Total Pageviews

Thursday, December 29, 2016

Dhacdooyinka Soomaaliya iyo Sannadka 2016 (Q-3)

46: 17/4/2016 in kabadan 460 soomaali tahriib ah ayaa ku dhimatay xeebaha u dhexeeya talyaaniga iyo Giriirga.

47: 17/4/2016 haweenay 70 jir ah ayaa lagu dilay magaalada muqdisho.

48: 19/4/2016 waxaa ahayd dhacdo naxdin leh kadib markii ayeeyo duq ah iyo shan carruur ah lagu dilay habeen gobolka sh.hoose gaar ahaan degmada Shalan boid.

49: 22/4/2016  waxay ahayd dhacdo kale oo yaab leh kadib markii gabadh yar oo aan qaangaadhin lagu dilah sh.hoose

50: 2/5/2016  Gabad soomaaliyeed ayaa isku gubtay wadanka ustareeliya .

51: 4/5/2016 Gudoomiyihii maxkamada sare ee soomaaliya Caydiid ilka xanaf ayaa xilkii laga qaaday yadoo xilkaas loo magacaabay Ibraahim Iidle.

52: 4/5/2016 wasiirkii arimaha gudaha ee maamulka puntland ayaa lagu dhaawacay magaalada boosaaso.

53: 9/5/2016 Afar qof ayaa ku dhimatay 10 kalena waa ku dhaawacmeen kadib markii qarax lala eegtay xarunta taraafikada "Fisho tarafic" ee magaalada muqdisho.

54: 10/5/2016 Mudaharaad ka dhacay magaalada laascaanood kaas oo lagaga soo horjeeday dabar goynya shanta boqol ee shilin iyo sicir barar kajira magaalada.

55: 13/5/2016 Roobab dabaylo wata ayaa magaalada taleex dad ku laayey.

56: 18/5/2016 mudaharaado ka dhacay magaalada laascaanood waxaa ku dhaawacmay afar qof.

57: 1/6/2016 Qarax iyo weerar iswata ayaa goor fiidnimo ah lagu qaaday hotel Ambassador ee magaalada muqdisho in kabadan 15 qof oo ay ku jiraan labo xildhibaan aayaa ku dhintay halka 50 qof oo kale ku dhaawacmeen .

58: 2/6/2016 Xoghaya arimaha debada UK ayaa booqosho ku tagay magaalada muqdisho

59: 3/6/2016 Madaxwaynaha wadanka Turkey Rajib dayib ordogan ayaa booqasho ku dalka soomaaliya gaar ahaan magaalada muqdisho Sagoo xadhiga ka jaray safaarada turkey iyo Isbitaal.

60: 3/6/2016 Dagaal beeleed ayaa ka dhacay tuulada dharkayn ee gobolka sool.

61: 3/6/2016 Dhallinyaro soomaali ah ayaa lagu xukumay wadanka maraykanka kadib markii lagu eedeeyey ku biirid IS.

62: 9/6/2016 Xasan sheekh ayaa booqday xeryaha qaxootiga ee dhadhaab.

63: 9/6/2016 Gudoomiyihii garabka haweenka ee gobolka mudug dhudi yusuf aya lagu dilay magaalada gaalkacayo "AHU".

64: 14/6/2016 Taliyihii nabad sugida soomaaliya "Tuuryare " ayaa xilkii laga qaaday.

65: 14/6/2016 Jubba land ayaa wasiiro yeelatay.

66: 22/6/2016 Shirkii madasha wada tashiga ayaa ka furmay magaalada Baydhabo.

67: 22/6/2016 duqaymo ka dhacay gobolka gedo ayaa lagu dilay 4 qof oo rayid ah .

68: 22/6/2016 Gudoomiyihii hore ee gobolka bar Galan ayaa qabsaday deegaano katirsan gobolka bari.

69: 26/6/2016 weerar lagu qaaday hotel naaso hablood ee magaalada muqdisho ugu yaraan 16 qof ayaa ku dhimatay.

70: 9/7/2016 waxaa wadanka koonfur afrika lagu dilay 7 qof oo soomaali ah.

LASOCO QAYBTA XIGTA

Friday, December 23, 2016

Kawaran Hadii uu Noolyahay Hogaamiyihii Ururka Al-qaacida "Usama binlaadin" Ma Rumaysan Lahayd

Maraykanku wuxuu sheegay inay dileen hogaamiyihii ururka alcaaqida dhawr sano kahor sagoo lagu weeraray gurigiisa xilli habeen saq-dhexe ha,waxyaalaha muranka dhaliyey waxaa weeyaa lama soo bandhigin maydkiisa ,mar waxay sheegiin inay badda hoosteeda ku aaseen ,markale waxaa la sheegay in dalka maraykanka looqaaday .

