Total Pageviews

Tuesday, January 31, 2017

Dhib intee leeg bay ku hayaan? "Qoraal kooban "

Waxaa lajoojiyey todoba wadan oo muslim ah,sababta qudha ee lagu beegsaday waa in wadamadoodi degenaansho la'aani ka jirto ,inta la hubo taariikhda 20 sano ee ugu dambaysay dhibaatooyinka ka dhacay wadanka maraykanka majiro qof qudha oo kasoo jeeda wadamadaas oo falalka waawan ka qayb galay sida qarxinta iyo isticmaalida qoryaha fudud,way jiraan dad isticmaalay midi "Toorey" oo kasoo jeeda mid kamid ah 7 wadan,aan tusaale soo qaadano dhacdadii ugu waynayd ee ka dhacday ameerika waa qarxintii daarihii dhaadheeraa ee mataanaha ,dadka loo qabtay ama kadambeeyey falkaasi waxa kasoo jeedeen Sucuudi careebiya ,Masar Lubnaan iyo imaaraadka carabta.
Dhacdooyinkii ugu dambeeyey ama falalkii ugu xumaa ee ka dhaca wadankaas waxay u dhaceen sidan
-
*.Weerarkii ka dhacay Fort Lauderdale airport  (January 2017) waxaa fuliyey muwaadin ameerikaan ah " US citizen"

*Weerarkii Orlando nightclub  (June 2016) waxaa fuliyey muwaadin ameerikaan ah oo dhalasho ahaan kasoo jeeday wadanka afgaanistaan " US citizen with Afghan parents"

*.Weerarkii San Bernardino oo dhacay (December 2015): waxaa fuliyey muwaadin ameerikaan ah oi kasoo jeeda wadanka pakistan

*.Toogashadii ka dhacday kaniisada Chattanooga  (July 2015): waxaa fuliyey muwaadin ameerikan ah oo dhalasho ahaan kaso jeeda wadanka Kuweyt

*.Toogashadii kale ee ka dhacda kaniisada Charleston church  (June 2015):Muwaadin u dhashay ameerika.

*.Bomkii lagu tuuray Boston marathon(April 2013): waxaa ka dambeeyey labo qof oo dhalasho ahaan kasoo jeeda raashiya .
-
By abshir jama salah

Kuwan maxaa looga reebay ?

Qodobkii ugu xiisaha badnaa ee todobaadkan wuxuu xayiraada uu saaray maraykanku 7 wadan oo muslim ah inaanay soo galin wadankiisa,dhib kuma jiro,laakiin waxaa iswaydiin mudan imisa wadan oo muslim ah ayaa aduunka kajira oo waliba ay kajiraan dhibta ka jirtada wadamadaas oo kale ? Mida kale meede hormuudkii ama wadamada lagu tilmaamo quwadaha muslimka ?hadaan dano laga lahayn maxaa looga reebay ?
-
1:Sucuudiga: waa wadanka ay kuyaalaan meelaha ugu khayrka badan aduunka ee Makka iyo madiina,waana wadan dasruurkiisu ku dhisanyahay shareecada islaamka ,laakiin kuwa sheegta boqortooyada wadankaas ayaa ah kuwo u janjeedha wadamada reer galbeedka ,mida kale ee muhiimka ah waxaa weeyaan in khayraadka wadankaas uu maraykanku ka faaiidaysto haba u badnaatee shidaalka ,waxaa jiray heshiis ay wada galeen "Maraykanka iyo sucuudigu" kaas oo ahaa in 40 sano uu shiidaalka wadankaas soo saaro maraykanku saami ahaana uu qaato 60%,inkastoo ay mudadaasi dhammaatay hadan fara galinta ugu badan ayuu hada ku hayaa.

2:Turkey:Waa wadan kale oo sana awood leh oo muslim ah ,laakin maraykanku ma awoodo inuu saaro cunaqabatay xaga dal ku gal ka ah "Visa", sababo jiro haba uwaynaateen in uu yahay dawlad isku filaan karta iyo in turkey haysto taageero wadamo badan oo yurub ah haba u waynaadee ruushku.

3:Paskistaan: wadanka qudha ee islaamka ah ee leh hubka wax gumaada "Nuclear", madaxa mucaaradka wadankaas ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa in wadankiisa lagu daro wadamadaas muslimka ah ,hada dawlada  pakistaan dan wayn ayaa ugu jirta in lagu daro waayo waxaa meesha ka bixi lahayd fara galinta reer galbeedka.

4:Waxmatarayaasha/ Lixda boqortooyo "Cummaan ,baxrayn ,imaaraadka,kuweyt,Qatar iyo Urdun "Jordan", kuwaasi waa kuwa laga soo galay ama laga dhayal saday dunida muslimka ,hogamiyaashoodu waa wada dabo dhilif u janjeedha reer galbeedka,tirada kuma jiraan.

