Total Pageviews

Tuesday, July 23, 2019

Minnesota State :Sharci cusub oo ku saabsan wadida gawaadhida iyo isticmaalka telefoonada gacanta “cellphone”


Sharcigan wuxuu leeyahay hadii adoo gaadhi wada aad dirti “call” ama aad samayso wax ka badan hal taabasho iyo wixii ka badan oo ku arko police wuu ku joojinayaa waxaana ku mutaysan ganaax ,hadii aad rabti inaad ku isticmaashi mobilkaaga GPS ama dhegeysi music iwm waa inaad ku sii  xidhato ama “set up” ku samaysi kahor intaadan dhaqaaqin ,hadii aad rabti inaad isticmaasho xadhiga dhegaha “earphone” isticmaal haldhig oo qudha ,hablaha qaatada xijaabka waxay samayn karaan inay galin karaan mobilkooda dhigta iyo xijaanka dhexdiisa kuna hadli karaan “laakiin waa inaanu ka qarin lasocodka waxyaalaha kasocda hareeraha,markay dhammaysato hadalka waa inaanay gacanta kusoo saarin telka ilaa ay ka istaagayso meel”,sharcigu wuxuu kaloo leeyahay hadii aad taagantahay meel “STOP” ah ma isticmaali karti telka”.

*sharcigan wuxuu hirgalayaa kowd bisha sideedaad sanadkan “ 1 August  2019 “

*Ganaaxa “penalty” : marka kowaad “1”waxaa mutaysan ganaax  lacag dhan $50 ,hadii lagu qabto mar labaad iyo sadexaad wuxuu noqonayaa ilaa $275.

Sababta keentay sharcigan waa shilalkii oo batay dad badan ayaa naftooda ku waayey yagoo phone isticmaalaya ayey haleen shilal badan .

Author :Abshir jama

No comments:

Post a Comment

Qoraalada xiisaha leh

Magacyada Lab iyo dhedig lix kamid ah ugaadha