Total Pageviews

Thursday, July 7, 2016

Dajjaal Cawar "mid kamida calaamadaha Qiyaamaha ee Waawayn "Calaamaatul-Kubraa " Q.3AAD "Sheekooyin xiiso leh"

Waxaa jiray wiil yar oo madiina kunoolaa xilligii Nebiga "NNKHA" oo uu Nebigu uga shakiyey dajaal oo calaamadihii lahaa sida Isha.
Maalin Maalmaha kamida ayaa sagoo wiilkii yaraa jiifa beer ay kulahaayeen Madiina ayuu Nebigu "NNKHA" usoo dhuuntay ,kadib hooyadii ayaa aragtay oo ku qaylisay "Kicisay " ,kadib Nabigu wuxuu yiri "Alla may dayso maantaan kala ogaan lahaa ".
Wiilkii yaraa wuu waynaaday wuxuu noqday muslim ,wuxuu dhalay caruur,Magaciisa waxaa la oranjiray "Saaf binu siyaad",reer madiina waxay uyaqaaneen dajjaal cawar.


Maalin ayuu xajka aaday sagoo raacay dad badan ,dadku markay meel degaanba kaligiisa ayaa dega yagoo dadku ka fogaanjiray meesha uu dego ,kadib wuxuu usoo dacwooday saxaabigii waynaa ee "Abu saciid Al-khudri" RC" sagoo leh "Anigu qof muslin ah baan ahay dajjaal ma ahi ,dajaal Nebigu wuxuu ku sheegay inaanu madiina galay 'Ani madiina waa deganahay ' ,Makka inaanu aadayn 'waa anigaa xajka usocda ',dajjaal waxbo madhalo 'ani caruur baan dhalay ', kadib siciid wuu u garaabay sagoo leh "Ninkan waa laga gardaranyahay ", sidi ay uwada sheekaysanayeen yarkii iyo siciid ayuu yiri wiilkii "Siciidow anigu dajjaal waa aqaanaa ,hooyadii iyo aabihii waa aqaanaa " kadib siciid ayaa yaabay oo yiri sow ninkan wixii lagu sheegayey waa run kadib wiilkii ayaa hadalkiiisi sii watay oo yiri "Siciidow hadii aniga maanta la iyiraahdo 'dajaal noqo madiideen' kadib siciid ayaa meeshii uga kacay sagoo leh "Wixii lagugu sheegayeyba waa run".
Wiilkii sheekadiisi iyo meel uu ku dhintay ilaa hada lamahayo ,berigii asxaabtu qabsatay beershiya ayaa nin kamida asxaabta wuxuu yiri "Maalin baan arkay yadoo yuhuudii deganayd magaalada asbahaan oo dabaal degaysa oo leg 'Boqorkayagii baa yimi ' kadib wuu sabaxay asxaabigii mise waa ninkii "Saaf " oo faras saaran ".
Halkaas baa ugu war dambaysay wiilkaas.
-
Halkaas baan kusoo afmeerayaa sheekadii "Dajaal"
-
Xig: Shekh shibli
Qalinkii : Qoraa Abshir jama saalax
Facebook: ‪#‎Author_Abshir_jama‬

Dajjaal Cawar "mid kamida calaamadaha Qiyaamaha ee Waawayn "Calaamaatul-Kubraa " Q.2AAD "Sheekooyin xiiso leh

