Waxaan ahay odey soomaaliyeed oo ku dhow da’da lixdanka, haddii cilmi diimeed laga hadlayana aqoon fiican u leh qaybaha waaweyn ee shareecada sida Tafsiirka, Xadiiska iyo Fiqigaba oo waliba awoodda Allah ay ugu suurtowday inuu gaaro darajada cilmiyeed ee PHD. Dhinaca kale, haddii laga hadlayo khibrad dhaqaale, waxaan shaqo ka billaabay hay’adihii maaliyadda soomaaliya ee siddeetameeyadii ilaa waqti dhowna ku dhex jiray qaybaha kala duwan ee xarumaha ugu waaweyn ee ilaha dhaqaalaha dalka. Sidoo kale, haddii siyaasad wax laga jilayo, waxaan u soo joogay ilaa 7 Madaxweyne Soomaaliyeed(M/weyne Siyaad – M/weyne Farmaajo) aniga oo waliba ka soo mid noqday ururro diimeed iyo kuwo aan diin ku salaysnaynba.
Taariikhdaas uma soo gudbinayo inaan idiin faano ee waxaan u soo bandhigayaa inaan idin dareensiiyo inaan wax badan u soo joogay isla markaana aan ra’yi iyo taloba ka dhiiban karo sida ay wax u socdaan iyo waliba inaan xog badan idinkala wadaagi karo dad badan oo muddo kooban kula soo shir tagay shaatiyo kala noocnooc ah, waxaana dadkaas ka mid ah:
Bilowgii Bisha okt 2018ka waxaa mar kaliya dhegaha dadka soomaaliyeed ku soo dhacay musharixiinta madaxweynaha K/Galbeedg oo lagu wado in la qabto dhammaadka sanadkan, waxaase musharixiintaas ka dhex muuqday Mukhtaar Roobow oo bilihii ugu dambeeyeyba ay hadal hayntiisu soo noqnoqnaysay. Sidoo kale, Mukhtaar marka ay saxaafaddu ka hadlayso waxay ku tilmaamaan inuu wax ka aasaasay Al-Shabaab uuna yahay sarkaalkii ugu darajada weynaa ee ka soo baxsada xarakada, isla markaana ay dhici karto inuu wax ka beddelo xaaladda nabadgelyo ee dalka guud ahaan gaar ahaanna K/Galbeedg oo ah deegaanka uu ka soo jeedo.
Haddaba, bal aan isla fiirinno(inta aan ka ogahay) inta marxalo ee ay u qaybsanayd nolosha Mukhtaar Roobow iyo weliba shaatiyadii ugu waaweynaa ee uu soo xirtey gaar ahaanna 22kii sano ee noloshiisa ugu dambeeyey, waana si aan isula dhuuxno bal inuu yahay nin mabda’ iyo hadaf ilaalashanaya iyo in kale.
Shaatigii 1aad:
Wixii ka dambeeyey burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya, Mukhtaar wuxuu ka mid ahaa dhallinyaradii nasiibka u helay inay wax ka bartaan culimada soomaaliyeed gaar ahaan culimada Bay, Bakool iyo Banaadir. Dhinaca kale, wuxuu ka mid ahaa ardaydii(dalabatu cilmiga) aadka ugu fekerayey inay mar uun arkaan iyadoo shareecada lagu maamulayo dalka. Si wax uun dadka loogu qabtana, waxaa la ii sheegay inuu ka mid ahaa dadkii wax ka aasaasy xarumo lagu tababarto oo ka hirgalay Bay, ilaa dadka qaar ay rumaysan yihiin inuuba tababar ku soo qaatay Afgaanistaan(mase hubo anigu).
Waxaa inta dheer, in uu Mukhtaar aad u jeclaa(2004tii iyo ka horba) inuu ka qalin jabiyo jaamacadaha dalka ee shareecada lagu barto, mase hubo in ay wax uga hirgaleen iyo in kale. Intii uu Mukhtaar xirnaa shaatiga 1aad, aad uma soo caan bixin, wuxuuna ka mid ahaa dadkii markaas ugu afgaabnaa uguna uruursanaa. Sidoo kale, wuxuu ka mid ahaa dadka ay noloshu ka jajabnayd, oo waxaaban xusuustaa in aan maqlay mar uu codsi u gudbistay jaamacad uu rabay inuu ku biiro bal inay lacagta waxbarashada ka cafin karaan ama ay qayb ka dhaafi karaan.
