Qodobkii ugu xiisaha badnaa ee todobaadkan wuxuu xayiraada uu saaray maraykanku 7 wadan oo muslim ah inaanay soo galin wadankiisa,dhib kuma jiro,laakiin waxaa iswaydiin mudan imisa wadan oo muslim ah ayaa aduunka kajira oo waliba ay kajiraan dhibta ka jirtada wadamadaas oo kale ? Mida kale meede hormuudkii ama wadamada lagu tilmaamo quwadaha muslimka ?hadaan dano laga lahayn maxaa looga reebay ?
-
1:Sucuudiga: waa wadanka ay kuyaalaan meelaha ugu khayrka badan aduunka ee Makka iyo madiina,waana wadan dasruurkiisu ku dhisanyahay shareecada islaamka ,laakiin kuwa sheegta boqortooyada wadankaas ayaa ah kuwo u janjeedha wadamada reer galbeedka ,mida kale ee muhiimka ah waxaa weeyaan in khayraadka wadankaas uu maraykanku ka faaiidaysto haba u badnaatee shidaalka ,waxaa jiray heshiis ay wada galeen "Maraykanka iyo sucuudigu" kaas oo ahaa in 40 sano uu shiidaalka wadankaas soo saaro maraykanku saami ahaana uu qaato 60%,inkastoo ay mudadaasi dhammaatay hadan fara galinta ugu badan ayuu hada ku hayaa.
2:Turkey:Waa wadan kale oo sana awood leh oo muslim ah ,laakin maraykanku ma awoodo inuu saaro cunaqabatay xaga dal ku gal ka ah "Visa", sababo jiro haba uwaynaateen in uu yahay dawlad isku filaan karta iyo in turkey haysto taageero wadamo badan oo yurub ah haba u waynaadee ruushku.
3:Paskistaan: wadanka qudha ee islaamka ah ee leh hubka wax gumaada "Nuclear", madaxa mucaaradka wadankaas ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa in wadankiisa lagu daro wadamadaas muslimka ah ,hada dawlada pakistaan dan wayn ayaa ugu jirta in lagu daro waayo waxaa meesha ka bixi lahayd fara galinta reer galbeedka.
4:Waxmatarayaasha/ Lixda boqortooyo "Cummaan ,baxrayn ,imaaraadka,kuweyt,Qatar iyo Urdun "Jordan", kuwaasi waa kuwa laga soo galay ama laga dhayal saday dunida muslimka ,hogamiyaashoodu waa wada dabo dhilif u janjeedha reer galbeedka,tirada kuma jiraan.
5:Masar :Waa wadanka uu maraykanku lagacta ugu badan ku bixiyo millatarigiisa sannad walba waana goib muhiim ah uu aad u ilaashado ,masaaridu waa dad maskax badan oo mayal adag ma rabo inuu isku soo jeediyo,inkastoo talada wadankaas ahada hayaan kuwo garabka bidix u janjeedha.
6:Afgaanistaan: waa wadanka la leeyahay maxaa looga reebay liiskan ,laakin waa meesha ciidamo badan kajoogo maraykanka mana rabo inuu ku degdego walow ay adagtahay siduu uga bixi lahaa wadankaas oo dadkiisu yihiin dad dagaal badan sidii looga guuleystana adag yahay.
-
Wadamada aduunka dadkoodu muslim u badanyihiin waa badanyihiin laakiin kuwan aan soo qaadanay waa kuwa loogu hadal hagnta badan yahay.
-
Abshir jama salah
No comments:
Post a Comment