5:Masar :Waa wadanka uu maraykanku lagacta ugu badan ku bixiyo millatarigiisa sannad walba waana goib muhiim ah uu aad u ilaashado ,masaaridu waa dad maskax badan oo mayal adag ma rabo inuu isku soo jeediyo,inkastoo talada wadankaas ahada hayaan kuwo garabka bidix u janjeedha.

6:Afgaanistaan: waa wadanka la leeyahay maxaa looga reebay liiskan ,laakin waa meesha ciidamo badan kajoogo maraykanka mana rabo inuu ku degdego walow ay adagtahay siduu uga bixi lahaa wadankaas oo dadkiisu yihiin dad dagaal badan sidii looga guuleystana adag yahay.
-
Wadamada aduunka dadkoodu muslim u badanyihiin waa badanyihiin laakiin kuwan aan soo qaadanay waa kuwa loogu hadal hagnta badan yahay.
-
Abshir jama salah

Thursday, January 5, 2017

6 Wadan oo Afrika Kuyaal Oo Doorasho Kadhici-doonto Sannadka 2017

Sannadkan bilowga aha ee 2017waxaa la rajaynayaa in doorosho u dareeraan lixdan oo kuyaal qaaradda Afrika ,wadamadan waxaa kamid ah wadamo ay hogaamiyayaashoodu in badan xilka hayeen ,sannadkii dhammaaday ee 2016 waxaa doorasho ka dhacday dhawr wadan oo afrika kuyaal sida wadamada:

-Gaana oo madaxwayne cusub u dooratay Nana Akufo-Addo
-Ugaandha waxaa mar kale ku ceshaday
Yoweri Museveni
-Zaambiya oo yana dooratay Edgar Lungu
-Gabon oo dooratay  Ali Bongo Ondimba o
-iyo doorashda wali lagu muran sanyahay wadan gambiya.

Sannadkan waxaa lasugayaa inay doorasho kadhacdo wadamadan:

1:Soomaaliya - waa wadan ay aafeeyeen colaado iyo musuqmaasuq maamul xumo sannadihii ugu dambeeyey ,wali la iskuma hallayn karo taariikh ahaan xilligay qabsoomayso waayo dhawr jeer ayey dib u dhacday laakiin waxaa la rajaynayaa inay bilahan fooda ina kusoo hayo dhacdo,hogaamiyaha wadankaas Xasan sh maxanuud ayaa loolan adag kala kulmi doona rag badab oo u taagan xilkaas sida ex madaxwayne sheekh shariif iyo ex raysalwasaare farmaajo.

2:Ruwaandha - waxaa la sugayaa 4 bisha sideedaad inay dhacdo doorashada wadankaas ,madaxwayne Paul Kagame ayaa loo badinayaa inuu ku guulaysto markale doorashadan.

3:Kenya :wadan kale oo dhaca bariga afrika ayaa sideeda Agos u dareeraya doorasho ,hogaamiyaha hadda ee Uhuru Kenyatta ayaa waxaa loolan adag la galaya ninka waqtika dheer mucaaradka soo ahaa ee  Raila Odinga, waxaana laga war sugin cidda hogaamin doonta wadankaas.

4:Angola :Wadanka dhaca galbeedka afrika ayaa sidoo kale 8 agos u dareeraya doorasho madaxwayne, wadankan oo xorriyada ka qaatay bortiqiiska sannadkii 1975 kii ayaa hada waxaa hogaamiya  Jose Eduardo dos Santos wuxuuna loolan adag la gelayaa ninka hogaamiya xisbiga dhaqdhaqaaqa shacabka ee João Lourenco.

5: Liberia- Wadankan sana dhaca galbeedka fog ee afrika ayaa 10 octobar u dareeri doona doorasho xor ah, waa wadanka qudha ee qo dumar ahi soo hogaaminaysay ku dhawaad 10 sano,gabadhan oo lagu magacaabo Ellen Johnson-Sirleaf ,doorashadan wadankaas ayaa ah mid xiiso badan maadaama ay ka qayb qaadan doonaan 22 xisbi oo isku hidindoona ,waxaa kaloo sii xiisa galiyey waxaa ka qayb qaadan doona George Weah oo ahaa ciyaar yahan caan ah oo usoo ciyaaray naadiyo caan ah oo yurub ka tirsan sida Ac-milano, waxayna noqon doontaa mid isha lagu hayo .

6: The Democratic Republic of Congo : wadanka dhaca bartamaha qaarada afrika ayaa doorasho u dareeri doona sannadkan 2017 inkasto aan la sheegi xilliga ,ninka waqti badan soo xukumayey wadankaas ee Joseph Kabila iyo mucaaradka wadankaas ayaa isla qaatay in sannadkan gudihiisa la qabto doorasho xor ah .