Edward Snowden oo ka tirsanaa kana shaqaynayey laanta sirdoonka marayakanka ee National Security Agency (NSA) oo hadda kunool wadanka ruushka kadib markuu wadankiisa kasoo cararay markii lagu eedeeyey inuu siraha wadanka faafinayo laguna xukumay 10 sano oo xadhig ah ayuu si dhuumasho leh u galay wadanka Ruushka ,Snowden mar uu siiyey war bixin laanta BBCda sannadkii 2015 ayuu sheegay in uu wali noolyahay usama binladin kuna noolyahay Bahamas kuna noolyahay nolol raaxo leh wuxuuna yirisidan :

“I have documents showing that Bin Laden is still on the CIA’s payroll,”

Wuxuu kaloo sheegay inuu sannadkii qaato lacag dhan $100,00 , waxaana la nool shan kamid ah xaasaskiisa iyo caruur badan uu dhalay kuwaas oo kunool nolol raaxo leh

He is still receiving more than$100,000 a month, which are being transferred through some front businesses and organizations, directly to his Nassau bank account. I am not certain where he is now, but in 2013, he was living quietly in his villa with five of his wives and many children.”

Wuxuu kaloo sheegay in uu muddo dheer lashaqaynayey kana tirsanaa laanta sirdoonka maraykanka ee CIAda.

“Osama Bin Laden was one of the CIA’s most efficientoperatives for a long time,”

-Warbixintan oo lagu qoray webka caanka ah ee Worldtruth.
-
BY ABSHIR JAMA SALAH

Sunday, December 11, 2016

Dhacdooyinka 2016 ee Soomaaliya Q:2AAD

Waa qayb kale iyo dhacdooyinka Soomaaliyo iyo sannadkan sii dhammaanaya."Share"

26: 20/2/2016 waxay ahayd maalinkii raysalwasaaraha soomaaliya iyo wafdi uu  lasocday lagu xidhay laguna bahdilay garoonka diyaaradaha joma kenyata -Nayrobi

27: 24/2/2016 Shirkii soomaalida ee lagu qabtay istanbul -turkey ayaa lasoo gabagabeeyey.

28: 26/2/2016 Habeen sabti soo galayso waxaa qarax lala eegtay Hotel SYL ee kuyaal magaalada muqdisho 15 qof ayaa ku dhimatay 40 kalena waa ku dhaawacmeen

29: 26/2/2016 maalin jumce ah shil gaadhi oo ka dhacay galbeedka magaalada Gibiley ee waqooyiga soomaaliya 14 ruux ayaa ku dhintay "AHUN"

30: 28/2/2016 Habeen isniin soo galayso qarax kadhacay magaalada Baydhabo Goob ciyaar lagu daawanayey waxaa ku dhintay ku dhawaad 30 qof in kabadan 60 qofna waa ku dhaawacmeen "AHUN".

31: 1/3/2016 maalin arbaco ah taliyihii Booliska ee magaalada berbera Casayr ayaa lagu dilay isla burco "AHUN".

32: 1/3/2016 dagaal ayaa ka dhacay dhuuso mareeb oo u dhexeeya galmudug iyo ahlu sunna.

33: 4/3/2016 dhallin yaro soomaali ah oo 7 sano ku xidhnaa mambaasa-Kenya oo loo haystay budh cad badeed ayaa lasii daayey.

34: 5/3/2016 Wariyihii caanka ahaa Mohamed Abshir Welda ayaa ku geeriyooday magaalada Nayrobi "AHUN".

35: 8/3/2016 Ciidamo maraykan ah oo duqayn ku dilay in kabadan 15 qof gudaha soomaaliya "AHUN".

36: 9/3/2016 qarax ka dhacay muqdisho 9 qof ayaa ku dhimatay "AHUN".

37: 14/3/2016 ururka ugus oo lawareegay magaalada Gara-Cad ee puntland somalia.

38: 16/3/2016 dagaal u dhexeeya ururka ugus iyo maamulka puntland ayaa kadhacay togga suuj ee gobolka nugaal.

39: 19/3/2016 waxaa qaraxyo lala eegtay saldhig kuyaal waqooyiga magaalada gaalkacayo.

40:  31/3/2016 afar shaqaale oo turkey ah ayaa lagu dilay magaalada muqdisho.

41: 2/4/2016 maamulka puntland ayaa aqbalay qodobka ah 4.5 ka .

42: 6/4/2016 Maamulka khaatumo ayaa xidhiidhka u jaray dawlada dhexe ee soomaaliya.

