Waayahaa aduunyadaa
Ku wax qaadan meysidee
Ruux walaal ku moodaa
Hadii u ku weheshado
Ood wacadka diidaa
Warankaad ku tuurtaa
Kugu weecan doonee
Jacayl kuma wareystee
Waygu waaberiistee
Halbowluhu ma wado dhiig
Wadnuhuna ma siiyee
Wadkaykii ha noqoninee
Hadaad adigu wacan tahay
Anay wadhi i raacdee
Sidaan waalanahay baa
Laygu wiirsanaayee
Wadarid ila taliyaa
Waanadiisa diidoo
Adigaa i wiiqee ee
Werwer laguma waaree
Naftaan kugu wareejee
Gacmo wada jirkoodey
Wax ku goyn karaanee
Ninna geed ma waabtee ee
Wax kali ha ahaanee
Weedhaa u fiirsoo
Arin aaan wadaagnee
Waa yahay an kaa heloo
heeskan waxaa ku luuqaysa fanaanada Hodan xaaji maxamuud
heeskan waxaa ku luuqaysa fanaanada Hodan xaaji maxamuud
No comments:
Post a Comment