Total Pageviews

Saturday, October 24, 2020

Doorashada Maraykanka .

3 November waxaa loo dareerayaa Doorashada  Wadanka maraykanka "10 Days kadib ",waxaana lagu dhawaaqaa 11 November xilwareejintu waxay dhacdaa 20 January sannadka xiga "wuxuuna ka kooban 50 maamul goboleed "50 states" waxaana ukala qaybsamaan kuwo loogu yeedho Blue States "Dimuqraadiyiin" sida Minnesota iyo Red states "Jamhuuriyiin ama Repblican " Sida Texas iyo kuwo isbed bedela marba dhinac raaca Sida Gobolka Ohio .

Sannadka Doorashada waxaa isku haya wiilka aan hadalka la gabban ee hada ah madaxwaynaha wadanka Donald J Trump oo ku xigeen u yahay wiilka reer Indiana Make Pence oo ah xisbiga Jamhuuriga ee u badan Aqalka Sare waxaa kasoo horjeeda wiilka mudada dheer ka ahaa Senetarka Gobolka Delaware "1973-2009"Joseph Robinette Biden Jr ama Joe Biden waxaa ku xigeen u ah gabadha indhaha ka hadasha ee Reer California Kamala Harris ,Doorashadan waa mid xiiso gaar leh sannadkan .

Saadalinta guusha Sannadka 2020 

Wax walba waxay kusocdaan qaddar Alle ,laakin markaan Ra'yi tacabiro dibnq u eegay 50 kii sano ee lasoo dhaafay 98% madaxda dalkaasi waxay qaataan 8 sano samaan iyo xumaan,tani waxay u eegtahay mid ay adagtahay saadaalinteedu laakin waxay u badantahay in ku guuleysto mar labaad Madaxwayne trump .

Ballanteenu waa 11 November wixii Nool.

Abshir J Salah

No comments:

Post a Comment

Qoraalada xiisaha leh

Magacyada Lab iyo dhedig lix kamid ah ugaadha