Total Pageviews

Monday, April 30, 2018

sheeko qosol leh


Nin oday ah ayaa xoogaa u aruuray kadib wuxuu go'aansaday inuu xajka aado,ninkani nin cilmi leh maaha wuxuu maqlay xajka danbigaa lagu dhaafaa ,wuxuu u haystay in marka xajka latago in albaabada iyo gidaarada inta la qabsado kadibna la iska ooyo,markuu tegay xajkii ayaa maalintii dawaafka lagu yiri sheekh "go'a dhexda ku xidho " waxaa lasoo gaadhay xilligii orodka "dawaafka" sadexda jeer ahaa ,markuu laba jeer soo wareegay ayuu iska fadhiistay sagaan ordin markii sadexaad,kadib waa lawaydiiyey
Sheekh maxaa ku helay?
wuxuu yiri
"Anigu meesha ciyaar umaan iman hadaan ciyaar rabo ciyaalkaygaan banooni la ciyaari lahaa".
,

Monday, April 16, 2018

muusow gari ma ku gashaa ?

Muuse biixi laguuma doooran cabudhinta dadkaaga ee waxaa laguu doortay kashaqaynta wanaagooda ,ma ogtahay muuse biixow afartii bilood aad xilka haysay inaad ku kacday falal waxyeelo ku ah shacabkaaga ,mase ogtahay inaa lumisay kalsooni badan oo dadkii ku taageersanaa kuu hayeen ,aan tusaale usoo qaato dhawr fal aan la jeclaysan :

Sicir bararka – si loo yareeyo sicir bararka waxay xukuumadaadu samaysay inay kala xigsato shirkadaha ganacsiga ee kunool; somaliland ,tusaale ahaan telesom waxay u aragtay in laga xigsaday dahashiil oo halkaa waxaa kazoo baxay dareen xambaarsan qabiil.

Duulimaadka –waxaa soo rogtay inaan qof aan sidan baasoboor inaanu ka dhoofi Karin hargaysa aadi karina muqdisho ,ma ogtahay in caqabad wayn bulshadu kala kulantay oo khasabay ku noqotay safari nay u gala ilaa goroowe ,mase ogtahay in dad badan oo shaqaale ah ku shaqo beeleen halkaas ,mase ogtahay dadka u badan ee u kala goodha muqdisho iyo hargaysa ay yihiin dad u dashay Somaliland oo badankoodu kashaqeeya magaalada muqdisho

Xadhiga muwaadiniinta –xadhigii lagula kacay naciimo abwaan qorane uu ahaa mid sharci darro ah ,waxay ahayd muwaadina kazoo jeeda Somaliland laakin ra’yigeeda iyo riyadeedu ahaa midnimo soomaaliyeed ,imisa manta muwaadiniin reer hargaysa ah oo xilal kazoo qabtay soomaalia oo manta jooga hargaysa ,muusow hadii ay tahay degida xamar debi ,dabmbigaasna meel lagu dambi dhaafo hargayso ku taal noo sheeg aanu soo marno ,nimcaan hillaac wuxuu ahaa muwaadin Somaliland ah laakin waa la ogaa tii lagu dhigay ,hadii hal abuuradii iyo dhallintii wada dambiile noqdeen maxay siyaasiyiintu dambiilayaal u noqon waayeen .
Abshir J Salah
an independent Author


Saturday, April 14, 2018

Mudane raysalwasaare “xasan cali kahyre”


Mudane raysalwasaare “xasan cali kahyre” waa ogahay xaaladaha dalka iyo waaqicaa ku shaqaysaan ,waa ogahay in dalku kujiro dib usoo kabasoho iyo bugsasho,waa ogahay in ay jiro cadow badan ay soomaaliya leedahay kuwaas oo iska caabintooda kujirtaan ,waa ogahay in dadka soomaaliyeed wali qabiilku madaxooda kasii guuxayaan sidii looga daawayn lahaa lagu jiro ,waa ogahay in dib u dhiskii iyo kaladambayntii socoto sidii loo gaadhi lahaa doorasho xor ah ,laakin halka dhaliil aan manta kuu hayo waa in xukuumadaa qaar kamid ah boosaskoodi bannaanyihiin oo aanay jirin wasiiradii wadi lahaa ,mid kamid ah wasiirada xukuumadaada ugu muhiimsanaa inuu maqanyahay wasirrkaasi waa booskii wasiirka faafinta taas uu banneeyey gudoomiyaha gobolka bannaadir Eng yariisow ,waxaa kaloo jira boosas kale oo bannaan ,mudane waxaann kaa codsanaya inaa dhmmaystirto xukuumadaada si uu waxqabadku u noqdo mid buuxa .

Waa taageersanahay xukuumada NABAD IYO NOLOL laakin waa waajib isaaran inaan wixii ammaan ah iyo dhaliil ah sheego madaama aan ahay muwaadin u xaqle inuu difaaco dalkiisa iyo dadkiisaba



Abshir J Salah
an independent Author



Monday, April 9, 2018

-Park Geun-hye oo ahayd gabadhii madaxwaynaha kazoo noqotay wadanka koonfurta kuuriya “south korea” ayaa lagu helay musuqmaasuq ah in lunsatay hanti badan laaluushna ka qaadatay shirkado ayaa lagu xukumay 24 sano oo jeel ah .

-Lula’ da Silva oo soo noqday madaxwaynaha wadanka dhaca koonfurta ameerika ee brazil waxaa lagu helay musuqmaasuq waaxaana lagu xukumay 12 sano oo xadhig ah waxaana laga hor istaagay in uu mar kale isu soo sharaxo inuu hogaamiyo wadankaas .
Inaguna keena wax lunsada ama dhaca xoolaha masaakiinta waxaan u dhisnaa taalo waxaan ku magacownaa halyeey iyo nin qaran ,goormaan arki doonaa nin soomaali ah oo lagu xukumay xabsi yadoo loo haysto musuqmaasuq ama lunsi hantiyeed .

Abshir J Salah
an independent Autho

Monday, April 2, 2018

Shabeel-Naagood 1


Riwaayadii dheerayd ee shabeel-naagood waxay ahayd riwaayad ay ka buuxaan xikmado iyo heeso micno wayn ku fadhiya heesahaa kuwaan ka xasuusto waxaa kamid ahaa hees wada hal xidhaale ah,markaa micnahdooda sii dhuuxda waxaa ka jawaabi kara nin xikmad leh ,aan tusaalo isoo qaato dhawr sadar .


-Dockastoo laga eego nolosha dunida waa dabkee.
-Haduu dabkii dhaxamoodo maxaa lagu diiriyaa .
-waa tilmaam ladaahoo degdeg kuma haboona 
-Adigoo degan u fiirso u jeedada fahan.
-Ruux hadii ladoorto derejadii lasaariyo
-xilkii daryeeli waayey
-dab dhaxamooday weeyaan
-waa su’aal dawaynoo madax daalisoo
-wixii lagu diirin lahaa dadwaynaha halawaydiiyo
-Qof cudur dilaayo daawadaa bugsiisee
-Haday daawo bukooto maxaa lagu daaweeyaa ?


an independent Author.

Qoraalada xiisaha leh

Magacyada Lab iyo dhedig lix kamid ah ugaadha