Total Pageviews

Friday, January 29, 2016

Rooxaani iyo Reer yurub.


Madaxwaynaha wadanka Iran Xasan rooxaani ayaa beryahan booqasho ku joogay wadamo kamida qaarada yurub booqashadan oo ahayd tiisi ugu horraysay intuu noqday madaxwaynaha dalkaas.
Booqashadiisi talyaaniga iyo faransiiska ayaa waxaa ka dhacay dhawr ismaandhaaf.
Tusaale 
Talyaaniga :

Rooxaani wuxuu tagay wadanka talyaaniga halkaaso oo loogu sameeyey soo dhawayn heer sare ah,inta kadib wuxuu booqday Madxafka wayn ee kuyaala Roma,lakin hal shardi ayuu ku xidhay
"inuusan dooneyn intuu booqanayo goobtaasi inuu arko Wax Asnaab Qaawan ah, taasi oo keentay in maamulka Madxafka uu Sanaadiikh waaweyn ku qariyo Asnaabta Qadiimka ah oo ay ka muuqdaan Haween Qaawan, wuxuu sidoo kale hogaamiyaha IRAN diiday in lagu sawiro Sanabyada kaleee hogaamiyayaashii hore ee Yurub ee goobtaasi yaal". Hadaba arintan ayaa dhalisay cadho dadwaynaha talyaaniga oo sheegay in la qaatay arintii rooxaani .


Booqashadii Faransiiska


Inta kadib wuxuu booqday wadanka faransiiska halkaas oo kula kulmay hogaamiyah faransiika Hollande.
Waftiga iiraan waxay dalbadeen in cuntada ay cunayaan laga dhigo xalaal.walba oo uu Khamri ku jiro. Arrintan ayuu diiday Madaxweynaha France Francois Hollande oo sheegay in Khamriga (Wine) ee ku jiray Listiga Cabitaanka aan laga saari kari maadaama ay tahay dhaqankooda, isla markaana khamrigaasi oo uu Faransiiska caan ku yahay la saaro munaasabadaha ka dhaca xarunta Madaxtooyada Paris.


Thursday, January 28, 2016

Qoyska Xukunka Sucuudiga haya iyo soomaaliya kala fogaa


Wadanka sucuudiga waxaa kuyaala goobaha aduunka ugu khayr badan "Makka iyo Madina" ,ilaahay ha ilaasho ,Cadowgana ha ka xijaabo.
Laakin maamulka kajira ee uu hogaamiyo qoyska qudha ,xdhinaca marka laga eego aduunka somalia iyo sucuudiga waa labada wadan ee aduunka shacabkoodu muslim wada ah "100%" ,xidhiidhka ka dhaxeeya sidaa u haysato maaha ,soomaalidu way jeceshahay laakin qoyska u taliya maaha soo mooday .
'


Taariikhda aan dib u eegno:-
Bishan janaury ee sannadkan 2016 gudihiisa waxaa dhacday dhacdadi ugu danbasay ee kuu cadaynaysa xidhiidh xumada sucudiga.
Qoys ka kooban 11 Caruurtan aabahood ayaa ka shaqeyn jiray Qunsuliyada Jeddah ee Soomaaliya, waxayna sharcigooda waayeen markii waalidkood ay dhinteen.Caruurtan oo gaaraya 11 ayaa isugu jira wilal iyo gabdho, isla markaana ku dhashay dalka Sucuudiga balse aan wax sharci ama degenaansho ah ka helin Boqortooyada Sucuudiga.Qoyskan ayaa muddo dheer si cabsi ah ugu noolaa dalka Sucuudiga kadib markii la sheegay in loo tarxiilayo dalka Soomaaliya oo ay Caruurtan weligood arag!.
Caruurtii waxaa degenaasho siyey wadanka Canada oo dal ahaan dal gaalo u badan.

Monday, January 25, 2016

Qodobkii ugu Muhiimsanaa Ciwaanada Mareegaha Soomaalida "GEESI SOO BAXAY"

Shirka kismaayo:
"Waxaan farayaa howladeenada inay madasha ka saaraan calamada maamul goboleedyada, maxaa yeelay meeshan shirar maamul goboleed uma fadhino, ee waxaan u fadhinaaaayaha ummadda Soomaaliyeed, sidaasi darteed, waa in calanka qaranka Soomaaliya oo kaliya meesha la suro” ayuu yiri Ahmed Madoobe.
,
Shirkii Muqdisho
"Waxaan codsan lahaa shirkan Soomaali ayaa iska leh, waxaana uu ka dhacayaa Muqdisho oo ah caasimadii dalka, warbaahin ajanabiah ma joogto, marka in dhowr qof oo ajanabi ah darteed in aan luqadeena uga tagno waa qalad, ee fadlan aan kuwada hadalno afka Soomaaliga”ayuu yiri Ahmed Madoobe.
,
Shirkii Garoowe:
"Madaxweynayaalin aad inoogu yeertaan rageena maamul goboleedyada madaxda ah, haddana Madaxweynaha QARANKA isaganaloogu yeero isla magacaasi, ma ahan wax soconaya, ee waa in annaga magaca nalaga baddelo ama madaxweynaha qaranka magac kale loo raadiyo, siloo muujiyo kala sareynta xilka dowlada dhexe iyotan gobollada”.Ayuu yiri Ahmed Madoobe.
"
W/Q . Abdiweli Ibrahim GaryareAgaasimaha ahna milkiilaha Radio VOSEma

Qoraalada xiisaha leh

Magacyada Lab iyo dhedig lix kamid ah ugaadha