Dhulku waa meeraha sadexaad ee meerayaasha,waa meeraha
qudha ee nafluhu ku noolyihiin ,waa meeraha qudha ee aan magaciisa lagasoo
qaadan luuqada giriiga "Greece". Luuqad kasta waxay u taqaan eray
khaasa tusaale ahaan:
Soomaali
"Dhul" ,Carabi "Ardu", Ingiriisi "Earth"
,Noorwayj "Terra", Giriig "Era", Jayniis
"(Dìqiú)" ,Jabaaniis "(Chikyū)".
Muuqaalka dhulku waa
wareegsanyahay laakin maaha qaabka Kubbada oo kale laakiin wuxuu u muuqaal eeg yahay
Ukunta "Egg",ama " spherical". Bedka oogada dhulka waxaa
lagu qiyaasaa inuu yahay "509 600 000 square km (197 000 000 square
miles)",Dhulka waxaa berri ah 29%, oo dhiganta "148 326 000 km2(57
268 900 square miles), waxaa biyo ah 71% oo udhiganta "361 740 000 km2(139
668 500 square miles), 97% waa biyo dhanaan "Salt water" ,3% waa biyo
macaan "Fresh water".
Walxaha curiyaasha
ah ee dhulka oogadiisa ugu badan ee laga helo waa "Oxygen,Silicon,
Aluminum, Iron, Calcium, Sodium, Potassium, Magnesium, Nickel and Carbon".
Meesha caalamka ugu dheer waa buuraha "Mount
Everest" kuwaas oo dhaca loolka iyo dhigaha (Latitude 27° 59' N -
Longitude 86° 56' E ), waxay badda joog ahaan kasarreeyaan buurahaasi
"8850 meters (29,035 feet)".
Shayga ugu qaalisan ee aduunka dushiisa waa Biyaha
"Water".
Luuqadaha aduunka lagaga hadlo waa farabadanyihiin laakiin
waxaa lagu qiyaasaa 6,900 "Lix kun iyo sagaal boqol oo luuqadod".
Dadka kunool aduunka waxaa lagu qiyaasaa todoba "7" bilyan "7
billion " oo qof Qaaradaha aduuna :- Qaaradaha aduunka waa 5-7 qaaradood,
mar waxaa lagu sheegaa shan "5" marna lix "6" iyo mar
todobo "7" lagu sheego
Tusaale:-
1: Todobada
"7" marka lagu sheego waa "Africa,Asia,Australia ,North
America,South America, Antarctica, iyo Europe.
2: Marka lagu sheego
lix "6" waa marka ameerikada laga dhiga hal qaarad
"Africa,Asia,Australia, America , Antarctica, iyo Europe".
3:Marka lagu sheego
shan "5" waa mark qaarada lama degaanka ah laga reebo ameerikana hal
qaarad laga dhigo "Africa,Asia,Australia, America, iyo Europe, ".
4:Waxaa laga yaabaa
in mararka qaarkood dad ka dhigaya sideed "8" yagoo ku daraya
badwaynada wadamada ku dhexyaala ayaa loosoo qataa qaraad wana sidan
"Africa,Asia,Australia ,North America,South America, Antarctica,Europe,
iyo Oceania". Mararka qaar waxaa laga yaabaa inaad aragti aasiya iyo yurub
oo hal qaarad laga dhigo laguna magacaabo "Eurasia"
"yurasiya". ,
Xigasho : Nations
Lasoco qaybo kale oo xiiso leh
By Abshir Jaamac Saalax
abshirjaamac4@gmail.com
No comments:
Post a Comment