Total Pageviews

Saturday, October 31, 2020

Loolanka Doorasho ee USA

Doorashada 2020 ee maraykanka sannadka way adagtahay labada oday ee isku hayadoorashada waa Trump oo74jir ah iyo Biden oo 77 jir ah,marka laga yimaado xafiiltanka u dhexeeya labada xisbi "Jamhuuriga iyo dimuqraadiyiinta" waxaa si gaar ah xafiiltan uga dhexeeyaa labada musharrax ee tartamaya , shacab waynaha maraykanku waa labo dhinaca oo kala raacsan labada xisbi, waxaa lagu loolamaa waa wax kayar %20 dadka kunool wadanka oo gaadhaya sadex boqol iyo labaatan iyo sideed iyo badh malyuun"328.2 million ",sidoo kale gobolada waxay kala taabacsanyihiin labada xisbi marka laga reebo dhawr state oo isbed bedela ,


Sadaalinta :-


-Hadii Joe Biden iyo xisbigiisu ku guuleystaan gobolka labaad ee ugu shacbiyada badan maraykanka waa gobolka Texas 44 sano kadib iyo gobolka Koonfurta dhaca ee Georgia 38 sano hadii ay labadaas gobol ku guuleytaan waxay u dhawyihiin inay doorashada ku adkaadaan.



Abshir jama

Monday, October 26, 2020

Mesut Özi xagee ku dambeeyey?


-Wuxuu lumiyey labo iyo labaatan malyuun "$ 22 Million " oo qayb ku lahaa "Partnership"  shirkada Adidas sababtu waa wuxuu ka hadlay muslimiinta shiinaha lagu dhibaataynayo . 

-Waxaa laga reebay gabi ahaan xulka wadanka jarmalka taageero iyo hambalyo uu u diray madaxwaynaha turkey Erdogan .

-Waxaa gabi ahaanba laga saaray ciyaraaha kooxdiisa Arsenal dhammaan waxaana sidaa sabeeyey tababaraha kooxdaas Mikerl Arterta ,sababtuna waa inuu ka hadlay dhibta haysata muslimiinta kunool caalamka "Muslim lives matter" gaar ahaan qoomiyada Rhinga .


https://drive.google.com/uc?export=view&id=10bHN-tOiZ2rMWZenCSAbqBKWVS_Wg8Vp

Mesut Özi reer Turkey ee dhalashada Jarmalka haystay .

Saturday, October 24, 2020

Doorashada Maraykanka .

3 November waxaa loo dareerayaa Doorashada  Wadanka maraykanka "10 Days kadib ",waxaana lagu dhawaaqaa 11 November xilwareejintu waxay dhacdaa 20 January sannadka xiga "wuxuuna ka kooban 50 maamul goboleed "50 states" waxaana ukala qaybsamaan kuwo loogu yeedho Blue States "Dimuqraadiyiin" sida Minnesota iyo Red states "Jamhuuriyiin ama Repblican " Sida Texas iyo kuwo isbed bedela marba dhinac raaca Sida Gobolka Ohio .

Sannadka Doorashada waxaa isku haya wiilka aan hadalka la gabban ee hada ah madaxwaynaha wadanka Donald J Trump oo ku xigeen u yahay wiilka reer Indiana Make Pence oo ah xisbiga Jamhuuriga ee u badan Aqalka Sare waxaa kasoo horjeeda wiilka mudada dheer ka ahaa Senetarka Gobolka Delaware "1973-2009"Joseph Robinette Biden Jr ama Joe Biden waxaa ku xigeen u ah gabadha indhaha ka hadasha ee Reer California Kamala Harris ,Doorashadan waa mid xiiso gaar leh sannadkan .

Saadalinta guusha Sannadka 2020 

Wax walba waxay kusocdaan qaddar Alle ,laakin markaan Ra'yi tacabiro dibnq u eegay 50 kii sano ee lasoo dhaafay 98% madaxda dalkaasi waxay qaataan 8 sano samaan iyo xumaan,tani waxay u eegtahay mid ay adagtahay saadaalinteedu laakin waxay u badantahay in ku guuleysto mar labaad Madaxwayne trump .

Ballanteenu waa 11 November wixii Nool.

Abshir J Salah

Qoraalada xiisaha leh

Magacyada Lab iyo dhedig lix kamid ah ugaadha