Markale kulanti wacan .
Waa qaybtii labaad ee barmaamijkeni "Baraha Bulshada iyo Barbaarta ".
waxaynu joognay yadoo gabadhii ay ku hungowday riyadeedi, sawirka ay haysatay iyo cida ay lakulantay kaaf iy kaladheeri.
Gabadhii waxay ku adkaystay in ninka qaba uu yahay sawirka ay haysto ,waxay talo ku qaadatay inay raadiso sawirka inankii iska lahaa ,waxay gashay sahan dheer iyo baadi goob ,hal sano iyo badh kadib waxay heshay barbaarkii ay ku riyoonaysay oo degan wadan kale ,waxay qalbiga ka tiri calafkaagi maantu rumoobay ,laakin nasiib darro.
Safar dheer kadib waxay soo cagadhigatay magaaladu kadegenaa wadanku ku noolaa, casarkii danbe ayey nasiib u yeelatay inay lakulanto inan ay sawirkiisa sidato ,mataqaan magaciisa iyo haybtiisa laakiin waxaa magac u ah "Sawirka", isla kulanti dheer iyo waqti lawada qaatay ,wuxuu ahaa nin danyara "wax badan haysan" oo leh labo xaasa iyo shan "5" carruura, ma aha nin xaas sadexaad ku dari kara ,xaalkii ma wacna ,mar kale way hubgowday.
Ninkii labaatan jirka ku khalday "20" laakin lixdan "60" jirka ahaa sana wali ma quusan wali damaciisi waa jooga ,wuxuu ku doodayey inuu qabo gabadhii ,yana waxay ku adkaysatay inuu sawirka inankii laha qabo.
Hawshii halkaa markay maraysay hawshii waxay gaadhay culumo ,waxaana soo baxay su'aalo,
maxay shareecadu ka qabtaa meherka noocaasa!?
Meherku ma dhacay !?
Meesha waxaa yimi markhaati 'waxaa dhacay qowl "hadal" waxaa lagu heshiiyey meherkii .
'
Isu soo noqod danbe
-
Qore :abshir jaamac saalax
Abshirjaamac4@gmail.com
Total Pageviews
Saturday, February 20, 2016
Friday, February 19, 2016
Baraha Bulshada iyo Barbaarta Q.1aad
Waxay ahayd gabadh soomaaliyeed waxay ku noolayd wadan kamida wadamada Yurub, waxay barta bulshada ee "Facebook" iska barteen nin soomaali ah ,waxaa usaarnaa muuqaalka facebookga "Profile" sawir wiil dhallin yaro ah oo qurux badan oo da'daa 20 jirka ah, Laakiin nin bartan isticmaalaya maahan qofka meesha kamuuqda laakin waa lixdan "60" jir ,mana yaqaan sawirkan cida iska leh nolol iyo geeri meel uu ku noolyahay laakin habluhu ku shukaansadaa.
Waxay wada sheekaystaan la isla soo dhaadhac ,waxa la isku afgartay in la isguursado wax walba waa lagu heshiiyey "ogowna gabadhu waxay haystaa sawirka facebookga oo uu sawir ahaan ugu soo diray "
Wax kasta sidii larabay bau ku dhammaadeen.
Wadaad buu u yeedhay ninkii iyo labo markhaati ,gabadhii telefoonkaa laga meheriyey ,meherkiina waa lagu heshiiyey, hawli halkaa ha ku dhammaato .
Beryo ha laga soo wareego ,gabadhii safar hasoo galo ha usoo kicinto halkuu joogay jacaylkeedi ,safar dheer kadib hasoo caga dhigato wadankuu ku noola ee waqooyiga amerika "North america" .
Cishadii xigtay ballan ha la qabsado ,inantii gaadhi soo raacday adrreska uu ka degenaa magaalada ayey sidataa , xilli casara ha timaado goobtii ballanta , telefoonkuu ku hagayee hal mar ma isa soo hortaagtay ,salaan kabacdi :
Meeyey hebal !? Waa ani!!
Adeer odaygan maan doonayn!!
Yaa doonaysay !?
Inankii sawirkan lahaa ayaa i qaba !?
Ninka sawirkan leh kuma qabee , anaa ku qaba ninka ku.mehersaday waa ani.
Hawshii wa adkaatay ,gabadhii waxay taagantahay sawirkan ninkii lahaa baa i qaba ............
Lasoco qaybta labaad
Qore Abshir jaamac saalax
abshirjaamac4@gmail.com

Saturday, February 13, 2016
Buuhoodle :Magaaladii Riyooyinka "City of dreams"
Buuhoodle waa magaalo qadiimi ah ,waxay kamid ahayd mid kamida degmooyinka gobolka "Togdheer" , waxay dhaxmcdaa xadka wadamada "Somalia iyo Ethopia " .