Shaatigii 2aad:
Bilowga sanadkii 2006dii waxaa soo if baxay maxaakimtii Islaamiga, waxaana ka dhex muuqday dad badan oo aan horey caan u ahayn. Waxaa dadkaas ka mid ahaa Mukhtaar Roobow oo xilligaas xirtay shaatiga 2aad ee noloshiisa. Shaatigan wuxuu ahaa mid aad uga duwan kii 1aad marka laga fiiriyo:
1- Marxaladdan oo aad u adkayd, ma hubo inuu Mukhtaar ogaal iyo rogrog ka dib ku dhaqaaqay inta uusan iska tuurin shaatigii keli noolka ahaa oo uu ku bedeshey shaati dagaal ku billowday.
2- Muuqaaladii ugu horreeyeyba wuxuu ku labisnaa shaati bulshadu ay u taqiinnay BAAKISTAANI oo caan ka ahaa maxaakimtii dhexdooda.
3- Cimaamad guduudan, qori AK ah iyo garka oo lama taabtaan ah hadduu cirroobana aan la madoobeyn karin.
4- Isagoo noqday masuul sare (weliba guddigii fulinta) isla markaana loogu wanqalay Sh. Mukhtaar Abuu Mansuur(in kastoo laga yaabo inay horey dad yar ugu yaqiinneen naanaystaas).
5- Waxay isla saanqaadeen islana shaqeeyeen dad badan oo isugu jiray: culimo waaweyn, siyaasiyiin, maalqabeen, aqoon yahanno iyo dagaalyanno, sidaas darteedna wuxuu ka mid noqday magacyada maalin walba ay maqlaan dhegaha dadka soomaaliyeed gaar ahaanna koonfurta, isla markaana wax ka gooya talada iyo siyaasaddii markaas taagnayd ee Soomaaliya.
6- Dadka ay isla jaanqaadeen waxaa ugu magacweynaa: Sh. Xasan Dahir, Shariif Xasan(ka soo go’ay baarlamaankii Baydhabo ee dawladdii M/weyne C/hi Yusuf) iyo Shariif sh. Axmed oo uu markii dambe(shaatiga 3aad) la geli doono dagaal adag oo lagu hoobtay, Amiir Axmed Godane oo ay shaatiga 3aad isla xiran doonaan laakiin waa ninka ku kallifi doonaa inuu Mukhtaar naf ka raadiyo inuu xirto shaati 4aad isla markaana caqli gal ka dhigay inuu madaxtinnimo kula tartamo Shariif Xasan oo mar ugu xukunnaa MURTAD.
7- Dhinaca kale, waxay u eg tahay inay marxaladdani ka qayb qaadatay inuu is-beddelo hab-nololeedkiisii, gaar ahaan: dhaqaalaha, awooddiisa gacan ka hadalka, waardiye gaar ah(staff) iwm.
Si kastaba ahaatee, Mukhtaar wuxuu ka mid ahaa raggii wax ka go’aamiyey –marxaladdii Maxaakimta- in dagaal lagu muquuniyo dawladdii M/weyne Cabdulahi Yusuf ee Baydhabo dhamaadkii 2006dii, in kastoo tabar yari lagu tuhmayeyna waxaa ilaalinayey ciidamadii Itoobiya oo waagaas ahaa ciidanka kaliya ee ajnabiga ah ee ka hawl gala meel Soomaaliya ka mid ah. Waxaase la yaab ahayd ilaa haddana aysan weli soomaalidu hilmaamin hoggaankii ciidanka maxaakimta ee dagaalka ku dhawaaqay (Mukhtaarna ka mid ahaa) oo la ogaaday inay badankood u safreen Xajkii sanadkaas.
Waxaa kale oo in lays xusuusiyo u baahan in dagaalkaas oo uu Mukhtaar Roobowna wax ka huriyey uu sababay musiibo aan la qiyaasi karin oo weliba saameysey Naf, Maal iyo Siyaasadba, waana dagaalkii sababay in saraakiil Itoobiyaan ah ay ka arrimiyaan Madaxtooyadii iyo Wasaaraddii Gaashaan Dhigga ee Soomaaliya iyo weliba inay ciidamadaas awood buuxda ku joogaan 11 gobol oo Soomaaliyeed caasimadduna ka mid ahayd.
Ugu dambayntiina, wuxuu dagaalkaasi soo afjaray magacii Maxaakimta, wuxuuna dad badan ku khasbay inay ku fekeraan sidii loo heli lahaa SHAATI cusub oo la saanqaadi kara heerka nololeed ee laga gaaray xagga magaca, maamuuska, maalka iyo in awood wax lagu muquuniyo. Haddaba, xaggee u jihaystay Mukhtaar Roobow?
