Total Pageviews

Friday, January 29, 2016

Rooxaani iyo Reer yurub.


Madaxwaynaha wadanka Iran Xasan rooxaani ayaa beryahan booqasho ku joogay wadamo kamida qaarada yurub booqashadan oo ahayd tiisi ugu horraysay intuu noqday madaxwaynaha dalkaas.
Booqashadiisi talyaaniga iyo faransiiska ayaa waxaa ka dhacay dhawr ismaandhaaf.
Tusaale 
Talyaaniga :

Rooxaani wuxuu tagay wadanka talyaaniga halkaaso oo loogu sameeyey soo dhawayn heer sare ah,inta kadib wuxuu booqday Madxafka wayn ee kuyaala Roma,lakin hal shardi ayuu ku xidhay
"inuusan dooneyn intuu booqanayo goobtaasi inuu arko Wax Asnaab Qaawan ah, taasi oo keentay in maamulka Madxafka uu Sanaadiikh waaweyn ku qariyo Asnaabta Qadiimka ah oo ay ka muuqdaan Haween Qaawan, wuxuu sidoo kale hogaamiyaha IRAN diiday in lagu sawiro Sanabyada kaleee hogaamiyayaashii hore ee Yurub ee goobtaasi yaal". Hadaba arintan ayaa dhalisay cadho dadwaynaha talyaaniga oo sheegay in la qaatay arintii rooxaani .


Booqashadii Faransiiska


Inta kadib wuxuu booqday wadanka faransiiska halkaas oo kula kulmay hogaamiyah faransiika Hollande.
Waftiga iiraan waxay dalbadeen in cuntada ay cunayaan laga dhigo xalaal.walba oo uu Khamri ku jiro. Arrintan ayuu diiday Madaxweynaha France Francois Hollande oo sheegay in Khamriga (Wine) ee ku jiray Listiga Cabitaanka aan laga saari kari maadaama ay tahay dhaqankooda, isla markaana khamrigaasi oo uu Faransiiska caan ku yahay la saaro munaasabadaha ka dhaca xarunta Madaxtooyada Paris.


No comments:

Post a Comment

Qoraalada xiisaha leh

Magacyada Lab iyo dhedig lix kamid ah ugaadha