Waxaa jiray wiil yar oo madiina kunoolaa xilligii Nebiga "NNKHA" oo uu Nebigu uga shakiyey dajaal oo calaamadihii lahaa sida Isha.
Maalin Maalmaha kamida ayaa sagoo wiilkii yaraa jiifa beer ay kulahaayeen Madiina ayuu Nebigu "NNKHA" usoo dhuuntay ,kadib hooyadii ayaa aragtay oo ku qaylisay "Kicisay " ,kadib Nabigu wuxuu yiri "Alla may dayso maantaan kala ogaan lahaa ".
Wiilkii yaraa wuu waynaaday wuxuu noqday muslim ,wuxuu dhalay caruur,Magaciisa waxaa la oranjiray "Saaf binu siyaad",reer madiina waxay uyaqaaneen dajjaal cawar.
Maalin ayuu xajka aaday sagoo raacay dad badan ,dadku markay meel degaanba kaligiisa ayaa dega yagoo dadku ka fogaanjiray meesha uu dego ,kadib wuxuu usoo dacwooday saxaabigii waynaa ee "Abu saciid Al-khudri" RC" sagoo leh "Anigu qof muslin ah baan ahay dajjaal ma ahi ,dajaal Nebigu wuxuu ku sheegay inaanu madiina galay 'Ani madiina waa deganahay ' ,Makka inaanu aadayn 'waa anigaa xajka usocda ',dajjaal waxbo madhalo 'ani caruur baan dhalay ', kadib siciid wuu u garaabay sagoo leh "Ninkan waa laga gardaranyahay ", sidi ay uwada sheekaysanayeen yarkii iyo siciid ayuu yiri wiilkii "Siciidow anigu dajjaal waa aqaanaa ,hooyadii iyo aabihii waa aqaanaa " kadib siciid ayaa yaabay oo yiri sow ninkan wixii lagu sheegayey waa run kadib wiilkii ayaa hadalkiiisi sii watay oo yiri "Siciidow hadii aniga maanta la iyiraahdo 'dajaal noqo madiideen' kadib siciid ayaa meeshii uga kacay sagoo leh "Wixii lagugu sheegayeyba waa run".
Wiilkii sheekadiisi iyo meel uu ku dhintay ilaa hada lamahayo ,berigii asxaabtu qabsatay beershiya ayaa nin kamida asxaabta wuxuu yiri "Maalin baan arkay yadoo yuhuudii deganayd magaalada asbahaan oo dabaal degaysa oo leg 'Boqorkayagii baa yimi ' kadib wuu sabaxay asxaabigii mise waa ninkii "Saaf " oo faras saaran ".
Halkaas baa ugu war dambaysay wiilkaas.
-
Halkaas baan kusoo afmeerayaa sheekadii "Dajaal"
-
Xig: Shekh shibli
Qalinkii : Qoraa Abshir jama saalax
Facebook: #Author_Abshir_jama
No comments:
Post a Comment