Shaatigii 3aad:
Nin adduunyo joogoow maxaa aragti kuu laaban!!!, In kastoo ciidankii xabashida dagaal adag lagu qaaday isla markaana ay dhamaadkii 2008dii si magac ahaana uga baxeen guud ahaan dalka oo caasimaddu ugu horreysay, haddana awooddii maxaakimtu waxay u qaybsantay 3qaybood oo kala ahaa:
Shariif Sh. Axmed oo xirtey shaatiga madaxweynaha Soomaaliya, Sh. Xasan Daahir oo xirtey shaatiga Xisbu Islaam iyo Axmed Godane oo xirtey shaatiga Amiirka Xarakada Al-Shabaab af-hayeenna uu ka noqday Mukhtaar Roobow, waana sababta ay dadka qaarkood ugu maleeyeen inuu Mukhtaar xarakada wax ka aasaasay. Hase yeeshee, waxaa la hubaa in aasaaska xarakadu sannado badan ka horreeyey dhacdadan mana u malaynayo inuu Mukhtaar wax ka aasaasay(waadse weydiin kartaan).
In kasta oo Xisbu Islaam iyo Shabaab ay labaduba ka soo horjeedeen dawladdii Shriifka haddana heshiis ma ahayn, waayo? Siyassadda Shabaab ma oggoleyn ciidan mujaahidiin ku magacaaban oo aan iyaga hoos imaneyn, sidaas darteedna waxay dagaal adag ku qaadeen Xisbu Islaam oo ay ugu dambayntii ku khasbeen inay hub ka dhigis ku sameeyaan iyo inuu xataa Sh. Xasan Daahir iyaga ka mid noqdo.
Haddaba, maxaa ugu waaweynaa dhacdooyinkii uu Mukhtaar u soo joogay iyo weliba habdhaqankiisii intii uu ku jirey marxaladda shaatiga 3aad:
1- Marxaladdan (shaatiga 3aad) waxaa aad u soo shaac-baxay magaca Sh. Mukhtaar Roobow oo markanna loogu wanqalay afhayeenka mujaahidiinta. Sidoo kale, wuxuu ka mid noqday hoggaanka ugu sarreeya ee xarakada oo gaartay heer ay maamusho guud ahaan gobollada koonfureed ee soomaaliya marka laga reebo qayb yar oo caasimadda ka mid ah. Waxaa kale oo lagu xusuustaa inuu aad u sii muujiyey shaatigii BAAKISTAANIGA ahaa, cimaamad markan madow xigeen ah iyo weliba inuusan marna dhigi jirin BOOSH(agab lagu rito qasnadaha qoriga) kana muuqan jiray laabtiisa. Mararka qaarna waxaa la arki jiray isaga oo meel buuraley ah qalabkaas iyo bakoorad uga degeya si uu u jilo habdhaqankii amiirkiisii sare ee Usaama.
2- Hadda waa Amiir ka mid amiirrada dawlad Islaamiya oo u dhisnayd xarakada Shabaab in amarkiisa la qaatana ay waajib ahayd, hadii uu dagaal jiro wuxuu ahaa safka hore hadii kalena wuxuu wadan jirey gaari aan muraayadihiisa waxba laga arkeyn.
3- Waxaa ciidanka xarakada ku soo qancay dhallinyaro badan oo ka soo jeeda gobollada Bay, Bakool iyo Shabeellada Hoose, waxayna noqdeen awood lagu xisaabtamo oo ka barbar dagaallama Mukhtaar.
4- Mukhtaar wuxuu ka mid noqday dadka loogu baadi-goob badan yahay Soomaaliya, waxaana madaxiisa la dul-dhigay malaayiin dollar.
5- Dhamaadkii 2008dii – bartamihii 2012kii waa dhowr sano oo uusan Mukhtaar inkireyn inuu xarakada ka mid ahaa, waxaana muddadaas dalka ka dhacay qaraxyo waaweyn oo aad loo xusuusto in la hilmaamana ay adag tahay, waxaana ka mid ahaa:
– Qaraxii Hotel Madiina ee B/weyne(18/06/2009) laguna diley saraakiil iyo odeyaal dhaqameedyo uu ka mid ahaa Col. Cumar Xaashi wasiirkii amniga qaranka ee dawladdii Shariif.
– Qaraxii ardayda Jaamacadda Banaadir ee Hotel Shamow ee (03/12/2009).