43: 10/4/2016 Shirkii wada tashiga ayaa dib uga furmay magaalada muqdisho.

44: 11/4/2016 waxaa magaalada muqdisho lagu toogtay dilaagii waynaa wariyayaasha  ee xasan xanafi.

45: 16/4/2016 Ciidamada Amison ayaa dad shacab ah ku laayey gobolka sh.hoose afar ruux.
-
BY: Abshir jaamac saalax

-

Lasoco qaybta saddexaad.

Thursday, December 8, 2016

Dhacdooyinka 2016 Ee Soomaaliya Q1aad

Waxaan bilaabi doonaa qoraalo kooban aan kaga hadlayo dhacdooyin muhiim ah oo soo maray dhulka soomaalida sannadkan sii galbanaya ee 2016.
Waa qaybtii horu dhac ah

1: 3/1/2016 -ugaas cabdiraxmaan ugaas khaliif ayaa ku geeriyooday magaalada beledwayne "AHUN".

2: 4/1/2016 - waxaa magaalada garoowe booqday cali maxamed geedi ,cabdiwali sheekh axmed iyo salaad cali jeelle.

3: 5/1/2016 madaxwayne ku xigeenka khaatumo ayaa tegay magaalada Carrooley ee gobolka sool

4: 6/1/2016 cali maxamed geedi iyo waftigiisi ayaa booqday boosaaso.

5: 7/1/2016 madaxwaynaha khaatumo cali khaliif gallaydh ayaa kasoo degay garoonka buuhoodle ee ismaaciil mire.

6: 7/1/2016 gudoomiyaha baarlamaanka soomaaliya prof jawaari ayaa booqday magaalada dhuusa-mareeb ee gobolka galguduud.

7: 7/1/2016 Dawlada soomaaliya ayaa xidhiidhka u jartay dawlada iiraan.

8: 7/1/2016 xasan sh maxamud ayaa booqday magaalada boosaaso ,8 /1/2016 wuxuu xadhiga ka jaray garoonka diyaaradaha ee Boosaaso .

9: 11/1/2016 waxaa geeriyooday alle ha u nnaxariistee Abwaan Cali Sugulle "Duncarbeed".

10: 12/1/2016 xasan sheekh ayaa booqday jawhar

11: 12/1/2016 waxaa daafaha caalamka laga xusay sannad guuradii maamulka khaatumo.

12: 14/1/2016 waxaa kismaayo ka furmay shirkii madasha ee dawlada iyo maamulada.

13: 14/1/2016 maamulka somaliland ayaa ku duulay magaalada ballicad.

14: 15/1/2016 waxaa fashil kusoo dhammaaday shirkii kismaayo, isla maalinkaas waxaa lagu laayey gobolka gedo ciidamo kenyaan ah.

15: 18/1/2016 mar labaad waxaa fashil kusoo dhammaday shirkii kismaayo.

16: 18/1/2016 waxaa magaalada burco lagu xidhay wariye cabdimaalik coldoon

17: 21/1/2016 habeen khamiis ah oo jumce soo galayo waxaa weerar lagu qaaday baar ku yaala xeebta liido waxaana ku geeriyooday 20 qof iyo dhaawac badan waxaa kamid ahaa wariye maxamed ibrahim mucallimow, dhacdo naxdin leh ayaa maalinkaas ka dhacday goobtaas waxa ku wada geeriyooday sadex dhallin yaro ah oo walaalo ah oo waliba arday ahayd.

18: 23/1/2016 xasan sheekh ayaa booqday wadanka urdun.

19: 25/1/2016 mudo laga joogay dhawr iyo toban sano waxaa magaalo madaxda gobolka sool soo caga dhigatay diyaaradii ugu horraysay.

20: 26/1/2016 waxaa magaalada muqdisho ku dhintay wariye Cabdi Gobdoon "AHUN" .

21: 27/1/2016 Ciidamada kenya ayaaa ka baxay CeelCadde.

22:  29/1/2016 xasan sheekh ayaa booqday magaalada adis ababa

23: 1/2/2016 Soomaaliya ayaa joojisay duulimaadkii Muqdisho To Hargaysa .

24: 5/2/2016 Ciidamada Amison ayaa ka baxday magaalada Marka.

25:  10/2/2016 Raysal wasaaraha dalka ciraaq ayaad Calaawi ayaa booqday magaalada muqdisho, isla maalinkaas dawlada biritayn "UK" ayaa muwadininteeda ka mamuucday u safrida soomaaliya

By Abshir Jama Salah

Qoraalada xiisaha leh

Magacyada Lab iyo dhedig lix kamid ah ugaadha