Total Pageviews

Thursday, November 17, 2016

Xusuus Reebka Axmed Xasan Cawke

Waxaa kasoo wareegtay hal sano markuu ifka kategay wariyihii waynaa ee Axmed Xasan Cawke "AHUN" ,waxaan rabaa inaan dhawr hadal oo xusuus leh kasoo qaato waayihiisa nololeed.

Axmed Xasan Cawke "AHUN"

-Maalin ayaa ciyaar waxay dhexmaraysay labo gobol oo gobolada soomaalida kamid ah ,cawke oo daadihinayey ciyaarta ayaa mar qudha yiri "Annagaa wadana" ,hadalkaas wuxuu noqday mid diiwaanka galay 
-Berina soomaaliya oo ka qayb galaysa ciyaaraha Olombikada caalamka ayaa waxaa daawasho u tegay wafdi uu hogaaminayey jaalle maxamed Siyaad barre "AHUN" waxaa wefdigaa kamid ahaa Axmed xasan cawke "AHUN" oo warka usoo tebinayey raadiyihii qaranka ee radio muqdisho ,kadib orodyahankii u ordayey soomaaliya ayaa ugu dambeeyey caalamkii oo dhan ,cawke wuxuu ka xishooday inuu dhaho soomaaliya ayaa ugu dambaysa caalamka markaas wuxuu yiri sagoo asturaya 
"Wataa soomaaliya aduunka eryanaysa"

-Cawke ayaa wuxuu booqday wadanka jabbuuti ,waxaa lawaydiiyey cawke maxaad kusoo aragtay jabbuuti ,wuxuu yiri cawke :
"Jabbuuti waxaan kusoo arkay shan wax oo ka kaca xarafka "K",labo waa siyaasad ayuu yiri laakin hadda sadex baan idiin sheegin wuxuu yiri waxaan ku arkay "Kul ,kaneeco iyo kitaabkoo meel la iska dhigay".

-Cawke ayaa lagu yiri maxamed siyaad barre wax ka sheeg wuxuu yiri "Afkaan maxamed siyaad barre ku ammaanay wax kaga sheegi maayo"

-Dagaalkii 77 ee itoobiya heesihii uu cawke ku daadihin jiray barmaamijkii raadiyow muqdisho waxaa kamid ahaa 
"Ceesaantii madax shabeel ursatay yadaa malageed galay"


-Beriguu ka tegay laanta af soomaaliga ee BBCda ayaa lawaydiiyey sababta uu uga tegay ,wuxuu yiri "nin wan tag lama dhaho ee wuxuu ku tagaa latusaa".

-Wuxuu ahaa wariyihii kusoo kordhiyey warbaahinta casriga ah ee muqaalka ah sida televisionka erayga "Is-arag maqalkeenna dambe"


By Abshir jama Salah

Shakhsiyaadka Taariikhdu Xusidoonto 2010-2016 "Q.1AAD"

Waxaa jira dad badan oo soomaaliyeed oo ay taariikhdu xusi doonto kuwaas oo isugu jira kuwo nool iyo kuwo dhintay ,kuwaas oo leh rag iyo dumarba ,kuwaas oo meelo badan kaga soo baxay kartidooda sida xilal dawladeed ,warbaahineed,fannaanimo iyo bulshada rayidka ah dhexdeeda,lixdii sano ee lasoo dhaafay waxaa jiray dad badan oo qiimo kuleh ama kulahaa ummadda soomaaliyeed dhexdeeda ,hal meel kuma soo koobi karo ,waxaan kasoo qaadan sadex ama afar qof oo kamid ah kuwa dalkooda u huray naftooda iyo kartidooda mudana kudayasho wacan .

1:Maxamed Cabdillaahi "Farmaajo"

Wuxuu soo qabtay xilka labaad ee ugu sarreeya soomaaliya ee ah raysal wasaare,wuxuu xilkaa hayey muddo kooban oo hadday u badato ah lix bilood ,wuxuu kabsaday quluubta ummadda soomaaliyeed ,wuxuu muujiyey in soomaalidu gacmeheeda wax ku qabsan karto,wuxuu soo abuuray ididiilo iyo rajo wacan,wuxuu gacanta qabtay agoon aabbayaashood ku nafwaayeen difaaca soomaalinimo,wuxuu gacanta ku qabtay raggi kusoo dhaawacmay dagaalada soomaaliyeed oo naafoobay kuna waayey laaxaadkoodi ,farmaajo taariikhdu way xustay wayna xusi doontaa.


