Waa qayb kale iyo dhacdooyinka Soomaaliyo iyo sannadkan sii dhammaanaya."Share"
26: 20/2/2016 waxay ahayd maalinkii raysalwasaaraha soomaaliya iyo wafdi uu lasocday lagu xidhay laguna bahdilay garoonka diyaaradaha joma kenyata -Nayrobi
27: 24/2/2016 Shirkii soomaalida ee lagu qabtay istanbul -turkey ayaa lasoo gabagabeeyey.
28: 26/2/2016 Habeen sabti soo galayso waxaa qarax lala eegtay Hotel SYL ee kuyaal magaalada muqdisho 15 qof ayaa ku dhimatay 40 kalena waa ku dhaawacmeen
29: 26/2/2016 maalin jumce ah shil gaadhi oo ka dhacay galbeedka magaalada Gibiley ee waqooyiga soomaaliya 14 ruux ayaa ku dhintay "AHUN"
30: 28/2/2016 Habeen isniin soo galayso qarax kadhacay magaalada Baydhabo Goob ciyaar lagu daawanayey waxaa ku dhintay ku dhawaad 30 qof in kabadan 60 qofna waa ku dhaawacmeen "AHUN".
31: 1/3/2016 maalin arbaco ah taliyihii Booliska ee magaalada berbera Casayr ayaa lagu dilay isla burco "AHUN".
32: 1/3/2016 dagaal ayaa ka dhacay dhuuso mareeb oo u dhexeeya galmudug iyo ahlu sunna.
33: 4/3/2016 dhallin yaro soomaali ah oo 7 sano ku xidhnaa mambaasa-Kenya oo loo haystay budh cad badeed ayaa lasii daayey.
34: 5/3/2016 Wariyihii caanka ahaa Mohamed Abshir Welda ayaa ku geeriyooday magaalada Nayrobi "AHUN".
35: 8/3/2016 Ciidamo maraykan ah oo duqayn ku dilay in kabadan 15 qof gudaha soomaaliya "AHUN".
36: 9/3/2016 qarax ka dhacay muqdisho 9 qof ayaa ku dhimatay "AHUN".
37: 14/3/2016 ururka ugus oo lawareegay magaalada Gara-Cad ee puntland somalia.
38: 16/3/2016 dagaal u dhexeeya ururka ugus iyo maamulka puntland ayaa kadhacay togga suuj ee gobolka nugaal.
39: 19/3/2016 waxaa qaraxyo lala eegtay saldhig kuyaal waqooyiga magaalada gaalkacayo.
40: 31/3/2016 afar shaqaale oo turkey ah ayaa lagu dilay magaalada muqdisho.
41: 2/4/2016 maamulka puntland ayaa aqbalay qodobka ah 4.5 ka .
42: 6/4/2016 Maamulka khaatumo ayaa xidhiidhka u jaray dawlada dhexe ee soomaaliya.
43: 10/4/2016 Shirkii wada tashiga ayaa dib uga furmay magaalada muqdisho.
44: 11/4/2016 waxaa magaalada muqdisho lagu toogtay dilaagii waynaa wariyayaasha ee xasan xanafi.
45: 16/4/2016 Ciidamada Amison ayaa dad shacab ah ku laayey gobolka sh.hoose afar ruux.
-
BY: Abshir jaamac saalax
-
Lasoco qaybta saddexaad.
No comments:
Post a Comment