Markale kulanti wacan .
Waa qaybtii labaad ee barmaamijkeni "Baraha Bulshada iyo Barbaarta ".
waxaynu joognay yadoo gabadhii ay ku hungowday riyadeedi, sawirka ay haysatay iyo cida ay lakulantay kaaf iy kaladheeri.
Gabadhii waxay ku adkaystay in ninka qaba uu yahay sawirka ay haysto ,waxay talo ku qaadatay inay raadiso sawirka inankii iska lahaa ,waxay gashay sahan dheer iyo baadi goob ,hal sano iyo badh kadib waxay heshay barbaarkii ay ku riyoonaysay oo degan wadan kale ,waxay qalbiga ka tiri calafkaagi maantu rumoobay ,laakin nasiib darro.
Safar dheer kadib waxay soo cagadhigatay magaaladu kadegenaa wadanku ku noolaa, casarkii danbe ayey nasiib u yeelatay inay lakulanto inan ay sawirkiisa sidato ,mataqaan magaciisa iyo haybtiisa laakiin waxaa magac u ah "Sawirka", isla kulanti dheer iyo waqti lawada qaatay ,wuxuu ahaa nin danyara "wax badan haysan" oo leh labo xaasa iyo shan "5" carruura, ma aha nin xaas sadexaad ku dari kara ,xaalkii ma wacna ,mar kale way hubgowday.
Ninkii labaatan jirka ku khalday "20" laakin lixdan "60" jirka ahaa sana wali ma quusan wali damaciisi waa jooga ,wuxuu ku doodayey inuu qabo gabadhii ,yana waxay ku adkaysatay inuu sawirka inankii laha qabo.
Hawshii halkaa markay maraysay hawshii waxay gaadhay culumo ,waxaana soo baxay su'aalo,
maxay shareecadu ka qabtaa meherka noocaasa!?
Meherku ma dhacay !?
Meesha waxaa yimi markhaati 'waxaa dhacay qowl "hadal" waxaa lagu heshiiyey meherkii .
'
Isu soo noqod danbe
-
Qore :abshir jaamac saalax
Abshirjaamac4@gmail.com
No comments:
Post a Comment