Total Pageviews

Friday, February 19, 2016

Baraha Bulshada iyo Barbaarta Q.1aad

Waxay ahayd gabadh soomaaliyeed waxay ku noolayd wadan kamida wadamada Yurub, waxay barta bulshada ee "Facebook" iska barteen nin soomaali ah ,waxaa usaarnaa muuqaalka facebookga "Profile" sawir wiil dhallin yaro ah oo qurux badan oo da'daa 20 jirka ah, Laakiin nin bartan isticmaalaya maahan qofka meesha kamuuqda laakin waa lixdan "60" jir ,mana yaqaan sawirkan cida iska leh nolol iyo geeri meel uu ku noolyahay laakin habluhu ku shukaansadaa.
Waxay wada sheekaystaan la isla soo dhaadhac ,waxa la isku afgartay in la isguursado wax walba waa lagu heshiiyey "ogowna gabadhu waxay haystaa sawirka facebookga oo uu sawir ahaan ugu soo diray "
Wax kasta sidii larabay bau ku dhammaadeen.
Wadaad buu u yeedhay ninkii iyo labo markhaati ,gabadhii telefoonkaa laga meheriyey ,meherkiina waa lagu heshiiyey, hawli halkaa ha ku dhammaato .
Beryo ha laga soo wareego ,gabadhii safar hasoo galo ha usoo kicinto halkuu joogay jacaylkeedi ,safar dheer kadib hasoo caga dhigato wadankuu ku noola ee waqooyiga amerika "North america" .
Cishadii xigtay ballan ha la qabsado ,inantii gaadhi soo raacday adrreska uu ka degenaa magaalada ayey sidataa , xilli casara ha timaado goobtii ballanta , telefoonkuu ku hagayee hal mar ma isa soo hortaagtay ,salaan kabacdi :
Meeyey hebal !? Waa ani!!
Adeer odaygan maan doonayn!!
Yaa doonaysay !?
Inankii sawirkan lahaa ayaa i qaba !?
Ninka sawirkan leh kuma qabee , anaa ku qaba ninka ku.mehersaday waa ani.
Hawshii wa adkaatay ,gabadhii waxay taagantahay sawirkan ninkii lahaa baa i qaba ............
Lasoco qaybta labaad
Qore Abshir jaamac saalax

abshirjaamac4@gmail.com




No comments:

Post a Comment

Qoraalada xiisaha leh

Magacyada Lab iyo dhedig lix kamid ah ugaadha