– Qaraxii masjidka bakaaraha(cabdalle shideeye) ee 10/05/2010.
– Dagaalkii lagu hoobtay ee ay xarakadu ugu magac dartay (dhamaadkii muctadiinta) ee bishii Ramadaan ee 2010, waxaana la rumeysan inuu hoggaaminayey Mukhtaar laftiisu, waana la weydiin karaa.
– Qaraxii ardayda hargaha iyo saamaha ee 04/10/2011.
– Qaraxii hotel Muna X/Weyne ee 08/02/2012.
– Qaraxii Tiyaatirka Muqdisho ee 04/04/2012.
– Qaraxii maqaayadda Dhuusamareeb ee 01/05/2012.
Waxaan maqli jirey: carrab iyo ilko ayaa isugu dhow weyna is qoonsadaane, waxaa bartamihii 2012kii soo if-baxay khilaaf aan la qarin karin oo ka dhex qarxay odeyaashii xarakada. Ugu dambeyntiina wuxuu khilaafkaasi sababay in rag badan adduunka la dhaafiyo kuwa kale oo uu Mukhtaar ka mid ahaana ay fara ciddideed ku baxsadaan. Si kastaba ha ahaatee, waxaa Mukhtaar iyo raggiisii lagama maarmaan ku noqotay in ay raadiyaan qaab ay u toshaan Shaati kale oo suurto gal ka dhigi kara in la sii noolaado. Intaas ka dib, muddo shan sano iyo dhowr bilood ah war rasmi ah lagama helayn Mukhtaar Roobow, mararka qaarna waxaaba shaki la galin jiray noloshiisa.
Shaatigii 4aad:
In kasta oo aan soo tilmaannay inuu Mukhtaar ka mid ahaa dadka loogu baadi-goob badan yahay Soomaaliya, madaxiisana la dul-dhigay malaayiin dollar, haddana bilowgii bishii 8aad 2017kii waxaa laysla dhex maray in weerar lagu qaadi doono xarun uu intii muddo ahba ka deggenaa Bakool. Isla bishii 8aad 13keedii waxaa la xaqiijiyey inuu Mukhtaar isu soo dhiibay xaruntii dawladda ee Xuddur, halkaas oo isla maalintaasba loogu direy dayaarad khaas ah loona soo galbiyey Muqdisho.
Isla 15kii bishaasba, waxay indhuhu qabteen Mukhtaar Roobow oo ku fadhiya kursi uuna horyaallo miis dheer oo lagu cammirey maykarafoonno tiro badan, goobtuna waa Royal Palace(ex- city palace), waana shir jaraa’id oo loogu talo galay inuu Mukhtaar ku muujiyo shaatiga 4aad ee noloshiisa. Dhinaca kale, wax walba oo horey loogu yaqiinnay is-beddel ayuu ka sameeyey, tusaale ahaan:
1- Manta aad ayuu Mukhtaar uga muuqaal duwan yahay dhammaan marxaladihii hore, marka hore, wax qori ah oo garabka u suran ma jiro, wuxuu xiran yahay qamiis, cimaamad shaalka u eg, koofi yar oo cad iyo weliba kabo sandal ah oo aan haba yaraatee wax boor ah lahayn. In kasta oo garku u madoobaa haddana kama maarmin inuu soo xirto okiyaalaha aqriska oo muujinaya sida ay da’du uga daba timid.
2- Wuxuu marti u yahay dawlad Soomaaliyeed oo muddooyinkii u dambeeyey uusan aqoonsanayn isla markaana uu dagaallo adag la soo galay, maxaa is beddeley?
3- Weli ma cadda ilaa haddana lama garanayo cidda qaadatay malaayiin dollar oo la dul dhigay madaxa Mukhtaar Roobow, iyadoo weliba isagoo nool ixtiraamna loo hayo la soo galbeyiyey, mase dhici kartaa inuu wax ka qaatay malaayiintii dollar?
4- Ma jirto cid mujaahid lagu magacaabo oo waardiye u ah, beddelkeedana waxaa hareeraha ka socda askartii dawladda oo uu muddooyinkii ugu dambeeyey u aqoonsanaa inay murtadiin yihiin, maxaa is beddeley?
5- Lama maqlayo wax TAKBIIR ah oo hareerihiisa ka yeeraya, iyadoo weliba dhiniciisa la surey calanka Soomaaliya ee buluugga iyo xiddigta cad, indhihiisuna aysan qabanayn calankii towxiidku ku xardhanaa ee mar walba oo uu hadlayo hareertiisa ka muuqan jirey, maxaa is beddeley?
