Total Pageviews

Monday, January 2, 2017

Dhibtaas waxaa iska leh Baraha Bulshada


Dayaxa "Bisha" wuxuu soo maraa marxalado kala duwan waxaana loo yaqaanaa magacyo kala duwan ,marka lajoogo afka carabiga ee diinteenu ku qorantahay waxaa jira ilaa shan magac oo loo yaqaano , laakiin aan isla eegno sadex magac oo ugu muhiimsan oo loo yaqaan marxaladaha uu dayaxu maro

1: Bil "الهلال" "Crescent " -Marxaladan waxay ka bilaamataa markay dhalato bishu ilaa ay ka gaadhayso 7 maalmood ,marxaladan bishu ma dhammaystirna waa badh "Half" ,marka lagu jiro marxaladan bishu waxay soo baxdaa xilli hore yadoo iftiinka qorraxdu qarinayo sida xidigaha ,marxalada maanta aadka looga hadlayo waa tan oo kale waana afar maanta bishu wax dhib ahana kuma jiro inay duhurkii muuqato waligeed baa la arki jiray ,xidigtan ku lammaan waa xidigta soomaalidu u taqaano "Waxaro xidh-xidh " ,bisho habeen bay la degtaa ama la fadhiisataa ,soomaaliduna magacyo ayey u taqaan .

2:Dayax "القمر" "Moon" - marxaladan waa wixii ka dambeeya 7 maalmood kadib markay bishu buuxsanto ayaa waxaa loo yaqaana dayax .

3:Beder "البدر" -Marxaladan waa maalmaha 13,14,iyo 15 waa marka uu dayaxu ugu iftiin badanyahay ,waxaana ladhahaa "الايام البيض" waa maalmahay ay sunnada tahay in la soomo .

4: Bil - markuu gaadho 25 maalmood waxaa loogu yeedhaa marlabaad bil waayo wuxuu isu bedelaa inuu badh noqdo aanu ahayn dayax dhammaystiraan.

Marxaladan maanta aadka loo hadal hayo ee ah bishii oo afar cisho ah ayaa duhur la arkay waxay iila muuqataa aqoon darro iyo in baraha bulshadu saamayn ku leeyihiin waayo qof uun baa arkay bishii dhararaar markiiba gidaarkiisa ayuu kusoo qoray maanta mucjisaa jirta bal cirka eega ,boqolaal qof ayaa wa fal celiyey isla markiiab..

-
BY ABSHIR JAMA SALAH

No comments:

Post a Comment

Qoraalada xiisaha leh

Magacyada Lab iyo dhedig lix kamid ah ugaadha