Total Pageviews

Monday, January 25, 2016

Qodobkii ugu Muhiimsanaa Ciwaanada Mareegaha Soomaalida "GEESI SOO BAXAY"

Shirka kismaayo:
"Waxaan farayaa howladeenada inay madasha ka saaraan calamada maamul goboleedyada, maxaa yeelay meeshan shirar maamul goboleed uma fadhino, ee waxaan u fadhinaaaayaha ummadda Soomaaliyeed, sidaasi darteed, waa in calanka qaranka Soomaaliya oo kaliya meesha la suro” ayuu yiri Ahmed Madoobe.
,
Shirkii Muqdisho
"Waxaan codsan lahaa shirkan Soomaali ayaa iska leh, waxaana uu ka dhacayaa Muqdisho oo ah caasimadii dalka, warbaahin ajanabiah ma joogto, marka in dhowr qof oo ajanabi ah darteed in aan luqadeena uga tagno waa qalad, ee fadlan aan kuwada hadalno afka Soomaaliga”ayuu yiri Ahmed Madoobe.
,
Shirkii Garoowe:
"Madaxweynayaalin aad inoogu yeertaan rageena maamul goboleedyada madaxda ah, haddana Madaxweynaha QARANKA isaganaloogu yeero isla magacaasi, ma ahan wax soconaya, ee waa in annaga magaca nalaga baddelo ama madaxweynaha qaranka magac kale loo raadiyo, siloo muujiyo kala sareynta xilka dowlada dhexe iyotan gobollada”.Ayuu yiri Ahmed Madoobe.
"
W/Q . Abdiweli Ibrahim GaryareAgaasimaha ahna milkiilaha Radio VOSEma

No comments:

Post a Comment

Qoraalada xiisaha leh

Magacyada Lab iyo dhedig lix kamid ah ugaadha