay in asagoo kuray ah oo geel la jooga geelii laga dhacay, dabadeedna uu ka hari waayey raggii geela ka dhacay ilaa markii dambe uu ka soo dhiciyey ayagoo markii ay ka yaabeen hal adaygiisana ku yidhi waar kani waa "Waraabe".
Waxyaabaha lagu xasuusto taariikhda Xaaji Cabdi-Waraabe ee caanka noqday looguna aqoonsaday inuu ahaa nin nabadeed waxaa kamid ahaa in asagoo dhalin yaro ah rag ay tol ahaayeen ku tirtirsiyeen in uu u soo aaro aabihii oo ninkii dilay uu isaguna soo dilo. Waxaa markii la diray la socday nin kale oo ay ilama adeer yihiin oo la doonayey inuu hawshaa la soo fuliyo.
Cabdi-Waraabe iyo ninkii la socday ayaa iyaga oo qori sita waxay martiyeen ninkii ay doonayeen in ay qudha ka jaraan.
Ninka ay maaganaayeen markaa ma garanayn, hase yeeshee markii ay martiyeen si gobannimo leh ayuu u sooryeeyey oo u soo dhaweeyey. Markii uu u loogay ee ay raashinkii cuneen ayaa waxaa isa soo qabsaday roob weyn oo mahiigaan ah. Ninkii ay martida u ahaayeen ayaa aqalkii ubadkiisu ku jireen geliyey oo meel uga banneeyey. Roobkii oo da'aya ayay is waraystaan, balse mar dambe ayaa aqalkii ku darrooray, markaas ayaa ninkii saan ay caruurtiisu ku hurdeen intuu ka toosiyey raggii martida u ahaa uga dhigay darroorintii.
Roobkii qaad waagiina beri, markii ay quraacdeen oo ay doonayeen in ay ka tagaan ayaa ninkii la socday Cabdi-Waraabe ku boorriyay inuu ninka toogto oo aabihii u aaro. Waxaa se lama filaan ku noqotay jawaabtii Cabdi-Waraabe. Wuxuu ugu hal celiyey "ma ninka in tiix biyo ahi i gaadho ii quudhi waayey ayaan xabad u quudhaa"?
Go'aankaas uu qaatay Cabdi-Waraabe ayaa horseeday in sidaas gabadh lagu siiyo reerkii ay colaaddu ka dhaxaysayna ay sidaas ku heshiiyaan.
Waxayna arrintaas u suurto galisay in asagoo yar uu beeshiisa caaqil u noqdo, iyo in uu hormuud u noqdo dadka nabadda ka shaqeeya.



No comments:

Post a Comment

Qoraalada xiisaha leh

Magacyada Lab iyo dhedig lix kamid ah ugaadha