Total Pageviews

Saturday, November 12, 2016

Waa Maxay Awoodda Donald Trump Ee Aqalka Cad ? Qoraal kooban

Waxay dad badani iswaydiinayaan erayadii muranka dhaliyey ee uu Donald Trump ku hadlay ama uu ballan qaaday intii lagu guda jiray ololihiisa doorashu ee wadanka maraykanka ,waxaan isdultaagaynaa qoraal dheer oo ka kooban 10 qodob
-
















1:Ma awoodaa inuu dhiso gidaarka u dhexeeya wadanka maraykanka iyo Mexico?

Donal Trump wuxuu sheegay inuu dhisayo gidaar u dhexeeya wadankiisa iyo wadanka ay deriska yihiin ee mexico si uu u joojiyo dadka tahriibka ah ee kasoo gal xadka wadankaas ,si uu u fuliyo ballan qaadkaas wuxuu u baahanyahay inuu ogolaansho ka helo Congresska wadankaas ,wuxuu u baahanyahay lacag dhan 20 trillion ,mana awoodo in uu hawshaas galo ilaa uu saxeex ka helo ama uu cod ka helo aqalka congresska ,ma awoodo inuu lacagta ka qaado wadanka mexico sida uu hore u sheegay.

2:Ma awoodaa inuu ka mamnuuco dadka muslimka ah inay galaan wadanka maraykanka ?

Markuu ku jiray wuxuu sheegay inuu dalka u diidi doono dadka muslimka ah soo galida wadanka maraykanka sagoo ku tilmaamay argagixiso,hadii la eego sharciga ameerika ee diimaha majiro madaxwayne ka mamnuuci kara muslimiinta inay soo galaan wadankaas,laakiin madaxwaynaha wadanku wuxuu awoodaa inuu ka mamnuuco wadanka inay soo galaan dad wadan gaar ah oo cayiman inay soo galaan wadankiisa ,tusaale ahaan sannadkii 1980 kii madaxwaynihii marayakanka Jimmy Carter wuxuu wadankiisa ka mamnuucay inay soo galaan dadka u dhashay wadanka iiraan qudha kuwo mucaaradka ku ah dawlada wadankaas iiraan,trump wuxuu mamnuuci karaa in wadankiisa soo galaan dadka u dhashay soomaaliya ama siiriya laakiin ma mamnuuci karo muslimka aduunka oo dhan.

3:Ma la xaajoon karaa heshiiska nuclearka ee wadanka Iiraan?

Trumo wuxuu ku tilmaamay heshiiska wadanka iiraan inuu yahay heshiiskii ugu edebta darnaa waqtigoo dhan ama aduunak "the stupidest deal of all time",wuxuu sheegay in uu iiraan ka rabo heshiis fiican,wuxuu awood u leeyahay inuu furo wada xaajood kale sagoo ku cadaadin kara kii hore ee yaalay qaramada midoobay .
-
4:Ma bilaabi karaa Trump dagaal dhaqaale oo u dhaxeeya maraykanka iyo wadanka Shiinaha "China" ?
'
Haa ,majirto cid ka hor istaagi karta xataa congresska uguma baahna taakulayn.
-
5:Dib ma ula xaajoon karaa heshiiska dhaqaale ee waqooyiga ameerika ee looyaqaano NAFTA?
'
Haa wuu samayn karaa sagoo wada xaajood lasamaynaya wadama Canada iyo Mexico.
-
6:Ma awoodaa in uu shirkadaha ameerikaanka ah ee caalamka ku daadsan inuu dib ugu soo celiyoa wadanak gudihiisa?
'
Maya ,ma awoodo inuu sameeyo taas.
-
7:Ma awoodaa in uu jooji caadi ahaanta kuuba "Cuba" heshiiskay hore ugaleen?
'
Haa ,wuxuu samayn karaa wuxuu rabo
-
8:Muxuu ku samayn karaa wadanka suuriya?
'
Wax walba uu rabo ayuu ka yeeli karaa wadankaas
-
9:Waa maxay awoodda uu ku leeyahay Qaramada midoobay ?
'

Wuxuu ku leeyahay awood madax bannaan oo siduu doono u maamuli karo
-
10:Ma awoodaa inuu dib u celio dadka bilaa sharciga ee ku nool ameerika ?
-
Haa , wuu awoodaa inuu dib u celiyo, ma jirto cid ka hor istaagi karta.
|

By: Patty CulhaneWhite House Corresponden
Translate: Abshir jama salah 
somali Autho

No comments:

Post a Comment

Qoraalada xiisaha leh

Magacyada Lab iyo dhedig lix kamid ah ugaadha