Total Pageviews

Friday, May 31, 2019

Mustafa kemal Atatürk Mid ka mid ahaa Madaxdii Ugu Sharta Badneyd ee soo marey Dalka Muslimka gaar ahaan Dalka Türkiga Ninkaas oo Gacan Weyn ka Geystey Bur-Burkii ku Yimid Dawladdii Cismaaniyiinta.


Mustafa Kemal Atatürk waxaa uu ahaa Madaxweynahii ugu horeeyey ee Jamhuuriyadda Türkiga uu yeesho waxaana Bishii may 19,keedii Sanadkii 1881,kii uu ku dhashey meel la yiraahdo Salonica isagoo geeriyoodey Bishii November 10,keedii Sanadkii 1938,kii waqtigaas oo Da'diisu aheyd 57 jir.
Atatürk isagoo nin dhalinyaro ah ayuu sanadkii 1902 ka baxay dugsi ama iskuul dhinaca Malitariga ah waxuuna inyar ka dib bilaabey dhaq dhaqaaqiisa dhinaca siyaasadda isagoo si qarsoodi ah uga mid boqdey kooxo mucaarid ku ahaa dawladdii wadankaas ka talinaysey. Muddo ka dib Mustafa Kemal Atatürk & rag kale oo ay jaal ahaayeen ayaa u hawl galey sidii ay jilbaha dhulka ugu dhigi lahaayeen dawladdii islaamka ee Cismaaniyiinta ee Türkiga & meelo badan oo caalamka Islaamka ah ka talineysey waxaana ragaasi ay garab ka raadiyeen dawladdii reer galbeedka.
Hadaba Reer Galbeedku mu'aamaraad bay muddo dheer wadeen oo ay kaga tashanaayeen sidii ay u dumin lahaayeen dawladdii Islaamka ee Cismaaniyiinta oo markaas ahayd dawladdii Islaamka ugu dambaysay ee ka jirtay arlada, ugu dambayntiina mu'aamaradkii wey dhigeen. Shirqoolkaas ay wadeen waxaa hogaaminaayey ninkan la yiraahdo Mustafa Kemal Atatürk oo ay iyagu soo taba-bareen ahna nin turkish ah. Inqilaabkani wuxuu dhacay kadib markii uu heshiis la galay Reer Galbeedka isagoo uu soo diray ninkii la oran jiray (Ismet Inonu) heshiiskaasi waa heshiiska loo yaqaan Lausanne Agreement (Lausanne waa magaalo dalka Switzerland ka tirsan).
Heshiiska waxaa uu dhacey Bishii November sannadkii 1922,kii illaa Bishii January Sanadkii 1923,kii waxaana wada galey qoladii wax inqilaabaysay ee Türkida aheyd & wasiirkii arimaha dibada Ingiriiska.
Hore ayaa marka horeba loo eryay khilafadii Islaamiga ahayd uu madaxda u ahaa Suldaan Cabdi Xamiid Bishii April 27,keedii Sanadkii 1909,kii laakiin laguma dhawaqin in la baabi'iyay khilaafadii Islaamiga ahayd ee nin kale ayuunbay ku badaleen oo aan ahayn mid wax qabanaaya. Hashiiskii lala galay ninkaas la oran jirey Mustafa kemal Atatürk wuxuu ka koobnaa 4 qodob oo hadii uu jirgaliyo oo fulo arinkaasi waxey Reer Galbeedka dawladdiisa u balan qaadeen iney dhinac kasta ka taageeri doonaan waxaana ka mid ahaa qodobadaas kuwan:
Inaad khilaafa Islaamka (maamul Islaam ku dhisan) baabi'iso oo aanaan maqal kitaab & Sunah ayaa wax lagu Xukumayaa Inuu ka hortago oo dumiyo wax alle wixii kasta ee laysku dayo in lagu soo celiyo khilaafadii islaamka ahayd
Inuu qaato qanuunka reer galbeed