Qalinkii Abshir Jama Salah

Monday, January 2, 2017

Dhibtaas waxaa iska leh Baraha Bulshada


Dayaxa "Bisha" wuxuu soo maraa marxalado kala duwan waxaana loo yaqaanaa magacyo kala duwan ,marka lajoogo afka carabiga ee diinteenu ku qorantahay waxaa jira ilaa shan magac oo loo yaqaano , laakiin aan isla eegno sadex magac oo ugu muhiimsan oo loo yaqaan marxaladaha uu dayaxu maro

1: Bil "الهلال" "Crescent " -Marxaladan waxay ka bilaamataa markay dhalato bishu ilaa ay ka gaadhayso 7 maalmood ,marxaladan bishu ma dhammaystirna waa badh "Half" ,marka lagu jiro marxaladan bishu waxay soo baxdaa xilli hore yadoo iftiinka qorraxdu qarinayo sida xidigaha ,marxalada maanta aadka looga hadlayo waa tan oo kale waana afar maanta bishu wax dhib ahana kuma jiro inay duhurkii muuqato waligeed baa la arki jiray ,xidigtan ku lammaan waa xidigta soomaalidu u taqaano "Waxaro xidh-xidh " ,bisho habeen bay la degtaa ama la fadhiisataa ,soomaaliduna magacyo ayey u taqaan .

2:Dayax "القمر" "Moon" - marxaladan waa wixii ka dambeeya 7 maalmood kadib markay bishu buuxsanto ayaa waxaa loo yaqaana dayax .

3:Beder "البدر" -Marxaladan waa maalmaha 13,14,iyo 15 waa marka uu dayaxu ugu iftiin badanyahay ,waxaana ladhahaa "الايام البيض" waa maalmahay ay sunnada tahay in la soomo .

4: Bil - markuu gaadho 25 maalmood waxaa loogu yeedhaa marlabaad bil waayo wuxuu isu bedelaa inuu badh noqdo aanu ahayn dayax dhammaystiraan.

Marxaladan maanta aadka loo hadal hayo ee ah bishii oo afar cisho ah ayaa duhur la arkay waxay iila muuqataa aqoon darro iyo in baraha bulshadu saamayn ku leeyihiin waayo qof uun baa arkay bishii dhararaar markiiba gidaarkiisa ayuu kusoo qoray maanta mucjisaa jirta bal cirka eega ,boqolaal qof ayaa wa fal celiyey isla markiiab..

-
BY ABSHIR JAMA SALAH

Sunday, January 1, 2017

Dhacdooyin goos-goos ah oo Aduunka ka dhacay sannadkii tegay ee 2016

1: 1/1/2016 waxaa gubtay dabaq 63 biyaano "sar" ah oo kuyaalay dubay waxay ahayd mid kamida dahcdooyinkii ugu horreeyey sanadkaas

2:  3/1/2016 Sucuudiga iyo iiraan baa xidhiidhka isu jaray.

3: 6/1/2016 Kuuriyada waqooyi ayaa tijaabisay nuclearka loo yaqaan "Haydrogen Bomb"

4: 14/1/2016 lix qarax ayaa isku maalin kadhacay wadanka indunisiya .

5: 17/2/2016 Qarax kadhacay magaalada Ankara ee turkey ugu yaraan waxaa ku dhintay 28 qof

6: 18/2/2016 Waxaa geeriyooday maxamed xusaynin "Haykal " oo ahaa suxuf caan ah oo reer masar ahaa.

7: 5/3/2016 Sheekh xasan turaabi ayaa geeriyoday ,wuxuu ahaa siyaasi rugcadaa ah oo in badan kusoo jiray siyaasada wadanka suudaanta waqooyi.

8:14/3/2016 Qarax kadhacay magaalada Ankara turkey waxaa ku dhintay 31 qof in kabadan 75 qofna ku dhaawacmeen.

9: 19/3/2016 diyaarad ku dhacday wadanka ruushka in kabadan 61 qof ayaa ku dhintay.

10: 22/3/2016 qarax ka dhacay barasalis waxaa ku dhintay 32 qof waxaana ku dhaawacmay dad gaadhay 251 qof.

11: 28/3/2016 Qarax ka dhacay Lahor-pakistaan waxaa ku dhintay 70 qof waxaana ku dhaawacmay in kabadan 300  oo qof

12: 17/4/2016 Dhul-gariir ka dhacday Equador waxaa ku dhintay 60 qof .

13: 4/6/2016 waxaa geeriyooday feedhyahankii reer maraykan ee MAXAMED CALI KALAY.

14: 16/7/2016 Waxaa dhacay inqilaabkii fashilmay ee wadanka Turkey .

15: 17/6/2016 Waxaa la hindisay baasboor ay yeelato afrika oo dhan "Africa passport" shir kadhacay wadanka ruwaanda .

16: 9/11/ Donald trump ayaa loo doortay madaxwaynaha wadanka maraykanka .

17: 19/12/2016 Waxaa la dilay safiirkii ruushka u fadhiyey turkey.

Abshir Jama salah

Qoraalada xiisaha leh

Magacyada Lab iyo dhedig lix kamid ah ugaadha