Soo bixitaanka dajaal waa mid kamida shanta calaamo ee ugu waawayn qiyaamaha .
Dajaal marka hore waa nin caadi ah oo dadka ku dhexnool mar qudha ayuu isbedelin uuna soo bixin ,wuxuuna kasoo bixin wadanka "IIRAAN" gaar ahaan magaaalada layidhaahdo "ASBAHAAN" oo ay yuhuudu u badantahay waxaana raaci doona todobaatan kun "70,000" oo kamida yuhuuda asbahaan ,wuxuu cawaranyahay isha bidix,waa nin shar badan wuxuu wataa naar iyo janno uu dadka kala dooransiinayo ,qof ayuu dilin kadibna wuu soo noolayn ,qof ayuu u iman oo ku dhihin hooyadaa iyo aabahaa makuusoo nooleeyaan ?markaasu dhihin haa! kadib shayaan diin u eeg waalidkii ayuu u keenin qofkii wuxuu arkayaa hooyadii iyo aabihii oo leh "hooyo ,aabe".
Ninkaasi aduunka wuxuu joogayaa 40 Cisho "Maalmood" afartankaasi maaha kuwo caadi ah tusaale ahaan :-
1:Maalinka koowaad uu soo baxo qorraxdu waxay soo jeedaysaa oo aanay dhacayn 12 bilood.
2:Maalinka labaad qorraxdu waxay soo jeedaysaa 30 maalmood
3: Maalinka sadexaad qorraxdu waxay soo jeedaysaa 7 maalmood.
Wixii ka dambeeya sadexdaa cisho qorraxdu waxay kusoo noqon caadi "Normal" ,dajjaal iyo dhibkiisu sidaas ay aduunka usaamayn.
Ninkani 40 maalmood aduunkoo dhan wuu marayaa oo wuu tegeyaa marka laga reebo "MAKKA ,MADIINA iyo MAJIDU AQSAA" sadexdaa meelood waxaa ka waardiyanaysa "ilaalinaysa " malaa'ig ,madiina wuxuu ka tegayaa hal meel oo magaceeda layidhaahdo "Juruf" oo carro san ah "Ciid dhanaan ".
Ninkaas waxaa arkay saxaabigii la oranjiray "Tamiimu-Daari " oo ku arkay jasiirada ku taal badda cas xilligii Nebiga "NNKHA" sagoo kujira safar.
"Sheekada tamiimu daari iyo dajaal iyo qoraal kale oo ku saabdan dajaal waa inoo casharka xiga hadii alle idmo"
,
Lasoco qaybta labaad
By abshir jaamac saalax
No comments:
Post a Comment