Laga soo bilaabo bur-burkii dawladii dhexe ee soomaaliya ,buuhoodle waxay ahayd magaalo aanay maamulin maamul toosa ah ,taasna waxaa ugu wacnaa isku duubnaanta shacabkeeda, maamulada dhinacyada ka xiga "Somaliland iyo Puntland " way u diwaangashnayd yadoo ah magaalo madax gobol "Cayn", Buuhoodle waxay helaysay saamigeeda "ratio" dhinac galbeed waxaa ah xadka ismaamul gobleedka ee ethiopia kaas oo reer buuhoodle ku tiirsanyhiin ,2012 waxaa soo kordhay maamulka goboleedka soomaaliyeed ee "#Khaatumo_State_Of_Somalia" kaas oo mid ay ku midoobeen shacabwaynaha Ssc ,sanu helay qayb kamida doorkiisa ee saamaynta magaalad buuhoodle haba u badnaade.
Buuhoodle waxaa noqotay magaalo ay ku riyoodaan maamulo farabadan

Wednesday, February 3, 2016
Telefoonkii Deg-Dega ahaa
Wuxuu Kujiray Shirkii Madasha Wadatashiga Ee
Sannadka 2016 ,Waxaa Socotay Dood Dheer Oo U Dhexeeysay Dawlada Dhexe Iyo
Maamul Goboleedyada Saacadu Waa Abbaaro 11:00 Am Ee Geeska Afrika , Waxaa Kusoo
Dhacay Telefoon ,Waxaa Qabtay Xog-Hayntiisa Kadib Saga Ayaa Loo Dhiibay Wuxuu
Ahaa Taliye Xigeenka Sade-xaad Ee Madaxwaynaha Kenya ,Kadib Telefoonkii Ayuu
Debada Ula Baxay Waxaa Lahadkay Yarkii Joogay Xafiiska,Wuxuu U Sheegay In Uu
Sadex-Saacadood Gudohood Kusoo Gali Nayroobi ,Wuxuu
Ku Yiri Waxaan Kujiraa Shir,Kaas Oo Lagaga Hadlayo Hiigsiga 2016 Ee Soomaaliya
,Walina Muu Dhammaan ,Ninkii Wuxuu U Sheegay ,Inay Khasab Ku Tahay,Kadib Wuxuu
Waydiiyey Sababta Loogu Yeedhayo ,Waxaa Loo Sheegay In Aas-Qaran Uu Jiro ,Wuxuu
Codsaday In Waqtiga Loo Kordhiyo ,Waa Laga Diiday ,Kadib Waraaq Ayuu Qoray
Wuxuuna U Dhiibay Ku Xigernkiisi ,Wuxuuna Sheegay In Lagu Heshiiyey In 4.5 Lagu
Soo Xulo Doorashada Sannadka 2016,Waxaana Waraaqdii Lagaadhsiiyey In
Cabdirashiid Cali Sharmaake Si Uu Ugu Akhriyo Kasoo Qayb-Galayashii Shirka
Go'aanka Lagaadhay.
Kadib Wuxuu U Anba-Baxay Magaalada Nayrobi,Markuu Kasoo Degay Garoonka Waxaa Loosoo Diray Sadex-Gaadhi Ay Lasocdo Ku Xigeenka Madaxwaynaha Wadankaas.
Waxaa Bilaamatay Baroordiiqdii Iyo Aaskii Askartii Ku Dhimatay Gudaha Somalia ,Waxaa Laga Codsaday Inuu Usujuudo ,Wuu Ka Cudur-Daartay ,Wuxuuna Sheegay In Dad Badani Ku Nacayaan, Waa Laga Diiday, Kadib Wuxuu Codsaday In Aan Lagu Sawirin Lagana Qariyo Kaamarooyinka,Waxaa Loo Sheegay Muhiimadu Inay Tahay In Lasoo Bandhigo Jacaylka Aad U Qabti Wadankan ,Kadib Amarkii Lasiiyey Buu Qaatay ,Dadkii U Dhawaa Ee Asxaabtiisa Ahayd Ayaa Waydiisay ,Maxaad Saa U Samaysay Wuxuu U Sheegay Inaanay Niyad Ka Ahayn Laakiin Ay Tahay Siyaasad ,
“Oo Diintu
Ma Ogola In Cidaan Ilaahay Ahayn Loo Sujuudo ?!”
“ Tani Wa
Siyaasad ,”
Kawaran
Shacabkii Soomaaliyeed Haday Tan Arkaan !?
“Sheekh Shariifba Wuxuu Salaamay
"Jandaaya Faraysa Dadku Waxba Ma Oran,Midakale Miyaadan Arkayn
Madaxwaynaha Nayjeeriya!!,”
Halkaa
markay sheekadu maraysay ayaa telefoon kale kusoo dhacay …………………………….
Subscribe to:
Posts (Atom)