Garxajis wuxuu shir ballaadhan ku leeyihin gacan libaax, mustafe martin wuxuu kadegey garoowe ,general caarre wuxuu kujiraa buuraha sago wata koox ay isku reeryihiin ,shaqaaqadii ceel-afwayn wali waa taagantahay ,qayb kamid ah sacad muuse beerohoodi waxaa lagu boobayaa duleedka hargaysa halkaas oo ay ka ooyayaan ,galbeedkii dhegtaa taagan ,hawada waa lala wareegay oo xamar baa dabkeedi kashidmayaa ,deeqihii reer galbeedka akoonkii federaalka bay u leexdeen ,Dp world ballantii may oofin oo albaabo kale ayey garaacayaan ,Ethopia-yadii walaaleheen qolo cusub ayaa majarihii dhinac kale u leexiyey oo xuduudkii waa xidheen ,wadani wuxuu helay fikaasi ah in doorashada lagaga shubtay,dhulbahante intii caqliga lahayd waa hartiyeysantahay oo jiida hore bay isku aruursadeen ,warsangali waa wareersanyahay waxay u badanyihin inay hartigooda ku shubtaan ,xabadu habeenkii kama nasato gudaha magaalada laascanood ,jiidaha hore ciidamadii ku sugnaa mid mi bay u baxsadaan yagoo qoryahoodi jiscin ka dhiganayey ,hablihii burco iyo hargaysa gacmihii baa daalay siday kimis u dubayeen .
Halkaa markay giraantu botorinayso muuse wuxuu qaadaya heestii hibo nuura sago lahadlaya jeegaantiisi
Nimuu dhabarku jaban yahay
dhaq dhaqaaqi maaye
sidan dhawr habeen qaday
dhafooradu i jiitee
waa dhaawacaagii
waxanaan la dhubtee
markii aan ku dhawraba
dhibaa ii kordheysee
dhaq dhaqaaqi maaye
sidan dhawr habeen qaday
dhafooradu i jiitee
waa dhaawacaagii
waxanaan la dhubtee
markii aan ku dhawraba
dhibaa ii kordheysee
By Abshir J Salah
No comments:
Post a Comment