Total Pageviews

Thursday, December 8, 2016

Dhacdooyinka 2016 Ee Soomaaliya Q1aad

Waxaan bilaabi doonaa qoraalo kooban aan kaga hadlayo dhacdooyin muhiim ah oo soo maray dhulka soomaalida sannadkan sii galbanaya ee 2016.
Waa qaybtii horu dhac ah

1: 3/1/2016 -ugaas cabdiraxmaan ugaas khaliif ayaa ku geeriyooday magaalada beledwayne "AHUN".

2: 4/1/2016 - waxaa magaalada garoowe booqday cali maxamed geedi ,cabdiwali sheekh axmed iyo salaad cali jeelle.

3: 5/1/2016 madaxwayne ku xigeenka khaatumo ayaa tegay magaalada Carrooley ee gobolka sool

4: 6/1/2016 cali maxamed geedi iyo waftigiisi ayaa booqday boosaaso.

5: 7/1/2016 madaxwaynaha khaatumo cali khaliif gallaydh ayaa kasoo degay garoonka buuhoodle ee ismaaciil mire.

6: 7/1/2016 gudoomiyaha baarlamaanka soomaaliya prof jawaari ayaa booqday magaalada dhuusa-mareeb ee gobolka galguduud.

7: 7/1/2016 Dawlada soomaaliya ayaa xidhiidhka u jartay dawlada iiraan.

8: 7/1/2016 xasan sh maxamud ayaa booqday magaalada boosaaso ,8 /1/2016 wuxuu xadhiga ka jaray garoonka diyaaradaha ee Boosaaso .

9: 11/1/2016 waxaa geeriyooday alle ha u nnaxariistee Abwaan Cali Sugulle "Duncarbeed".

10: 12/1/2016 xasan sheekh ayaa booqday jawhar

11: 12/1/2016 waxaa daafaha caalamka laga xusay sannad guuradii maamulka khaatumo.

12: 14/1/2016 waxaa kismaayo ka furmay shirkii madasha ee dawlada iyo maamulada.

13: 14/1/2016 maamulka somaliland ayaa ku duulay magaalada ballicad.

14: 15/1/2016 waxaa fashil kusoo dhammaaday shirkii kismaayo, isla maalinkaas waxaa lagu laayey gobolka gedo ciidamo kenyaan ah.

15: 18/1/2016 mar labaad waxaa fashil kusoo dhammaday shirkii kismaayo.

16: 18/1/2016 waxaa magaalada burco lagu xidhay wariye cabdimaalik coldoon

17: 21/1/2016 habeen khamiis ah oo jumce soo galayo waxaa weerar lagu qaaday baar ku yaala xeebta liido waxaana ku geeriyooday 20 qof iyo dhaawac badan waxaa kamid ahaa wariye maxamed ibrahim mucallimow, dhacdo naxdin leh ayaa maalinkaas ka dhacday goobtaas waxa ku wada geeriyooday sadex dhallin yaro ah oo walaalo ah oo waliba arday ahayd.

18: 23/1/2016 xasan sheekh ayaa booqday wadanka urdun.

19: 25/1/2016 mudo laga joogay dhawr iyo toban sano waxaa magaalo madaxda gobolka sool soo caga dhigatay diyaaradii ugu horraysay.

20: 26/1/2016 waxaa magaalada muqdisho ku dhintay wariye Cabdi Gobdoon "AHUN" .

21: 27/1/2016 Ciidamada kenya ayaaa ka baxay CeelCadde.

22:  29/1/2016 xasan sheekh ayaa booqday magaalada adis ababa

23: 1/2/2016 Soomaaliya ayaa joojisay duulimaadkii Muqdisho To Hargaysa .

24: 5/2/2016 Ciidamada Amison ayaa ka baxday magaalada Marka.

25:  10/2/2016 Raysal wasaaraha dalka ciraaq ayaad Calaawi ayaa booqday magaalada muqdisho, isla maalinkaas dawlada biritayn "UK" ayaa muwadininteeda ka mamuucday u safrida soomaaliya

By Abshir Jama Salah

No comments:

Post a Comment

Qoraalada xiisaha leh

Magacyada Lab iyo dhedig lix kamid ah ugaadha