Total Pageviews

Monday, May 27, 2019

Magacyada Bisada Iyo Sheeko Xiiso Badan "Dhaxalkii Cabdiqaadir Oromo "AHUN"-- Akhris wacan

Nin sabool ah oo aan Alle ugu deeqin afarta maal adduunyo midna, ayaa beer-falashada ka doorbiday ugaarsi, ayaandarro wax-daaqa oo digooda gurigiisa uma soo hoydaan. 
Nolol-maalmeed qoyskiisu wuxuu ku tiirsanaa ugaarsi iyo qaraabka miraha dabeeciga ah. Foof tagga hiirta waabari wuxuu dhigi jirey dabino wuxuunateedin jirey geedaha manka iyo ubaxa leh ee ugaadhu aroorta hore sanka la soo raacdo. Dabinada maalin waxaa ugu dhici jiray sagaar, maalinna cowl, maalinna waxba kuma dhici jirin oo waa ku hungoobi jirey. Si uu usoo kormeero dabinadii saakay la dhigay, goor duhurkii ah ayuu dhalandhoolay:dabinkii kowaad waa ku hungoobey oo ugaadh sooma ag joogsan, dabinkii labaadna ugaadhii waa ka sastay o siriqda aasan bey dareentay, dabinkii seddaxaadna tafaasha laanta oo tooxa laga badiyey darteed xarigii waa fakaday oo geedka ayuu sare ugu shareermey. Waa maalin madow waxay ahayd arbaca bil u dambeys fool adag oo gabraartii waa ku hungoobey, xaaskii oodabka sii shiday iyo carruurtii oo gaajo la ildaranwuxuu ula laabtay gacmo maran iyo niyad-jab.Maalintii xigtay dabinkii kowaad waxaa ugu dhacay xayawaan uusan weligi hore u arkin, waa xayawaan aad u yar balse qurxoon isla markaanaso’ iyo saan midna aan lahayn. Ugaarsadihii wuxuu go’aansaday inuu magaalada u iib geeyo xayawaankaan qurxoon. Afarta addin ayuu ka xiray wuxuuna u qaaday dhanka magaalada, intiiuu sii socday qofkii ka horyimaadba wuxuu weydiinaayey magaca xayawaankan.Qof baa ka horyimid oo wuxuu ku yiri, waxaa la yiraahdaa MUKULAAL, qof kale ayaa ku yiri waxaa la yiraah BISAD, qof kale ayaa ku yiri waxaa la yiraah YAANYUUR, qof kale ayaa ku yiri waxaa la yiraah DINAD, qof kale ayaa ku yiri BASHO, qof kale ayaa ku yiri waxaa la yiraah CURRE, qof kale ayaa ku yiri waxaa la yiraah SHAAMBI, qof kale ayaa ku yiri waxaa la yiraah DURMAD, ilaa magacyo toban gaarey ayaa loogu sheegay. Ugaarsadihii aad buu u farxay wuxuuna is yiri maanta waxaad heshay xayawaankii adduunka ugu qaalisanaa oo toban magac leh, maanta ayaad faqri baxday oo gorofta cayrta tuurtay.Markuu tegay suuuqii magaalada dadkii ayaa soowada eegay, taasina si weyn bey u farxad gelisayoo wuxuu is-yiri dadka kusoo wada eegay macnaheedu waxaa weeye qiimaha iyo wanaagga xayawaankaani leeyahay. Mar labaad ayaa farxadi qalbigiisa buuxisay, is hadal hoosena wuxuu naftiisa kula sheekeystay maanta ayaa Guulle ku gargaaray oo aad gaawaha u culatay: horweyn geel ah, giir lo’aad, ari goohaya iyo ido gorod madow. Ayaandarro Soomaalidu war ma qarisee, runtii ayaa loo sheegay oo iyadoo la qoslayo waxaa lagu yiri “war bahalka aad suuqa keentay lama iibiyo waayo harag iyo hilib toona maleh ee miyaad waallan tahay maxaad mukulaal beec ah suuqa ukeentay. Ugaarsadihii oo aad u niyadxun ayaa mukulaashii meel ku tuuray wuxuuna yiri waa bahal magacyo badan oo aan manaafacaad lahayn. Meel xun ka bax, intii aan suuqa u soo siday jaaqdeedii iyo cidiyaheedii ayaa wax walbaiiga daran.



ABSHIR JAMA




No comments:

Post a Comment

Qoraalada xiisaha leh

Magacyada Lab iyo dhedig lix kamid ah ugaadha