Dajjaal waxaa dili doona Nebi Ciise "CS" wuxuuna ku dili doonaa wadanka falastiin meel u dhaw masjidul -aqsaa oo layidhaahdo "Baabu-luddi" ,Nebi ciise wuxuu goor subaxa kusoo degi doonaa magaalada Dimishiq ee caasimada suuriya ,wuxuu subax latukan doonaa mahdiga iyo dad yar oo muslimiin ah oo ku dhuumanaya goobtaas .
Nebi ciise wuxuu kamid yahay calaamadaha waawayn ee qiyaamaha ,Nebigu "NNkHA" wuxuu yiri "calaamadaha qiyaamaha ee waawayn hadii mid kamida yimaado waa isku daba xigaan sida tusbax lafuray" waxayna ukala soo horreeyaan sidan
-Mahdiga-Yuug iyo yamaayuug-Dajaal -Nebi ciisw "CS".
Argtida dajjaal waxaa aragti ugu dambaysay xiliigii Nebi "NNKHA" saxaabi la oranjiray tamiimu daari ayaa soo arkay.
Qisada saxaabigan waa sidan :-
-"Wuxuu yiri maalin ayaanu doon qaadanay si aan ugu soo dalxiisno badda cas ,kadib doontii yarayad ayaa dabayli qaaday waxay kutuurtay bad-waynta ,kadib waxaanu qabsanay qori kadib sidii uu noo waday ayuu nageeyey meel jasiirad ah ,kadib waxaanu aragnay xawaan wayn oo meel ku xidhan kadib waa lahadalnay ,kadib wuxuu yiri hadal uma baahni ee halkaas buu joogaa nin raba warkiina ee u taga ,kadib waxaanu utagnay nin meel ku jeebaysan "Silsiladaysan" kadib waanu lahadalnay wuuna na gartay inaanu carab nahay ,kadib wuxuu nawaydiiyey dhawr su'aalood:-


-Wuxuu nawaydiiyey in uu nabi Muxamed "NNKHA" inuu baxa?
-Maxay carab samaysay ayuu nayiri !?
Waxaanu ku niri qaybi waa rumaysay qaybna waa diiday .
-Wuxuu yiri kuwii diiday maxay sameeyeen ?
Waxaanu niri waa ladagaalameen ,wuxuu yiri tolow miyey iska raacaan .
Wuxuu kaloo nawaydiiyey
-Meeshii la oran jiray "Baxayru dabariya " ee urdun kutiil in biyihii ka go'een "Dhammaadeen" ?
Waxaanu niri wali waa kusii jiraan ,wuxuu yiri yagaa iska go'in.
Waxaanu ku niri "war adigu is sheeg ? intuu kor u booday ayuu yiri "xiligii aan soo baxayey waa soo dhawyahay".
Kadib saxaabigii oo ordaya ayaa u yimi Nebiga una sheegay sheekadii ,kadib wuxuu yiri "Ninkaasi waa dajjaal".
,
Halkaas baan ku hakin qaybtii labaad ,lasoco qayb kaloo xiiso badan iyo sheeko kake oo ku saabsan dajjaal
-
Xigasho :Sheekh shibli
Qore :Abshir Jaamac Saalax

Dajjaal Cawar "mid kamida calaamadaha Qiyaamaha ee Waawayn "Calaamaatul-Kubraa " Q.1AAD

Soo bixitaanka dajaal waa mid kamida shanta calaamo ee ugu waawayn qiyaamaha .
Dajaal marka hore waa nin caadi ah oo dadka ku dhexnool mar qudha ayuu isbedelin uuna soo bixin ,wuxuuna kasoo bixin wadanka "IIRAAN" gaar ahaan magaaalada layidhaahdo "ASBAHAAN" oo ay yuhuudu u badantahay waxaana raaci doona todobaatan kun "70,000" oo kamida yuhuuda asbahaan ,wuxuu cawaranyahay isha bidix,waa nin shar badan wuxuu wataa naar iyo janno uu dadka kala dooransiinayo ,qof ayuu dilin kadibna wuu soo noolayn ,qof ayuu u iman oo ku dhihin hooyadaa iyo aabahaa makuusoo nooleeyaan ?markaasu dhihin haa! kadib shayaan diin u eeg waalidkii ayuu u keenin qofkii wuxuu arkayaa hooyadii iyo aabihii oo leh "hooyo ,aabe".
Ninkaasi aduunka wuxuu joogayaa 40 Cisho "Maalmood" afartankaasi maaha kuwo caadi ah tusaale ahaan :-


1:Maalinka koowaad uu soo baxo qorraxdu waxay soo jeedaysaa oo aanay dhacayn 12 bilood.
2:Maalinka labaad qorraxdu waxay soo jeedaysaa 30 maalmood
3: Maalinka sadexaad qorraxdu waxay soo jeedaysaa 7 maalmood.
Wixii ka dambeeya sadexdaa cisho qorraxdu waxay kusoo noqon caadi "Normal" ,dajjaal iyo dhibkiisu sidaas ay aduunka usaamayn.


