Dajjaal waxaa dili doona Nebi Ciise "CS" wuxuuna ku dili doonaa wadanka falastiin meel u dhaw masjidul -aqsaa oo layidhaahdo "Baabu-luddi" ,Nebi ciise wuxuu goor subaxa kusoo degi doonaa magaalada Dimishiq ee caasimada suuriya ,wuxuu subax latukan doonaa mahdiga iyo dad yar oo muslimiin ah oo ku dhuumanaya goobtaas .
Nebi ciise wuxuu kamid yahay calaamadaha waawayn ee qiyaamaha ,Nebigu "NNkHA" wuxuu yiri "calaamadaha qiyaamaha ee waawayn hadii mid kamida yimaado waa isku daba xigaan sida tusbax lafuray" waxayna ukala soo horreeyaan sidan
-Mahdiga-Yuug iyo yamaayuug-Dajaal -Nebi ciisw "CS".
Argtida dajjaal waxaa aragti ugu dambaysay xiliigii Nebi "NNKHA" saxaabi la oranjiray tamiimu daari ayaa soo arkay.
Qisada saxaabigan waa sidan :-
-"Wuxuu yiri maalin ayaanu doon qaadanay si aan ugu soo dalxiisno badda cas ,kadib doontii yarayad ayaa dabayli qaaday waxay kutuurtay bad-waynta ,kadib waxaanu qabsanay qori kadib sidii uu noo waday ayuu nageeyey meel jasiirad ah ,kadib waxaanu aragnay xawaan wayn oo meel ku xidhan kadib waa lahadalnay ,kadib wuxuu yiri hadal uma baahni ee halkaas buu joogaa nin raba warkiina ee u taga ,kadib waxaanu utagnay nin meel ku jeebaysan "Silsiladaysan" kadib waanu lahadalnay wuuna na gartay inaanu carab nahay ,kadib wuxuu nawaydiiyey dhawr su'aalood:-
-Wuxuu nawaydiiyey in uu nabi Muxamed "NNKHA" inuu baxa?
-Maxay carab samaysay ayuu nayiri !?
Waxaanu ku niri qaybi waa rumaysay qaybna waa diiday .
-Wuxuu yiri kuwii diiday maxay sameeyeen ?
Waxaanu niri waa ladagaalameen ,wuxuu yiri tolow miyey iska raacaan .
Wuxuu kaloo nawaydiiyey
-Meeshii la oran jiray "Baxayru dabariya " ee urdun kutiil in biyihii ka go'een "Dhammaadeen" ?
Waxaanu niri wali waa kusii jiraan ,wuxuu yiri yagaa iska go'in.
Waxaanu ku niri "war adigu is sheeg ? intuu kor u booday ayuu yiri "xiligii aan soo baxayey waa soo dhawyahay".
Kadib saxaabigii oo ordaya ayaa u yimi Nebiga una sheegay sheekadii ,kadib wuxuu yiri "Ninkaasi waa dajjaal".
,
Halkaas baan ku hakin qaybtii labaad ,lasoco qayb kaloo xiiso badan iyo sheeko kake oo ku saabsan dajjaal
-
Xigasho :Sheekh shibli
Qore :Abshir Jaamac Saalax
No comments:
Post a Comment