Total Pageviews

Sunday, July 28, 2019

Hees qaraami ah

ü  baal goroy haldhaa iyo biyo dahab la moodyey
ü  buuraha dhexdeeniyo badda yaa intuu dhuro
ü  berry laga wada gudbiyo ban cidlo ah kawada dhiga
ü  boqool ku beegsado baladkaygi hooyiyo
ü  barta ay ku nooshahay baxsnaaa Alllahayow nin ku waaberiista
ü  baadi doonkaa awgaa
ü  boholyowga caashaqa anigoo bukaan qabin
ü  boqol jeer habeenkii intaan baraarugay sow
ü   bixida daymada eegmada kumaan badin
ü  baladkaygi hooyo
  \ahmed mooge Alle ha Naxariisto

Tuesday, July 23, 2019

Minnesota State :Sharci cusub oo ku saabsan wadida gawaadhida iyo isticmaalka telefoonada gacanta “cellphone”


Sharcigan wuxuu leeyahay hadii adoo gaadhi wada aad dirti “call” ama aad samayso wax ka badan hal taabasho iyo wixii ka badan oo ku arko police wuu ku joojinayaa waxaana ku mutaysan ganaax ,hadii aad rabti inaad ku isticmaashi mobilkaaga GPS ama dhegeysi music iwm waa inaad ku sii  xidhato ama “set up” ku samaysi kahor intaadan dhaqaaqin ,hadii aad rabti inaad isticmaasho xadhiga dhegaha “earphone” isticmaal haldhig oo qudha ,hablaha qaatada xijaabka waxay samayn karaan inay galin karaan mobilkooda dhigta iyo xijaanka dhexdiisa kuna hadli karaan “laakiin waa inaanu ka qarin lasocodka waxyaalaha kasocda hareeraha,markay dhammaysato hadalka waa inaanay gacanta kusoo saarin telka ilaa ay ka istaagayso meel”,sharcigu wuxuu kaloo leeyahay hadii aad taagantahay meel “STOP” ah ma isticmaali karti telka”.

*sharcigan wuxuu hirgalayaa kowd bisha sideedaad sanadkan “ 1 August  2019 “

*Ganaaxa “penalty” : marka kowaad “1”waxaa mutaysan ganaax  lacag dhan $50 ,hadii lagu qabto mar labaad iyo sadexaad wuxuu noqonayaa ilaa $275.

Sababta keentay sharcigan waa shilalkii oo batay dad badan ayaa naftooda ku waayey yagoo phone isticmaalaya ayey haleen shilal badan .

Author :Abshir jama

Monday, July 22, 2019

Heesta cibaaro by Abshir jama

Heesta cibaaro ay kuwada luuqeeyaan Axmed yaasiin Digfeer AHUN iyo sahra ileeye oo kawada tirsanaa kooxdii horsed waxay kamid tahay heesaha aan u jeclahay waxaa kamid ahaa erayadeedii

Digfeer 

Cibaariyo aduunyada cusri lagama waayee
Anoo laba cidood diirin
Ciiltire kufilanyo noqo curad u kaca oo
Kala dirir cidhiidhiga caynkaan rabay manoqone
Iga cayn wareegtaaye waxaa igala sii culus
Ceebla oohinteediyo calool xumada haysiyo Is ciilkaabigeeda
Ana inanyahay talo talo igu cadaataye
Dawada la icabsiiyiyo cirbada la igu mudaayaa
Caafimadaad malagaha helaa caashaqa ma bi’isaa


Sahra

Rag inuu cataabaa ceebtiisa weeyee
Waa inuu sidii cadow u calool adkaadee
Cirku kuguma soo dumin calafkaana kuma go’in
Hadaa ceebla waydide
Candhuuftiyo Ilaahi ciida kaa abuuree
Cad nool kaa sameeyiyoo
Cawadaada kaashoo cirqi haa isku beerin
Waxaan kaa codsanayaa haa cadibin naftaade
Iscelceli itaalka carwasaadka daayoo



Qore :abshir jama salah 

Qoraalada xiisaha leh

Magacyada Lab iyo dhedig lix kamid ah ugaadha