Total Pageviews

Monday, March 26, 2018

Wadaantii warwareegtoo waraabaa qabsaday !!!

Madaxwayne farmaajo wuxuu ku mashquulsanyahay dhiirigalin iyo taakulaynta ciidanka xoogga dalka soomaaliya wuxuuna degay wasaarada gaashaandhiga ,Raysalwasaare khayre wuxuu mashquul ku yahay mooshin iyo lakulanka xildhibaanada taageersan ,Gudoomiye jawaari sana wuxuu la daaladhacaynayaa siduu uga dabbaalan lahaa mooshinka laga keenay,Golihii baarlamaanka ee labada aqalba "Aqalka sare iyo kan hoose " waxay lakala safanyihiin hirdanka mooshinka ee labada dhinac ,Golihii wasiiradu badankoodu waa xildhibaano sidoo kale waxay lug kula jiraan mooshinka socda tusaale ahaan wasiirka amniga iyo ku xigeenkiisu labaduba waa xildhibaano waxana kamidyihiin kuwa labada dhinac ukala ololaynaya ,xaalka dalkii waa bay hoof iyo waraabow jaantaa rogan qayb kamid ah wuxuu u gacan galay kenya oo Bad iyo Berriba isku darsatay,qayb waxaa qandaraas iyo mashaariic aan la garanayn Imaaraadka carabta ,dhinac itoobiyaa xadkii maamulanaysa ,xaalka caasimadiu muqdisho wuxuu noqday kala yaac iyo isku yaac qofk muqdisho kunool wadnuhuu farta ku hayaa "Qadarta ALLE waa jirtaa " wuxuu ka baqayaa ma qarax baa ku dhiman ,miyaa lagu lagu sumayn ,ma irbad cudur leh baa lagugu durin ,ma dil qorshaysan baa ku dhiman ,ma labo ciidan oo dawlada ka tirsan oo jidka hadh cad ku dirirayaa rasaastoodu ku haleelin ,ma gaadhi ciidan oo taangi amison leedahaa ku jiidhaya adiga iyo bajaajtaadaba ,xaalka goboladii waqooyi sal kuma fadhiyo sicir bararku wuxuu marayaa halkii ugu sarraysay ,xaalka abbaarta iyo macaluushu waa Allow sahal ,qabyaaladii la illoway ayaa isha lasoo baxaysa ,dadkii kunoolaa goboladaasi waxay ka cabanayaa diyaarado aan haybtooda oo dhulkooda raxan raxan u dul heehaabaya oo cabsi ku riday.

halkaa markay marayso xaalka kama quusanayno raxmada EEBBE.

Abshir J Salah
an independent Author
abshirjaamac4@gmail.com


Friday, March 23, 2018

Gabdhihii hore iyo garashadoodi

Gabdhihii hore iyo garashadoodi 
Gabadh ayaa nin yimi oo ku yiri geel maragtay ? Waxay kutiri haa ,geelaaga ma kujirtay hal dib go'an ? Makujirtay hal il la'? Ma kujirtay hal koor dhinac jaban wadata ? Markaasuu yiri haa kaasi waa geelaygi ee xagee ku aragtay ?
Gabadhii waxay tiri maan arag geelaas ,ninkii wuu xanaaqay oo yiri "tilmaamahaa aad sheegayso geelaygaa lahaa ee maxaad u qarin ii sheeg?"
Waxay tiri gabadhij geelaas maan arag laakiin raadkiisaan arkay ?
Ninkii oo xanaaqsan baa yiri see ku garatay tilmaamahaas hadaadan arag ?
Gabadhii oo ahayd qof ilaahay caqli ku mannaystay waxay tiri "Hasha dibka go'an waxaan ku gartay 'markay saaloonayso saalada meel bay tuuminaysay oo may kala firdhinayn waayo hasha dibka leh dibkeeda ayey ku kala firdhisaa saalada ,hasha isha la' geedka ay daaqdo hal dhinac qudha bay ka daaqaysay ee mawada daaqayn, hasha koorta jaban wadatay waxaan ku gartay gelgelintay ku gelgelimaysatay ayaan ku gartay".
-




