Total Pageviews

Wednesday, February 3, 2016

Telefoonkii Deg-Dega ahaa

Wuxuu Kujiray Shirkii Madasha Wadatashiga Ee Sannadka 2016 ,Waxaa Socotay Dood Dheer Oo U Dhexeeysay Dawlada Dhexe Iyo Maamul Goboleedyada Saacadu Waa Abbaaro 11:00 Am Ee Geeska Afrika , Waxaa Kusoo Dhacay Telefoon ,Waxaa Qabtay Xog-Hayntiisa Kadib Saga Ayaa Loo Dhiibay Wuxuu Ahaa Taliye Xigeenka Sade-xaad Ee Madaxwaynaha Kenya ,Kadib Telefoonkii Ayuu Debada Ula Baxay Waxaa Lahadkay Yarkii Joogay Xafiiska,Wuxuu U Sheegay In Uu Sadex-Saacadood Gudohood Kusoo Gali Nayroobi ,Wuxuu Ku Yiri Waxaan Kujiraa Shir,Kaas Oo Lagaga Hadlayo Hiigsiga 2016 Ee Soomaaliya ,Walina Muu Dhammaan ,Ninkii Wuxuu U Sheegay ,Inay Khasab Ku Tahay,Kadib Wuxuu Waydiiyey Sababta Loogu Yeedhayo ,Waxaa Loo Sheegay In Aas-Qaran Uu Jiro ,Wuxuu Codsaday In Waqtiga Loo Kordhiyo ,Waa Laga Diiday ,Kadib Waraaq Ayuu Qoray Wuxuuna U Dhiibay Ku Xigernkiisi ,Wuxuuna Sheegay In Lagu Heshiiyey In 4.5 Lagu Soo Xulo Doorashada Sannadka 2016,Waxaana Waraaqdii Lagaadhsiiyey In Cabdirashiid Cali Sharmaake Si Uu Ugu Akhriyo Kasoo Qayb-Galayashii Shirka Go'aanka Lagaadhay.

Kadib Wuxuu U Anba-Baxay Magaalada Nayrobi,Markuu Kasoo Degay Garoonka Waxaa Loosoo Diray Sadex-Gaadhi Ay Lasocdo Ku Xigeenka Madaxwaynaha Wadankaas.
Waxaa Bilaamatay Baroordiiqdii Iyo Aaskii Askartii Ku Dhimatay Gudaha Somalia ,Waxaa Laga Codsaday Inuu Usujuudo ,Wuu Ka Cudur-Daartay ,Wuxuuna Sheegay In Dad Badani Ku Nacayaan, Waa Laga Diiday, Kadib Wuxuu Codsaday In Aan Lagu Sawirin Lagana Qariyo Kaamarooyinka,Waxaa Loo Sheegay Muhiimadu Inay Tahay In Lasoo Bandhigo Jacaylka Aad U Qabti Wadankan ,Kadib Amarkii Lasiiyey Buu Qaatay ,Dadkii U Dhawaa Ee Asxaabtiisa Ahayd Ayaa Waydiisay ,Maxaad Saa U Samaysay Wuxuu U Sheegay Inaanay Niyad Ka Ahayn Laakiin Ay Tahay Siyaasad ,
“Oo Diintu Ma Ogola In Cidaan Ilaahay Ahayn Loo Sujuudo ?!”
“ Tani Wa Siyaasad ,”
Kawaran Shacabkii Soomaaliyeed Haday Tan Arkaan !?
 “Sheekh Shariifba Wuxuu Salaamay "Jandaaya Faraysa Dadku Waxba Ma Oran,Midakale Miyaadan Arkayn Madaxwaynaha Nayjeeriya!!,”

Halkaa markay sheekadu maraysay ayaa telefoon kale kusoo dhacay …………………………….

No comments:

Post a Comment

Qoraalada xiisaha leh

Magacyada Lab iyo dhedig lix kamid ah ugaadha