Waxaad jeceshahay lama helo, nafteydaay
Wax ku jecelna diidaye
Ma ogtahay jannada udug
Nimaan jirib u soo marin
Sahal lama dhex joojee
Haddaad jamato geed adag
Oonad heyn wax kuu jara
Jebin mayso gacantuye
Hooris:
Haku daalin, jeedaal
Indho sooma jiidaan
Qalbi kaa janjeeraa
2)
Lugtaa jeeni dhaaftaa nafteydaay
Wey jabtaaye ma ogtahay
webi soo jirfaday iyo
Badda jow leh ma ogtahay
Caga lama dhex joojee
Haddaad jamato cadawgaa
Iyo ruux ku jidh neceb
Hadhka kuuma jiidee
3)
Waxaad ceyn ku jiid tiri nafteydaay
Owrka samada joogee
Ma ogtahay jannada udug
Nimaan jirib u soo marin
Sahal lama dhex joojee
Nebi Khadar jidkuu maray
Adoon jaase u laheyn
Ayaad jiidh is leedee
Biyo nolosha jira iyo
Ceelkuu dul joogsaday
Malaa jabaqsan meyside
Erayadii Cabdi Qays.
No comments:
Post a Comment