Hadaba dawlada xamar kajirta waqooyi may siin xaqoodi ay kulahaayeen federaalka ,halkii ay soo dhawayn lahay dawlada xamar waqooyi way sii fogaysay ,
dhawr tusaale aan kuu bidhaamiyo
☆Madasha Wada-Tashi :-
Waxaa jirta madal ay ula baxeen reer koonfureedku madal wada tashi taaso oo ay kumidoobeen Afar "4" maamul goboleed "Puntland ,Galmudug,jubba-land iyo Koonfur galbeed" iyo Dawladda dhexe,laakiin waqooyi lama siin xubintoodi iyo dawrkay kullahaayeen soomaaliya waxaa loo tixgaliyey maamul aan kamid ahayn soomaalida taasina waxay sii fogayn waqooyiga soomaaliya iyo fekradoodi go'itaan .
☆Laantii Socdaalka ee Hargaysa :
Sannadkan sii dhammaanaya waxaa jirtay dhacdo dhacday taaso oo ah in maamulka waqooyiga soomaaliya uu dalab hoose u dirsaday dawlada dhexe sagoo ka dalbanaya in laan socdaal "Migration" laga furo magaalada hargaysa si loo yareeyo dhibka ay ku qabaan dadka soomaaliyeed ee degan Boorame, Hargaysa iyo burco safarka dheer ay u galaan soo qaadashada Baasaboorka "Passport" soomaaliya yagoo u safra magaalada Garoowr, waraaqdaas oo hoos ahaan u dirtay wasaarada arrimaha gudaha oo markaas ka ahaa waran cadde wasiir kuna sheegay in xafiisku ahaado mid dah-soon oo aan lashaacin si aanay u kicin dadka maskaxdooda lagu shubay 25kii sano ee ugu dambeeyey waxaa tihii dawlada gaar ah ,waraaqdaasna waxaa fashilay oo saxaafada soo dhigay ninka lagu magacaabo Gaafow oo markaa haystay laanta socdaalka ee soomaaliya ,hawshaasina waxay ku fashilantay sidaas.
☆Wadahadalladii Turkiga Ee dawlada dhexe iyo Maamulka Waqooyiga Soomaaliya:-
Waxaa jirtay in uu jira wadahadalo dhawr ah si la isugu soo dhawaado meel dhexena lagu heshiiyo ,dawlada dhexe waxay samaysay khalad wayn oo ah in ergada kasocday dhanka dawlada ay dhalasho ahaan kasoo jeedeen waqooyiga soomaaliya oo ah kuwa lala xaajoonayo ,halkii ay ahaan lahayd in loo wadahadlo Waqooyi iyo Koonfur ,taasina waxay keentay in uu marwalba kudhamaado wadahadlku is-af-garanwaa,qodobkaasna waa lagu fogeeyey waqooyiga soomaaliya .
☆Deeqaha Caalamiga ah :-
Waxaa jirtay deeqo badan oo loogu deeqay soomaaliya intay jirta dawladan dhexe ee federaalka ah dhammaan waxay ku eekaayeen oo aanay soo dhaafin deeqahaasi xamar iyo koonfur yadoo la illaaway dadka degan waqooyi .
Qalinkii Abshir Jama Salah
No comments:
Post a Comment