Muuse biixi laguuma doooran cabudhinta dadkaaga ee waxaa laguu doortay kashaqaynta wanaagooda ,ma ogtahay muuse biixow afartii bilood aad xilka haysay inaad ku kacday falal waxyeelo ku ah shacabkaaga ,mase ogtahay inaa lumisay kalsooni badan oo dadkii ku taageersanaa kuu hayeen ,aan tusaale usoo qaato dhawr fal aan la jeclaysan :
Sicir bararka – si loo yareeyo sicir bararka waxay xukuumadaadu samaysay inay kala xigsato shirkadaha ganacsiga ee kunool; somaliland ,tusaale ahaan telesom waxay u aragtay in laga xigsaday dahashiil oo halkaa waxaa kazoo baxay dareen xambaarsan qabiil.
Duulimaadka –waxaa soo rogtay inaan qof aan sidan baasoboor inaanu ka dhoofi Karin hargaysa aadi karina muqdisho ,ma ogtahay in caqabad wayn bulshadu kala kulantay oo khasabay ku noqotay safari nay u gala ilaa goroowe ,mase ogtahay in dad badan oo shaqaale ah ku shaqo beeleen halkaas ,mase ogtahay dadka u badan ee u kala goodha muqdisho iyo hargaysa ay yihiin dad u dashay Somaliland oo badankoodu kashaqeeya magaalada muqdisho
Xadhiga muwaadiniinta –xadhigii lagula kacay naciimo abwaan qorane uu ahaa mid sharci darro ah ,waxay ahayd muwaadina kazoo jeeda Somaliland laakin ra’yigeeda iyo riyadeedu ahaa midnimo soomaaliyeed ,imisa manta muwaadiniin reer hargaysa ah oo xilal kazoo qabtay soomaalia oo manta jooga hargaysa ,muusow hadii ay tahay degida xamar debi ,dabmbigaasna meel lagu dambi dhaafo hargayso ku taal noo sheeg aanu soo marno ,nimcaan hillaac wuxuu ahaa muwaadin Somaliland ah laakin waa la ogaa tii lagu dhigay ,hadii hal abuuradii iyo dhallintii wada dambiile noqdeen maxay siyaasiyiintu dambiilayaal u noqon waayeen .
Abshir J Salah
an independent Author
an independent Author
No comments:
Post a Comment