Total Pageviews

Thursday, January 5, 2017

6 Wadan oo Afrika Kuyaal Oo Doorasho Kadhici-doonto Sannadka 2017

Sannadkan bilowga aha ee 2017waxaa la rajaynayaa in doorosho u dareeraan lixdan oo kuyaal qaaradda Afrika ,wadamadan waxaa kamid ah wadamo ay hogaamiyayaashoodu in badan xilka hayeen ,sannadkii dhammaaday ee 2016 waxaa doorasho ka dhacday dhawr wadan oo afrika kuyaal sida wadamada:

-Gaana oo madaxwayne cusub u dooratay Nana Akufo-Addo
-Ugaandha waxaa mar kale ku ceshaday
Yoweri Museveni
-Zaambiya oo yana dooratay Edgar Lungu
-Gabon oo dooratay  Ali Bongo Ondimba o
-iyo doorashda wali lagu muran sanyahay wadan gambiya.

Sannadkan waxaa lasugayaa inay doorasho kadhacdo wadamadan:

1:Soomaaliya - waa wadan ay aafeeyeen colaado iyo musuqmaasuq maamul xumo sannadihii ugu dambeeyey ,wali la iskuma hallayn karo taariikh ahaan xilligay qabsoomayso waayo dhawr jeer ayey dib u dhacday laakiin waxaa la rajaynayaa inay bilahan fooda ina kusoo hayo dhacdo,hogaamiyaha wadankaas Xasan sh maxanuud ayaa loolan adag kala kulmi doona rag badab oo u taagan xilkaas sida ex madaxwayne sheekh shariif iyo ex raysalwasaare farmaajo.

2:Ruwaandha - waxaa la sugayaa 4 bisha sideedaad inay dhacdo doorashada wadankaas ,madaxwayne Paul Kagame ayaa loo badinayaa inuu ku guulaysto markale doorashadan.

3:Kenya :wadan kale oo dhaca bariga afrika ayaa sideeda Agos u dareeraya doorasho ,hogaamiyaha hadda ee Uhuru Kenyatta ayaa waxaa loolan adag la galaya ninka waqtika dheer mucaaradka soo ahaa ee  Raila Odinga, waxaana laga war sugin cidda hogaamin doonta wadankaas.

4:Angola :Wadanka dhaca galbeedka afrika ayaa sidoo kale 8 agos u dareeraya doorasho madaxwayne, wadankan oo xorriyada ka qaatay bortiqiiska sannadkii 1975 kii ayaa hada waxaa hogaamiya  Jose Eduardo dos Santos wuxuuna loolan adag la gelayaa ninka hogaamiya xisbiga dhaqdhaqaaqa shacabka ee João Lourenco.

5: Liberia- Wadankan sana dhaca galbeedka fog ee afrika ayaa 10 octobar u dareeri doona doorasho xor ah, waa wadanka qudha ee qo dumar ahi soo hogaaminaysay ku dhawaad 10 sano,gabadhan oo lagu magacaabo Ellen Johnson-Sirleaf ,doorashadan wadankaas ayaa ah mid xiiso badan maadaama ay ka qayb qaadan doonaan 22 xisbi oo isku hidindoona ,waxaa kaloo sii xiisa galiyey waxaa ka qayb qaadan doona George Weah oo ahaa ciyaar yahan caan ah oo usoo ciyaaray naadiyo caan ah oo yurub ka tirsan sida Ac-milano, waxayna noqon doontaa mid isha lagu hayo .

6: The Democratic Republic of Congo : wadanka dhaca bartamaha qaarada afrika ayaa doorasho u dareeri doona sannadkan 2017 inkasto aan la sheegi xilliga ,ninka waqti badan soo xukumayey wadankaas ee Joseph Kabila iyo mucaaradka wadankaas ayaa isla qaatay in sannadkan gudihiisa la qabto doorasho xor ah .

Qalinkii Abshir Jama Salah

No comments:

Post a Comment

Qoraalada xiisaha leh

Magacyada Lab iyo dhedig lix kamid ah ugaadha