Inuu tirtiro waxyaabaha cibaadada Ilaahey ee dadku Alle ku caabudaan sida: Soonka, Salaada, Xajka, Sakada iwm
4 taa shardi markaad qaadato ee aad fuliso ayaanu ogolnahay inaanu taageero dhamaystiran ku siino, wuxuuna ninkaasi qaatay 4,tii shardi. Bishii March Sanadkii 1924,kii ayaa inqilaab lagu sameeyay dawladdii islaamiga ahayd ee Türkiga, waxaana lagu dhawaaqay oo cadeeyay fikrada maanta loo yaqaano Jamhuuriyada Turkiga. Figrada Jamhuuriga ah maalintaas baa la bilaabay waa waqti haatan 80 sanno ka badan laga joogo.
Markii u horeesayba Maxaakiimtii Sharciga & Awqaaftii Islaamka ahayd buu baa bi'iyey hogaamiyahii turkiga Mustafa Kemal Atatürk waxaana markaa kadib gaar ahaan sanadkii 1825,kii soo saaray qanuun a mamnuucaaya dhaqanka islaamka dhamaantii sida: Gabadhu inay xijaab qaadato, ninku inuu koofiyada, Cumaamada islaamka xirto & wixii dadka islaamka dhaqan u ahaa oo dhan, waxaana la amray inay dadku qaataan dhaqanka reer galbeedka leh ee shirkadaha reer galbeedku sameeyaan kana tago tan islaamku qaato ee cad. Hadana wuxuu soo saaray qanuun sheegaaya inay dadku joojiyaan Salaanta Islaamka (Asalaamu Calaykum) salaantuna markaas noqoto in hey hello ama madaxa uun laysku yara fooraariyo oo koofiyada intaad madaxa ka yara qaado tiraah hey, oo ah salaanta gaaladu isku salaanto.
Sanadkii 1928,kii ayuu hadana hogaamiyahii turkiga Mustafa Kemal Atatürk qanuun kale soo saaray oo sheegaaya inay mamnuuc tahay in la dhigo shareecada Islaamiga ah. Islamarkiiba hadana wuxuu soo saaray qanuun sheegaaya inay mamnuuc tahay in Qur'aanka la bartaa, wuxuu soo saaray inay mamnuuc tahay in afka carabiga lagu adimo salaadda Wuxuu soo saaray in Raga & Dumarku dhaxalka ka simanyihiin. Wuxuu soo saaray inay mamnuuc tahay inuu ninku dhawr dumara guursado oo mid kaliya uun loo ogalyahay. Wuxuu hadana soo saaray in luuqada turkiga oo xuruuftu sida Carabiga midigta ka soo bilaami jirtay in la badalo oo lagu dhigo Laatiini ka soo bilaabanta xaga bidixda. Wuxuu soo saaray qanuun kale oo sheegaaya in maalinta jimcaha ay mamnuuc tahay in la nasto oo Jimcahu yahay maalin shaqo badalkeeduna yahay in la nasto maalinta Axada. Wuxuu hadana soo saaray inay mamnuuc tahay in xajka la tago.
Walaal intaas ayaan ku Hakinayaa qeybtii koowaad Qormadan ka hadleysa Mustafa Kemal Atatürk Mid ka mid ahaa Madaxdii Ugu Sharta Badneyd ee soo marey Dalka Muslimka gaar ahaan Dalka Türkiga Ninkaas oo Gacan Weyn ka Geystey Bur-Burkii ku Yimid Dawladdii Cismaaniyiinta. La'soco qeybta labaad oo aad u xiiso badan Insha allah.
Fadlan walaal adigoo mahadsan share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan Qormadan.
waxaa qoray Sheekh Mustafa Xaaji Ismail


No comments:

Post a Comment

Qoraalada xiisaha leh

Magacyada Lab iyo dhedig lix kamid ah ugaadha