2:Maryan Qaasim Axmed :

Maryan qaasim waxay kamid ahay golihii wasiirada ee Raysalwasaare saacid ,waxay ahayd wasiirada arrimaha bulshada iyo khayraadka ,waxaa wasaaradeeda hoostagi jiray shan wasaaradood maadaama ay koobnaayeen golihii wasiirada ee saacid yagoo ahaa 10 wasiir,maryan waxay ahayd hooyo soomaaliyeed oo aqoon badan leh oo dadaal badan lahayd waxay xilkaa haysay muddo kooban ,waxay abuurtay barmaamiyo macquul ah sida ololihii loogu magac daray "Aada iskuulka " oo himilo galiyey dhallin yaro badan oo dan yar ah si ay u helaan waxbarasho bilaash ah ,barmaamijkaasi wuxuu gaadhay dhammaan gobolada soomaaliya ,tusaale ahaan berigaa waxaan ku sugnaa magaalo madaxda gobolka sool ee laascaanod waxaa soo gaadhay ololahaas waxaan kamid ahaa dad qoray arday larabay in mashruucaas ku bilaamo ,laakiin nasiib darro maryan xilkii waa laga qaaday ,maalinkii xilkaas laga qaaday maryan qaasim way ooday ,waxaana lawaydiiyey sababta ka ohisay,waxay tiri
"Waxaan ka ooyey boqolaal caruur ah oo soomaaliyeed ayan waxan u ballan qaaday inaan kafaalo qaado waxbarashadooda laakin nasiib darro ma awoodi doono maadaama aan xilkii waayey ,ololahana maanta u dambaysa majirto cid kale oo wadi doonta".


3:Mustafe Dhuxulow

Mustafe dhuxulow wuxuu soo noqday wasiirka warfaafinta soomaaliya ,intuu xilkaas hayey waxaa lagu xusuustaa siduu u daryeeli jiray carruurta agoonta ah ee soomaaliyeed ,wuxuu ahaa wasiirka qudha oo dhexgalay oo meel wax kula cunay madaxa u salaaxay sida xilliyada ciida kana farxiyey kumanaan carruur ah.


4:Generaal Yuusuf Aadan "Dhega badan 
"AHUN"

Ilaahay haa u naxariisto wuxuu ahaa geesi ka baxay ummada soomaaliyeed waxaa dilay kuwo gacantood go'day,wuxuu ahaa dadkii ugu firfircoonaa  hogaamiyayaasha ciidanka soomaaliyeed,wuxuu ahaa raggii dalka ka xoreeyey xarakada ugus ,wuxuu aad usoo shaac baxay xilliigii dawladii sheekh shariif ,wuxuu halgamaa geesi ah ilaahay ha u naxariisto.


Qallinkii Abshir Jama salah

Saturday, November 12, 2016

Waqooyi Wuu Sii Fogaanayaa Inta Riwaayaddu Xamar Kajirto

Soomaaliya way ka baxda kumeel gaadh waxay gashay federaal,balse maaha dawlad tii la rabay inay kadhalato soomaaliya ,afar sano kadib waxbaa isma bedelin walina rajo masoo muuqato "Rajada eebbe lagama quusto".
Hadaba dawlada xamar kajirta waqooyi  may siin xaqoodi ay kulahaayeen federaalka ,halkii ay soo dhawayn lahay dawlada xamar waqooyi way sii fogaysay ,
 dhawr tusaale aan kuu bidhaamiyo

Madasha Wada-Tashi :-
Waxaa jirta madal ay ula baxeen reer koonfureedku madal wada tashi taaso oo ay kumidoobeen Afar "4" maamul goboleed "Puntland ,Galmudug,jubba-land iyo Koonfur galbeed" iyo Dawladda dhexe,laakiin waqooyi lama siin xubintoodi iyo dawrkay kullahaayeen soomaaliya waxaa loo tixgaliyey maamul aan kamid ahayn soomaalida taasina waxay sii fogayn waqooyiga soomaaliya iyo fekradoodi go'itaan .

Laantii Socdaalka ee Hargaysa :
Sannadkan sii dhammaanaya waxaa jirtay dhacdo dhacday taaso oo ah in maamulka waqooyiga soomaaliya uu dalab hoose u dirsaday dawlada dhexe sagoo ka dalbanaya in laan socdaal "Migration" laga furo magaalada hargaysa  si loo yareeyo dhibka ay ku qabaan dadka soomaaliyeed ee degan Boorame, Hargaysa  iyo burco safarka dheer ay u galaan soo qaadashada Baasaboorka "Passport" soomaaliya yagoo u safra magaalada Garoowr, waraaqdaas oo hoos ahaan u dirtay wasaarada arrimaha gudaha oo markaas ka ahaa waran cadde wasiir kuna sheegay in xafiisku ahaado mid dah-soon oo aan lashaacin si aanay u kicin dadka maskaxdooda lagu shubay 25kii sano ee ugu dambeeyey waxaa tihii dawlada gaar ah ,waraaqdaasna waxaa fashilay oo saxaafada soo dhigay ninka lagu magacaabo Gaafow oo markaa haystay laanta socdaalka ee soomaaliya ,hawshaasina waxay ku fashilantay sidaas.


Wadahadalladii Turkiga Ee dawlada dhexe iyo Maamulka Waqooyiga Soomaaliya:-

Waxaa jirtay in uu jira wadahadalo dhawr ah si la isugu soo dhawaado meel dhexena lagu heshiiyo ,dawlada dhexe waxay samaysay khalad wayn oo ah in ergada kasocday dhanka dawlada ay dhalasho ahaan kasoo jeedeen waqooyiga soomaaliya oo ah kuwa lala xaajoonayo ,halkii ay ahaan lahayd in loo wadahadlo Waqooyi iyo Koonfur ,taasina waxay keentay in uu marwalba kudhamaado wadahadlku is-af-garanwaa,qodobkaasna waa lagu fogeeyey waqooyiga soomaaliya .