Qalinkii Abshir jaamac saalax



Thursday, March 22, 2018

Walaalihii kudayashada mudnaa :-


Waxay ahaayeen lix "6" walaalo ah afar wiil iyo labo hablood ,wuxuu ilaahay siiyey cilmiga diiniga ah ,waxay noqdeen dad laga faaiido xilligoodi "xilligii salafka", waxaa la oranjiray "ilma siiriin" ilaa maanta wax badan ayaa laga akhristaan shareecada islaamka kutubta ay qoreen,intaanan tusaale kamida soo qaadan ila baro magacyadooda
waa sidan :-

1:Maxamed binu siiriin
2:Anas binu siiriin
3:Macbad binu siiriin
4:Xafsa binu siiriin
5:Kariima binu siiriin
6: Yaxya binu siiriin 


Rabii raali ha k noqdo .
Aamiin

Tuesday, March 13, 2018

Goormuu bilaamay qoraalka afka-soomaaligu ?


Hadii aynu dib u.milicsano sooyaalkii qoraalka farsoomaaliga.waxaa la sheegay in qoraalka afsoomaaliga la bilaabay sanadkii 1900 marlabaadkii inuu qoray cismaan yuusuf keenadiid fartaas oo lagu magacaabi jirey fartii cismaaniyada. Fartaas oo ka koobnayd 29 xaraf oo shaqal iyo shibaneba ka kooban. Mar sedexaadkii waxaa isku dayey inay qoraan  muuse galaal iyo nin ingiriisa oo la odhanjirey andirawiski sanadkii 1962 dii ayey isku dayeen inay qoraan dawladii rayidka ahayd. Wayna suurtoobi weyday. Sababtaasna waxaa loo suuriyaa inay is hortaagtay in laqoro afsoomaaliga labo qodob
1.jileec siyaasadeed dawladii rayidka ahayd oo go.aan ka qaadan kariweydey in la fuliyo hawshaas 2.iyadoo farihii laysu keenay oo ka koobnaa ilaa sideed farood ragii loo xilsaaray ay isku khilaafeen fartii ayqaadan lahaayeen.
 ugu danbayn markii xukuumadii kacaanku ay dalka la wareegtay. 21/10/1971.dii ayaa xukuumadii ku dhawaaqday in la qorayo afsoomaaliga. Waxayna u qaybisay guddi ka kooban 24 xubnood waxayna ku amartay.wax fara inaysan dooran gudidu laakiin ay  ku qoraan farta dawladu  u yeedhiso. Waxaana lagu amray inay ku qoraan farta laatiinka. 21/10/1972.dii ayaa fartii oo qoran lagu dhamaan magaalada muqdisho. Dhamaan gobolada dalka.
Isla sanadkii 1/1/1973.dii waxay xukuumadii kacaanku amar ki bixisay in muddo afar bilooda ay ku bartaan qoraalka afsoomaaliga dhamaan shaqaaalaha dawladu lagagana shaqeeyo xafiisyada dawlada,wargeyskii ugu horeeyey ee afka soomaaliga kusoo baxaa wuxuu xidigtii oktoobar, isla mar kale waxay dawladu samaysay sedex guddi. Oo lookala xilsaaray inay kala qoraan
1.manaahijtii dugsiyada hoose dhexe.
2.suugaana
3.naxwaha.
Sanadkii1976 dii waxaa la qoray éray koobihii ugu horeeyey.ama qaamuus sida dadku u yaqaan.
Afka soomaaligu waa afhodona dhankastoo laga eegaba waxyaabaha uu hodonka ku yahay waxaa ka mida suugaan afeeda oo uu caan ku yahay afsoomaaligu hadaynu isku dayno inaynu qeexno erayga suugaan ayaa lagu qeexaa dhawr qeexitaan
 1.marwaxa lagu qeexaa geeduhu markay qalalaan jirida yar ee dhulk a ku hadha
2.hadhuudhka marka la tumo oo buusho iyo budo loo kala saaro inta u fiican ayaa la yiraahdaa suugaan.
3.mar kale waxaa lagu qeexaa suugada iidaanka hadalka.
4.mar kale waxaa lagu qeexaa hadalka jilicsan. Waatuu làhaa abwaan raage ugaas “ninkii maalintaa sedroon aan laga sed qaadaynin suugaan hadala baa loo ceshaa laguma sooyaamo”.
Hadaan dib ugu noqono hodanimada afsoomaaliga hadalku wuxuu u qaybsamaa tix iyo tiraab,

