Horjooge axmed madoobe waa nin wajiyo badan oo isbedbedel
badan ,korka sare wuxuu uga muuqdaa nin ahlu-taqwo ah ,nin muwaadin ah ,nin
ummadiisa jecel ,laakiin xumaha iyo waxyaalaha u qarsoon ayaa kabadan wuxuu
afkiisa ka sheego ,marka layimaado goob fagaare ah oo masiirka soomaaliya
lagaga hadlayo waa nin ugu qiirada badan uguna hadalka fiican laakin wixiisu
waa afka ,wuxuu fuulay taangi Al-shabaab si uu xukun ugu helo ,wuxuu fuulay
taangi Kenya si uu xukun u helo ,wuxuu dhuumasho iyo heshiisyo qarsoon ula
lahaa Ethopia ,manta wuxuu ku jiraa fadeexado badan kuwaas oo ay kamid yihiin :dhuumashadii
uu ku tagay imaaraatka sago laaluush kazoo qaatay ,wuxuu tegay Ethopia sago la
kulmay madaxda Ethiopia waxaa soo dhaw doorashadii Jubba-land ,6 sano uu
horjooge ka ahaa hal tallaabo hore umuu qaadin si uu indhaha dadwaynaha isaga
jeediyo wuxuu dhuumasho ugu tagay wadaadkii ONLF ka tirsanaa ee qalbi dhagax
kaasoo 8 bilood ee ugu danbeeyey xabsi guri ku jiray nagaalada Adis-ababa ,waa
la ogaa in qalbi dhagax aanu xabsi kujirin laakin aanu xorriyad buuxda haysan
,laakiin booqashada horjooge axmed madoobe waxba soo kordhin mayso yaan lagu
wareerin
Abshir jama salah
No comments:
Post a Comment