Deeqaha Caalamiga ah :-
Waxaa jirtay deeqo badan oo loogu deeqay soomaaliya intay jirta dawladan dhexe ee federaalka ah dhammaan waxay ku eekaayeen oo aanay soo dhaafin deeqahaasi xamar iyo koonfur yadoo la illaaway dadka degan waqooyi .





















Qalinkii Abshir Jama Salah

Waa Maxay Awoodda Donald Trump Ee Aqalka Cad ? Qoraal kooban

Waxay dad badani iswaydiinayaan erayadii muranka dhaliyey ee uu Donald Trump ku hadlay ama uu ballan qaaday intii lagu guda jiray ololihiisa doorashu ee wadanka maraykanka ,waxaan isdultaagaynaa qoraal dheer oo ka kooban 10 qodob
-
















1:Ma awoodaa inuu dhiso gidaarka u dhexeeya wadanka maraykanka iyo Mexico?

Donal Trump wuxuu sheegay inuu dhisayo gidaar u dhexeeya wadankiisa iyo wadanka ay deriska yihiin ee mexico si uu u joojiyo dadka tahriibka ah ee kasoo gal xadka wadankaas ,si uu u fuliyo ballan qaadkaas wuxuu u baahanyahay inuu ogolaansho ka helo Congresska wadankaas ,wuxuu u baahanyahay lacag dhan 20 trillion ,mana awoodo in uu hawshaas galo ilaa uu saxeex ka helo ama uu cod ka helo aqalka congresska ,ma awoodo inuu lacagta ka qaado wadanka mexico sida uu hore u sheegay.

2:Ma awoodaa inuu ka mamnuuco dadka muslimka ah inay galaan wadanka maraykanka ?

Markuu ku jiray wuxuu sheegay inuu dalka u diidi doono dadka muslimka ah soo galida wadanka maraykanka sagoo ku tilmaamay argagixiso,hadii la eego sharciga ameerika ee diimaha majiro madaxwayne ka mamnuuci kara muslimiinta inay soo galaan wadankaas,laakiin madaxwaynaha wadanku wuxuu awoodaa inuu ka mamnuuco wadanka inay soo galaan dad wadan gaar ah oo cayiman inay soo galaan wadankiisa ,tusaale ahaan sannadkii 1980 kii madaxwaynihii marayakanka Jimmy Carter wuxuu wadankiisa ka mamnuucay inay soo galaan dadka u dhashay wadanka iiraan qudha kuwo mucaaradka ku ah dawlada wadankaas iiraan,trump wuxuu mamnuuci karaa in wadankiisa soo galaan dadka u dhashay soomaaliya ama siiriya laakiin ma mamnuuci karo muslimka aduunka oo dhan.

3:Ma la xaajoon karaa heshiiska nuclearka ee wadanka Iiraan?

Trumo wuxuu ku tilmaamay heshiiska wadanka iiraan inuu yahay heshiiskii ugu edebta darnaa waqtigoo dhan ama aduunak "the stupidest deal of all time",wuxuu sheegay in uu iiraan ka rabo heshiis fiican,wuxuu awood u leeyahay inuu furo wada xaajood kale sagoo ku cadaadin kara kii hore ee yaalay qaramada midoobay .
-
4:Ma bilaabi karaa Trump dagaal dhaqaale oo u dhaxeeya maraykanka iyo wadanka Shiinaha "China" ?
'
Haa ,majirto cid ka hor istaagi karta xataa congresska uguma baahna taakulayn.
-
5:Dib ma ula xaajoon karaa heshiiska dhaqaale ee waqooyiga ameerika ee looyaqaano NAFTA?
'
Haa wuu samayn karaa sagoo wada xaajood lasamaynaya wadama Canada iyo Mexico.
-
6:Ma awoodaa in uu shirkadaha ameerikaanka ah ee caalamka ku daadsan inuu dib ugu soo celiyoa wadanak gudihiisa?
'
Maya ,ma awoodo inuu sameeyo taas.
-
7:Ma awoodaa in uu jooji caadi ahaanta kuuba "Cuba" heshiiskay hore ugaleen?
'
Haa ,wuxuu samayn karaa wuxuu rabo
-
8:Muxuu ku samayn karaa wadanka suuriya?
'
Wax walba uu rabo ayuu ka yeeli karaa wadankaas
-
9:Waa maxay awoodda uu ku leeyahay Qaramada midoobay ?
'

Wuxuu ku leeyahay awood madax bannaan oo siduu doono u maamuli karo
-
10:Ma awoodaa inuu dib u celio dadka bilaa sharciga ee ku nool ameerika ?
-
Haa , wuu awoodaa inuu dib u celiyo, ma jirto cid ka hor istaagi karta.
|

By: Patty CulhaneWhite House Corresponden
Translate: Abshir jama salah 
somali Autho

Qoraalada xiisaha leh

Magacyada Lab iyo dhedig lix kamid ah ugaadha