Total Pageviews

Sunday, July 8, 2018

Samatar FROM SOOMAALI TO SAMAROON



"aftahamnimo fagaareyaasha wacdaro iyo indhasarcaad laga dhigay kadib, Prof Samatar wuxuu garaacay albaabka dhaqtarka rugta caafimaadka ku leh “Villa Somalia”. Durbadiiba wuxuu u diray “Sheybaarkadhexe” dhiigga Profasoorka waxaa laga helay (saar-qabiil, kursi-u-qooq, hoggaamin jacayl, isla-weyni, af Ingiriis ku faan, Gaalo jacayl iyo cudurro kale oo halis ah).Dhaqtarka Xamar oo ah Kaadirka Carabta, waaba iskala sarreeyaa ku hadalka Af-Ingiriiska wuxuuna aaminsan yahay Af-Carabigu inuu yahay “afdalu luuqa, axsanu luuqa” maadama Alle kusoo dejiyey Qur’aanka Kariimka ah. Teeda kale haybta Profasoorka ee ah Maxamed Case dhaqtarku waa garanwaayey oo “Mesegada” ka baxda Koofurta ayaa loo kala saaraa “Shamuureyiyo cascase ama cadood”. Cascase waa magac aan Koofurta ku lahayn miisaan siyaasadeed, maalqabeen iyo muruq milateri midna."



Thursday, July 5, 2018

calanka ameerika

July 4 maraykanku waxay u dabaal degaan maalinta calankooda sannad walba ,Calanka maraykanku wuxuu ka kooban yahay midab ahaan labo qaybood ,qayb waa xidigo midab ahaan cadaan ah oo ku dhexyaala bar buluug ah ,tiro ahaan waa 50 xidigood waxay u taaganyihiin 50 state ee wadanka “The 50 stars on the flag represent the 50 states of the United States” ,waxaa jira calaamado xariiqo oo kale ah “stripes “ oo isugu jira casaan iyo cadaan kana kooban 13 ,waxay calaamad ahaan u taaganyihiin 13 state ee ugu horreeyey ee xorriyada ka qaatay boqortooyadii ingiriiska ,waxaan loo kala yaqaan “Old Glory, and the Star ...
June 14, 1777 ayaa 13 state qaateen ama midoobeen laakin July 4, 1960 ayaa waxaa la aas-aasay laguna dhawaaqay 50 state ee wadanka
.


Monday, July 2, 2018

Jannaayo 8 2019 albaabaday soo garaacday waxa ka hadhayba waa shan bilood riwaayadii maaweelintu waxaa loo matalayaa sidii loo baahnaa ,dhulbahante meeshay kasugayeen neecawda dib u xorraynta waxaa kazoo baxaya hanfiyo iyo kulayl,reer nugaaleed adhi iyo geel kuma hadhin ,kalluunkii cali saleebaan iyo reer bari wuu sii dabar go’ayaa ,reer mudug cimiladii nugaaleed bay la qabsan waayeen ,reer hawdkii calankii way taageen ,warsangali wali wuu gaabsanayaa,faroole-na wuu jooga sagoo hogaaminayaa xisbiga midigta fog 80% taageerada reer garoowe waa haystaa ,sameecadihii waawaynaa ee madaxtooyada subaxii waxaa ka baxa heeso dagaal iyo gubaabo ah galabtiina ciyaaraha koobka aduunka sifiican looga daawadaa,xidhiidhkii wanaagsanaa ee garoowe iyo hargaysa meel sare buu marayaa muuse iyo gaas habeenkii sifiican bay uwada caweeyaan kaftanka iyo qosolka waa layaabay waxa qudha ee lagu heshiiyey waa in gaas colaad –beenaad afka ka sheego halka muuse-na nabad iyo wadahadal ku baaqayo ,xildhibaanadii maamulka barakaysan ee puntland 80-85% waxay sifican ugu acab tumayaan mudane cabdiwali ,bisho maanta koowda luuliyo ,labada bilood ee soo socda ee sideedaad iyo sagaalaad riwaayadu waxay usoconaysa sifiican maalinta koowda oktoobar waxaa bilaamaya ololaha doorashada uu madaxwanuhu isu diyaarinayo wuxuuna ku baaqayaa” in dagaalka dib loo dhigo inta doorashadu dhacayso wixii ka dambeeya ayeynu neecawda dib u xorraynta bilaabaynaa “ .
Halkaa markay marayso ballanteennu waa 1 January 2019 iyo doorashada dawlada barakaysan
Qore Abshir jaamac saalax
Eamil: abshirjaamac4@gmail.com
Facebook :Abshir J Salah
Twitter :@abshir40
Garxajis wuxuu shir ballaadhan ku leeyihin gacan libaax, mustafe martin wuxuu kadegey garoowe ,general caarre wuxuu kujiraa buuraha sago wata koox ay isku reeryihiin ,shaqaaqadii ceel-afwayn wali waa taagantahay ,qayb kamid ah sacad muuse beerohoodi waxaa lagu boobayaa duleedka hargaysa halkaas oo ay ka ooyayaan ,galbeedkii dhegtaa taagan ,hawada waa lala wareegay oo xamar baa dabkeedi kashidmayaa ,deeqihii reer galbeedka akoonkii federaalka bay u leexdeen ,Dp world ballantii may oofin oo albaabo kale ayey garaacayaan ,Ethopia-yadii walaaleheen qolo cusub ayaa majarihii dhinac kale u leexiyey oo xuduudkii waa xidheen ,wadani wuxuu helay fikaasi ah in doorashada lagaga shubtay,dhulbahante intii caqliga lahayd waa hartiyeysantahay oo jiida hore bay isku aruursadeen ,warsangali waa wareersanyahay waxay u badanyihin inay hartigooda ku shubtaan ,xabadu habeenkii kama nasato gudaha magaalada laascanood ,jiidaha hore ciidamadii ku sugnaa mid mi bay u baxsadaan yagoo qoryahoodi jiscin ka dhiganayey ,hablihii burco iyo hargaysa gacmihii baa daalay siday kimis u dubayeen .
Halkaa markay giraantu botorinayso muuse wuxuu qaadaya heestii hibo nuura sago lahadlaya jeegaantiisi
Nimuu dhabarku jaban yahay
dhaq dhaqaaqi maaye
sidan dhawr habeen qaday
dhafooradu i jiitee
waa dhaawacaagii
waxanaan la dhubtee
markii aan ku dhawraba
dhibaa ii kordheysee
By Abshir J Salah

Qoraalada xiisaha leh

Magacyada Lab iyo dhedig lix kamid ah ugaadha