Total Pageviews

Monday, October 3, 2016

Maxaa ka taqaan Mustafa Kemal Atatürk "cadowgii islamka" -Qormo xiiso leh Q1


Mustafa Kemal Atatürk wuxuu ahaa mid kamida madaxdii ugu sharka badnaa ee soo mara wadamada muslimiinta ,gaar ahaan wadanka turkiga.
``
Bilowgii taariikhdiisa:
`
Mustafa Kemal Atatürk wuxuu dhashay sannadkii 1881kii meesha layiraahdo salonica oo hada ka tirsan wadanka Giriiga,ereyga kemal oo ah aabe "father of turks" aabihii wuxuu dhintay sagoo 7 sano jira, waxaa soo korisay xaas uu aabihii qabijray, wuxuu galay sagoo da,yar dugsi lagu baranjiray militariga ,wuxuuna ka baxay dagoo.dhalin yaro ah sannadkii1902kii ,markaas uu bilaabay dhaqdhaqaaqisi militari.markuu ahaa dugsigiisa sare ayui helay naanaysta kemal taaso u bixiyey macalinkiisi xisaabta
``
Qabsashadiisii Turkiga:
``
Mustafa Kemal Atatürk iyo rag ay asxaab ahaayeen waxay bilaabeen kacdoon ay kaga soo horjeedaan dawladii islaamiga ahayd ee markaa ka talinsay wadanka ee cusmaaniyiinta, waxaana dabada ka riixayey dawlado reer galbeeada kuwaas oo kasoo horjeeday xukunka islaamka.Bishii march sannadkii 1924 kii ayuu dhacay inqilaabka waxaana lagu dhawaaqay magca maanta loo yaqaan ee jamhuuriyada turkiga.
``
Xeerarkii uu kusoo rogay muslimiinta
``
Mustafa Kemal Atatürk wuxuu ahaa ninka ka mamnuucay dadkii muslimka ahaa ee ku noolaa wadan turky inay ku aadaamaan luuqada carabiga lagu aadamo afka turkishka,wuxuu soo saaray sharci ah inaan la isku salaami karin salaanta islaamka ee "aslaamu calykum"lakin la isku salaamo hello iyo Hi in.madax la ruxo.wuxuu kaloo soo saaray amar ah in ladhigo shareecada islaamka inay mamnuuctahay,xataa in la barto quraanka ,wuxuu kaloo soo saaray sharci ah in ragu guursan karin hal xaas waxkbadan, wuxuu soo rogay in ragga iyo dumarku simanyihin, wuxuu kaloo soo saaray in luuqada turkishka ee xaga midigta sida carabiga ka bilaami jirya in laatin loo bedelo.
```
Lasoco qaybaha danbe
`
By abshir jama salah

No comments:

Post a Comment

Qoraalada xiisaha leh

Magacyada Lab iyo dhedig lix kamid ah ugaadha