Total Pageviews

Tuesday, March 13, 2018

Goormuu bilaamay qoraalka afka-soomaaligu ?


Hadii aynu dib u.milicsano sooyaalkii qoraalka farsoomaaliga.waxaa la sheegay in qoraalka afsoomaaliga la bilaabay sanadkii 1900 marlabaadkii inuu qoray cismaan yuusuf keenadiid fartaas oo lagu magacaabi jirey fartii cismaaniyada. Fartaas oo ka koobnayd 29 xaraf oo shaqal iyo shibaneba ka kooban. Mar sedexaadkii waxaa isku dayey inay qoraan  muuse galaal iyo nin ingiriisa oo la odhanjirey andirawiski sanadkii 1962 dii ayey isku dayeen inay qoraan dawladii rayidka ahayd. Wayna suurtoobi weyday. Sababtaasna waxaa loo suuriyaa inay is hortaagtay in laqoro afsoomaaliga labo qodob
1.jileec siyaasadeed dawladii rayidka ahayd oo go.aan ka qaadan kariweydey in la fuliyo hawshaas 2.iyadoo farihii laysu keenay oo ka koobnaa ilaa sideed farood ragii loo xilsaaray ay isku khilaafeen fartii ayqaadan lahaayeen.
 ugu danbayn markii xukuumadii kacaanku ay dalka la wareegtay. 21/10/1971.dii ayaa xukuumadii ku dhawaaqday in la qorayo afsoomaaliga. Waxayna u qaybisay guddi ka kooban 24 xubnood waxayna ku amartay.wax fara inaysan dooran gudidu laakiin ay  ku qoraan farta dawladu  u yeedhiso. Waxaana lagu amray inay ku qoraan farta laatiinka. 21/10/1972.dii ayaa fartii oo qoran lagu dhamaan magaalada muqdisho. Dhamaan gobolada dalka.
Isla sanadkii 1/1/1973.dii waxay xukuumadii kacaanku amar ki bixisay in muddo afar bilooda ay ku bartaan qoraalka afsoomaaliga dhamaan shaqaaalaha dawladu lagagana shaqeeyo xafiisyada dawlada,wargeyskii ugu horeeyey ee afka soomaaliga kusoo baxaa wuxuu xidigtii oktoobar, isla mar kale waxay dawladu samaysay sedex guddi. Oo lookala xilsaaray inay kala qoraan
1.manaahijtii dugsiyada hoose dhexe.
2.suugaana
3.naxwaha.
Sanadkii1976 dii waxaa la qoray éray koobihii ugu horeeyey.ama qaamuus sida dadku u yaqaan.
Afka soomaaligu waa afhodona dhankastoo laga eegaba waxyaabaha uu hodonka ku yahay waxaa ka mida suugaan afeeda oo uu caan ku yahay afsoomaaligu hadaynu isku dayno inaynu qeexno erayga suugaan ayaa lagu qeexaa dhawr qeexitaan
 1.marwaxa lagu qeexaa geeduhu markay qalalaan jirida yar ee dhulk a ku hadha
2.hadhuudhka marka la tumo oo buusho iyo budo loo kala saaro inta u fiican ayaa la yiraahdaa suugaan.
3.mar kale waxaa lagu qeexaa suugada iidaanka hadalka.
4.mar kale waxaa lagu qeexaa hadalka jilicsan. Waatuu làhaa abwaan raage ugaas “ninkii maalintaa sedroon aan laga sed qaadaynin suugaan hadala baa loo ceshaa laguma sooyaamo”.
Hadaan dib ugu noqono hodanimada afsoomaaliga hadalku wuxuu u qaybsamaa tix iyo tiraab,

Tix waa hadal kasta oo xaraf ku dhisan ama luuq iyo laxan qaadan kara sida maansada.
Tiraab waa hadalka aan ku dhisnayn xaraf raac. Sida sheekada, doodo halhayska iwm.
 hadaba waxyaabaha afka soomaaligu uu cajiibka ku yahah waxaa ka mida erayada lamaanaha la yiraahdo oo isku xarafka ka kaca.tusaale.tix iyo tiraab, raq iyo ruux. Joog iyo jiif,xeer iyo xeegaan. Xog iyo xaal. Magan,iyo mooro.jiidh iyo jibaadh. Soh iyo saan.qudh iyo qoon.iwm


W/Q : Macalin Cabdirashiid yuusuf "suufi".
 Laascaanood/Sool/somalia .

Habayn: Abshir jama salah 

Email: abshirjaamac4@gmail.com 




No comments:

Post a Comment

Qoraalada xiisaha leh

Magacyada Lab iyo dhedig lix kamid ah ugaadha