6- Loogama baran inuu Mukhtaar waxa uu dadka u sheegayo warqad ku soo qorto, laakiin maaanta waxaa miiska u saaran warqad qoran oo loo badinayo inay isla qodobeeyeen isaga iyo dhinaca dawladda ku magacaaban, waana sababta keentay inuu aqriyo qodobadii qornaa oo kaliya, maxaa is beddeley?
7- Dhammaan afarta qodob ee ku qornaa warqadda waxay ku saabsanaayeen inuusan shabaab ka mid ahayn, mahadcelin uu u jeedinayo dawladda iyo saaxibbadeed iyo cid walba oo ka qayb qaadatay inay arrimuhu heerkaas soo gaaraan isagoo weliba carrabka ku adkeeyey inay wada hadallo u socdaan isaga iyo dawladda.
8- Mukhtaar Roobow haba yaraatee kama tacsiyeyn mana soo hadal qaadinba wixii dhib ahaa ee soo gaaray shacabka Soomaaliyeed muddadii 12ka sano ahayd (2006-2017) ee uu gashanaa shaatigii 1aad, 2aad iyo 3aad, sidoo kale wax khalad ama sax ah midna ma saarin naftiisa taas beddelkeedase wuxuu sheegay inay shabaabka caqiido isku qabteen, maxaase lagu aaminayaa?
Waxaa isaga hortii sidan oo kale sameeyey, rag badan oo saaxiibadiis ahaa shaatiyada qaarna ay isla soo gashadeen, sida: Axmed Madoobe, Shariif Sh. Axmed iyo Maxed Saciid Atam. Haddaba, Mukhtaar Roobow muxuu sameyn doonaa marxaladdan ka dib?
Shaatigii 5aad:
Waxaan soo tilmaannay inuu Mukhtaar Roobow isu soo dhiibay Dawladda Soomaaliya isaga oo weliba sheegay inuu wada hadal u socdo isaga iyo dawladda. Haddaba, rag wixii aan ka umuliya ahaynba waa laga fishaaye, bilowgii bisha 10aad 2018 oo ah hal sano uun ka dib markii uu Mukhtaar soo galay gacanta dawladda, waxay indhuhu qateen isaga oo jooga Baydhabo, si aad ahna loo soo dhoweynayo, tolow maxaa dhici doona?
Marka hore, sida aan ka maqlay dad ay aad isugu dhow yihiin wuxuu Mukhtaar bishii 9aad ka soo laabtay gudashadii xajka. Hase yeeshee, wax yar uun ka dib wuxuu ku dhowaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka M/weyne ee Maamulka K/Galbeed.
Maanta (shaatiga 5aad) wuxuu Mukhtaar Roobow xiran yahay FITISHAARI cusub oo buluug ah iyo koofi weyn oo aan horey loogu arag iyada oo madixiisa ka muuqata, sidoo kalena wuxuu kor u taagayaa gacantiisa midig oo aan wax qori(AK) ah haynin, isaga oo u hambalyeynaya taageerayaashiisa, waana calaamad lagu yaqaan dadka ku dheereeya jilidda shaatiga madaxtinimada Soomaaliya. 14kii Okt. wuxuu booqasho ugu tagay dadkii ku dhaawacmay qaraxyo waaweyn oo lala beegsaday magaalada Baydhabo isagoo weliba u mahadceliyey guud ahaan cid kasta oo ka qeyb qaadatay gurmadka loo fidiyey dadkaas.
Intaas ka dib, waxaa isweydiin mudan: xaggee ku danbayn doonaa Mukhtaar Roobow? War jiraaba cakaaro ayuu iman!!!!!!
Gabagabadii maqaalkan waxaan leeyahay:
– Suurto gal ma aha caqliguna wuu diidayaa in ay dadka soomaaliyeed mar walba taageero iyo sacab la garab istaagaan cid walba xataa hadduu yahay qofkii ugu dhib badnaa ee ay noloshooda arkaan.
– Waxaa loo baahan yahay inaynu dib u milicsanno taariikhda iyo shaati beddelka soo maray rag badan oo ummadda hor boodaya.
– Mukhtaar Roobow weli naftu wey ku jirtaa waase da’ kontanaad(50 iyo…), waxaana u furan towbad keen iyo inuu ummadda si dhab ah oo kor iyo hoosba leh u weydiisto cafis.
– Balse aan aragno inay jiraan shaatiyaal kale oo noloshiisa u qorsheysan????
Qore: odey Soomaaliyeed… DR waaya arag ah…