Total Pageviews

Monday, March 26, 2018

Wadaantii warwareegtoo waraabaa qabsaday !!!

Madaxwayne farmaajo wuxuu ku mashquulsanyahay dhiirigalin iyo taakulaynta ciidanka xoogga dalka soomaaliya wuxuuna degay wasaarada gaashaandhiga ,Raysalwasaare khayre wuxuu mashquul ku yahay mooshin iyo lakulanka xildhibaanada taageersan ,Gudoomiye jawaari sana wuxuu la daaladhacaynayaa siduu uga dabbaalan lahaa mooshinka laga keenay,Golihii baarlamaanka ee labada aqalba "Aqalka sare iyo kan hoose " waxay lakala safanyihiin hirdanka mooshinka ee labada dhinac ,Golihii wasiiradu badankoodu waa xildhibaano sidoo kale waxay lug kula jiraan mooshinka socda tusaale ahaan wasiirka amniga iyo ku xigeenkiisu labaduba waa xildhibaano waxana kamidyihiin kuwa labada dhinac ukala ololaynaya ,xaalka dalkii waa bay hoof iyo waraabow jaantaa rogan qayb kamid ah wuxuu u gacan galay kenya oo Bad iyo Berriba isku darsatay,qayb waxaa qandaraas iyo mashaariic aan la garanayn Imaaraadka carabta ,dhinac itoobiyaa xadkii maamulanaysa ,xaalka caasimadiu muqdisho wuxuu noqday kala yaac iyo isku yaac qofk muqdisho kunool wadnuhuu farta ku hayaa "Qadarta ALLE waa jirtaa " wuxuu ka baqayaa ma qarax baa ku dhiman ,miyaa lagu lagu sumayn ,ma irbad cudur leh baa lagugu durin ,ma dil qorshaysan baa ku dhiman ,ma labo ciidan oo dawlada ka tirsan oo jidka hadh cad ku dirirayaa rasaastoodu ku haleelin ,ma gaadhi ciidan oo taangi amison leedahaa ku jiidhaya adiga iyo bajaajtaadaba ,xaalka goboladii waqooyi sal kuma fadhiyo sicir bararku wuxuu marayaa halkii ugu sarraysay ,xaalka abbaarta iyo macaluushu waa Allow sahal ,qabyaaladii la illoway ayaa isha lasoo baxaysa ,dadkii kunoolaa goboladaasi waxay ka cabanayaa diyaarado aan haybtooda oo dhulkooda raxan raxan u dul heehaabaya oo cabsi ku riday.

halkaa markay marayso xaalka kama quusanayno raxmada EEBBE.

Abshir J Salah
an independent Author
abshirjaamac4@gmail.com


No comments:

Post a Comment

Qoraalada xiisaha leh

Magacyada Lab iyo dhedig lix kamid ah ugaadha