Waxaa jira dad badan oo soomaaliyeed oo ay taariikhdu xusi doonto kuwaas oo isugu jira kuwo nool iyo kuwo dhintay ,kuwaas oo leh rag iyo dumarba ,kuwaas oo meelo badan kaga soo baxay kartidooda sida xilal dawladeed ,warbaahineed,fannaanimo iyo bulshada rayidka ah dhexdeeda,lixdii sano ee lasoo dhaafay waxaa jiray dad badan oo qiimo kuleh ama kulahaa ummadda soomaaliyeed dhexdeeda ,hal meel kuma soo koobi karo ,waxaan kasoo qaadan sadex ama afar qof oo kamid ah kuwa dalkooda u huray naftooda iyo kartidooda mudana kudayasho wacan .
1:Maxamed Cabdillaahi "Farmaajo"
Wuxuu soo qabtay xilka labaad ee ugu sarreeya soomaaliya ee ah raysal wasaare,wuxuu xilkaa hayey muddo kooban oo hadday u badato ah lix bilood ,wuxuu kabsaday quluubta ummadda soomaaliyeed ,wuxuu muujiyey in soomaalidu gacmeheeda wax ku qabsan karto,wuxuu soo abuuray ididiilo iyo rajo wacan,wuxuu gacanta qabtay agoon aabbayaashood ku nafwaayeen difaaca soomaalinimo,wuxuu gacanta ku qabtay raggi kusoo dhaawacmay dagaalada soomaaliyeed oo naafoobay kuna waayey laaxaadkoodi ,farmaajo taariikhdu way xustay wayna xusi doontaa.
2:Maryan Qaasim Axmed :
Maryan qaasim waxay kamid ahay golihii wasiirada ee Raysalwasaare saacid ,waxay ahayd wasiirada arrimaha bulshada iyo khayraadka ,waxaa wasaaradeeda hoostagi jiray shan wasaaradood maadaama ay koobnaayeen golihii wasiirada ee saacid yagoo ahaa 10 wasiir,maryan waxay ahayd hooyo soomaaliyeed oo aqoon badan leh oo dadaal badan lahayd waxay xilkaa haysay muddo kooban ,waxay abuurtay barmaamiyo macquul ah sida ololihii loogu magac daray "Aada iskuulka " oo himilo galiyey dhallin yaro badan oo dan yar ah si ay u helaan waxbarasho bilaash ah ,barmaamijkaasi wuxuu gaadhay dhammaan gobolada soomaaliya ,tusaale ahaan berigaa waxaan ku sugnaa magaalo madaxda gobolka sool ee laascaanod waxaa soo gaadhay ololahaas waxaan kamid ahaa dad qoray arday larabay in mashruucaas ku bilaamo ,laakiin nasiib darro maryan xilkii waa laga qaaday ,maalinkii xilkaas laga qaaday maryan qaasim way ooday ,waxaana lawaydiiyey sababta ka ohisay,waxay tiri
"Waxaan ka ooyey boqolaal caruur ah oo soomaaliyeed ayan waxan u ballan qaaday inaan kafaalo qaado waxbarashadooda laakin nasiib darro ma awoodi doono maadaama aan xilkii waayey ,ololahana maanta u dambaysa majirto cid kale oo wadi doonta".
3:Mustafe Dhuxulow
Mustafe dhuxulow wuxuu soo noqday wasiirka warfaafinta soomaaliya ,intuu xilkaas hayey waxaa lagu xusuustaa siduu u daryeeli jiray carruurta agoonta ah ee soomaaliyeed ,wuxuu ahaa wasiirka qudha oo dhexgalay oo meel wax kula cunay madaxa u salaaxay sida xilliyada ciida kana farxiyey kumanaan carruur ah.
4:Generaal Yuusuf Aadan "Dhega badan
"AHUN"
Ilaahay haa u naxariisto wuxuu ahaa geesi ka baxay ummada soomaaliyeed waxaa dilay kuwo gacantood go'day,wuxuu ahaa dadkii ugu firfircoonaa hogaamiyayaasha ciidanka soomaaliyeed,wuxuu ahaa raggii dalka ka xoreeyey xarakada ugus ,wuxuu aad usoo shaac baxay xilliigii dawladii sheekh shariif ,wuxuu halgamaa geesi ah ilaahay ha u naxariisto.
Qallinkii Abshir Jama salah
No comments:
Post a Comment