Total Pageviews

Monday, July 2, 2018

Jannaayo 8 2019 albaabaday soo garaacday waxa ka hadhayba waa shan bilood riwaayadii maaweelintu waxaa loo matalayaa sidii loo baahnaa ,dhulbahante meeshay kasugayeen neecawda dib u xorraynta waxaa kazoo baxaya hanfiyo iyo kulayl,reer nugaaleed adhi iyo geel kuma hadhin ,kalluunkii cali saleebaan iyo reer bari wuu sii dabar go’ayaa ,reer mudug cimiladii nugaaleed bay la qabsan waayeen ,reer hawdkii calankii way taageen ,warsangali wali wuu gaabsanayaa,faroole-na wuu jooga sagoo hogaaminayaa xisbiga midigta fog 80% taageerada reer garoowe waa haystaa ,sameecadihii waawaynaa ee madaxtooyada subaxii waxaa ka baxa heeso dagaal iyo gubaabo ah galabtiina ciyaaraha koobka aduunka sifiican looga daawadaa,xidhiidhkii wanaagsanaa ee garoowe iyo hargaysa meel sare buu marayaa muuse iyo gaas habeenkii sifiican bay uwada caweeyaan kaftanka iyo qosolka waa layaabay waxa qudha ee lagu heshiiyey waa in gaas colaad –beenaad afka ka sheego halka muuse-na nabad iyo wadahadal ku baaqayo ,xildhibaanadii maamulka barakaysan ee puntland 80-85% waxay sifican ugu acab tumayaan mudane cabdiwali ,bisho maanta koowda luuliyo ,labada bilood ee soo socda ee sideedaad iyo sagaalaad riwaayadu waxay usoconaysa sifiican maalinta koowda oktoobar waxaa bilaamaya ololaha doorashada uu madaxwanuhu isu diyaarinayo wuxuuna ku baaqayaa” in dagaalka dib loo dhigo inta doorashadu dhacayso wixii ka dambeeya ayeynu neecawda dib u xorraynta bilaabaynaa “ .
Halkaa markay marayso ballanteennu waa 1 January 2019 iyo doorashada dawlada barakaysan
Qore Abshir jaamac saalax
Eamil: abshirjaamac4@gmail.com
Facebook :Abshir J Salah
Twitter :@abshir40

No comments:

Post a Comment

Qoraalada xiisaha leh

Magacyada Lab iyo dhedig lix kamid ah ugaadha