Total Pageviews

Saturday, October 1, 2016

Bar-Baarta Iyo Baraha Bulshada "Social Media" -"Sheeko dhab ah"-

Waxay ahayd sheeko i cajabisay ,waxaan meel meherada la fadhiyey nin aanu saaxib ahayn oo ka yimi wadanka maraykanka waxaa isla goobtii soo fadhiistay nin kale oo dhallinyarada dhexe ah oo insa qurbaawi ah ,si kaftan ah ayuu ugu yiri "waa wixii sodonka kun oo doollar naagtu kaaga cuntay " kamuu jawaabin su'aashii wuu isyara dhaafiyey ,kadib markaanu baxnay ayaan ku iri "maxaad u dacaayadayn wiilka" wuxuu iigu jawaabay "wallaahay waa sheeko ku dhacday " ii wad baan iri sheekada sxb,wuxuna iigu jawaabay sidan
 "Wuxuu joogay maraykanka waxayna barta bulshada "Facebook" iska barteen gabadh kunool wadamada carabta "Qatar" oo soomaali ah waxay wada socdeen "Sheekaysanayeen " muddo dhawr sano ah ,waxay usoo dirtay sawirro qurxoon iyo waliba lambarkeeda ,sifiicana waa isu barteen jacayl hawada ahna waa dhexmaray ,wuxuu bilaabay inuu lacag "bill" u qoro lambarkeedi iyo magacay u sheegatay ugu soo hagaajiyo,waxaa lagu heshiiyey guur iyo inuu soo tago oo uu yimaado qatar ,markuu soo dhawaaday soo bixitaankiisi ayaa gacaladiisi hawada ahay kutiri "Macaan gurigii baan sii habayn ee waxaa soo dirtaa lacag shan kun oo doollar "$5000" ,sana muran muugalin ee wuu soo diray ,gacaladiisi hawada maanta iyo ilaa caawa khadka may soo fadhiisan 'tolow maxaa helay' war dhib malaha yadoo soo gelinilaa berri ,berridina waa lagaadhay lama hayo ,wuxuu wacay telkeedi waa xidhanyahay "Shutdown" ,dhawr cisho baa kasoo wareegtay lama hayo ,maalinba siday maali ugu dhiibaysay wayaa waqti ku tegay soo tegidiisi wuu baajiyey "Cancelled" ,wuxuu xisaab u galay akoonkiisi imisay lacag ka qabtaa ,xisaab dheer waxay noqotay in dhawrkii sano ay ka qabtay soddon kun oo doollar lacag ku dhaw ,ilaahay samir iyo iimaan haa ina ka siiyo."
-
Sheeko dhab ah
-
Qalinkii :Abshir jaamac Saalax

No comments:

Post a Comment

Qoraalada xiisaha leh

Magacyada Lab iyo dhedig lix kamid ah ugaadha