Tix waa hadal kasta oo xaraf ku dhisan ama luuq iyo laxan qaadan kara sida maansada.
Tiraab waa hadalka aan ku dhisnayn xaraf raac. Sida sheekada, doodo halhayska iwm.
 hadaba waxyaabaha afka soomaaligu uu cajiibka ku yahah waxaa ka mida erayada lamaanaha la yiraahdo oo isku xarafka ka kaca.tusaale.tix iyo tiraab, raq iyo ruux. Joog iyo jiif,xeer iyo xeegaan. Xog iyo xaal. Magan,iyo mooro.jiidh iyo jibaadh. Soh iyo saan.qudh iyo qoon.iwm


W/Q : Macalin Cabdirashiid yuusuf "suufi".
 Laascaanood/Sool/somalia .

Habayn: Abshir jama salah 

Email: abshirjaamac4@gmail.com 




Sunday, March 4, 2018

sheekh Dabcasar iyo maamo malyuun labo la ciilay "qormo kooban "

Cabdiraxmaan xaaji dabcasar wuxuu ahaa wadaad caan ka ah gobolo badan oo kamid ah ameerika sagoo ahaa daaci iyo macalin dadka bara quraanka kariimka ah ,wuxuu ahaa imaam iyo khaadib masaajido badan ka akhriyi jiray khudbadaha salaada jumcaha ,wuxuu ku caan ahaa inuu ka qayb qaato dhismaha masaajidada sagoo usoo ururin jiray tabarucaad "donate",wuxuu ahaa isku duba rida jaaliyada soomaalida ee State-ka ohia ee amerika ,laakin waxay wadaadku wareeray markii ay iska qabteen koox kamid ahaa wadaadii ay isku meesha kunoolaayeen kuwaas uu sagu ku  sheegay inay ictisaam yihiin ,waxaaa dhacday in ay si gaar ah u eegaan yagoo faquuuqaya ilaa markii dambe masaajidkii laga baaciyey yagoo la kaashanaya laamaha amaanka oo laga dhigayo dabiile ,markaa kadib wuxuu bilaabay inuu si toos ah u weeraro wadaadadii u awooda sheegtay sagoo aad moodo inuu yara khafiifay yadoo dadka somalidu u aqaateen inuu yahay nin wax kayara xun yihiin,sheekh dabcasar waxay ahayd in wadaadadu dib ugu yeedhaan maadaama uu yahay nin aqoon diin iyo maadi leh aan cidla la dhigin ,ug dambayn waxay ku dambaysay i sheekhii u shaarbo labaxo gadhkiina xiiro.




Malyun Ali oo loo yaqaan maamo malyuun waxay in badan ku noolayd gobolka Minnesota gaar ahaan Minneapolis ,waxay ahay maamo iska ganacsata oo suuqyada wax ku iibin jirtay ,waa hooyo 3 caruur ah dhashay ,laakin dhibkeedu wuxuu soo baxay markii ay isku dhaceen dumar ay kawada ganacsan jireen oo ay il-gaar ah ku eegeen ,intaa kadib waxay bilowday inay xagga baraha bulshada caan ku noqotay yadoo aan hadalada la gaban ,waxaana ka muuqatay in ay tahay wax iska dhicin ay afkeeda itaal baday ,markiiba waxaa ku kacay dad badan oo waliba wadaado kujiraan yagoo qaab media ah wax ugu sheegaya ama aad moodo inay canaan dusha uga tuurayaan halkii loo baahnaa hadii qofku markuu yara wareer in si degan wax loogu sheego ,ilaa cadhadeedii uu marba talaabo godka ugu sii rido ilaa ay heer ka gaadhay inay diinta shaki galiso "ilahay baan taas kamagan galnay ",laakiin anigu waxaa dhaliilayaa dadkii cuqdad nafisga kusii beeray ,qofku markuu heerkaa gaadho waxaa moodaa in aan maskaxdiisu fadhiyin uu u baahanyahay wacdi iyo waano badan iyo in la eeego ama labaadho waxa ku kalifay dhibkaas .

Qoraalada xiisaha leh

Magacyada Lab iyo dhedig lix kamid ah ugaadha