Ninkani 40 maalmood aduunkoo dhan wuu marayaa oo wuu tegeyaa marka laga reebo "MAKKA ,MADIINA iyo MAJIDU AQSAA" sadexdaa meelood waxaa ka waardiyanaysa "ilaalinaysa " malaa'ig ,madiina wuxuu ka tegayaa hal meel oo magaceeda layidhaahdo "Juruf" oo carro san ah "Ciid dhanaan ".
Ninkaas waxaa arkay saxaabigii la oranjiray "Tamiimu-Daari " oo ku arkay jasiirada ku taal badda cas xilligii Nebiga "NNKHA" sagoo kujira safar.
"Sheekada tamiimu daari iyo dajaal iyo qoraal kale oo ku saabdan dajaal waa inoo casharka xiga hadii alle idmo"
,
Lasoco qaybta labaad
By abshir jaamac saalax

Yuug iyo yamaayuug "Ya'juuj iyo ma'juuj" mid kamida calaamadaha Qiyaamaha ee Waawayn "Calaamaatul-Kubraa "

Yuug iyo yaamaayuug "Ya'juuj iyo ma'juuj" waa bini'aad kabadan kan kunool aduunka,Nebigu "NNKHA" wuxuu yiri ninku madhinto ilaa uu dhalo boqon nin "100" waxaad halkaa ka aragtii faraca labaad ee reerkaas "Second generation " inuu noqonayo toban kun "10,000" ,farac sadexaad sana uu noqonayo "Third generation" hal milyan "1,000,000" waxaad halkaas ka garan badnaantooda,markale mar uu nabigu tilmaamayey yaga iyo inaga wuxuu yiri waxaa tihi sidii "Tin cad oo ku yaala dibi madow ".
waxaa aragti ugu danbaysay xilligii Dulqarnayn markaas oo qoob uga soo dacwoodeen markaas uu kusameeyey gidaar aanay soo dhaafayn sida ay sharraxayso Suuratu "Al-Kahf".
Maalinkasta way soo jarmaadaan inay jabiyaan gidaarka kadib way qodaan ilaa ay qorradu kadhacayso yagoo waxyari uga hadhsantahay ,kadib way kadareeraan "tagaan" yagoo leh berri ayeynu intaa kudarin ,laakiin waxay illawaan inay dhahaan "Inshaa Allah " hadii alle idmo ,maalinka ugu danbaysa ayaa lasolansiinayaa "Garansiinayaan " inay dhahaan inshaa allaah waana maalinta ay soo bixidoonaan ,aduunkoo dhan way qabsan oo cagta bay wada marin waxaa ka badbaadi doona inyar oo muslimiin ah oo ku bad-baadi doonta dhulka hada loo yaqaan "Shaam" , aduunka markay soo dhammaayaan ayey waxay oran "War aduunkii dhammaynee aan cirka wax kujira raadino " kadib fallaadho ayey cirka utuuri doonaan kadib fallaadhii ayaa kusoo noqon yadoo dhiig leh markaas bay dhihin "kuwii cirka joogayna waa dilnay ".
Waxyaalaha beenta ah ee oranayaa Yuug iyo yaamaayuug "Ya'juuj iyo ma'juuj" waa shiinaha iyo mangooliyiintii waa been iyo kutiri kuteen ilaa iyo hadaa lama oga lamana arag meeshay dadkani ku xidhanyihiin ,halkaa waxaad ka garatay in gaaladu been sheegayso markay dheheen aduunkoo dhan waa soo marnay ama waa tagnay .
-
Ilaahay ha inaka badbaadiyo
-
Lawadaag "Share"


Qore : ABSHIR JAMA SALAH 

Qoraalada xiisaha leh

Magacyada Lab iyo dhedig lix kamid ah ugaadha